SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: July 4, 2004



MAXAAD KA TAQAAN WAAYIHII ISBOORTI EE CIYAARYAHANKII LAGU NAANEYSI JIREY SHIMBIRTII YAREYD EE QARNIGII 20-AAD.

Qaybtii 10-aad:

Manoel dos Santos Francisco Garrincha waxa uu u dhashay, kuna dhashay waddanka Brazil 28-kii October 1937-kii, wuxuuna ahaa halyey uusan socon karin la’aantiis Qarankii Brazil ee qarnigii 20-aad, waxaana uu kaashan jirey saaxiibkii Pele, waxaana ciyaaryahan Garrincha uu u badnaa in kubadda uu ku xirfadeeyo lugta bidix, isagoo xulkiisii Qaranka Brazil kala qayb galay saddex Koob Adduun eek ala ahaa 1958-kii, 1962-kii iyo 1966-kii, isagoo sidoo kalena xulkiisii la qaaday labo ka tirsan Koobabkaasi ee kala ahaa 1958-kii iyo 1962-kii.

dos Santos Francisco Garrincha inta badan dadku waxa ay ugu magac dareen ama ugu yeeri jireen "Little Bird" oo la macno ah Shimbirtii yareyd, isagoo magacaasina ku kasbaday agmaridda daafacyada ka soo horjeeda oo uu si fudud oo xawli ah ku agmari jirey daafacyadaasi.

"La’aantiis ma aynaan ku guuleysan lahayn labadii Koob Adduun ee 1958-kii iyo 1962-kii" ayuu yiri Edson Arantas Do Nascimento Pele oo ka warbixinayay qaab ciyaareedkii Garrincha, balse nasiib darro Garrincha waxa uu dhaawac ahaan kaga maqnaa xulkiisa Brazil ee Koobkii Adduunka ee 1966-kii lagu qabtay waddanka England, iyadoo waqtigaana xulka Brazil loogu magac daray "Banana" (Muus) oo loola jeedo jilleecoodii Koobkaasi, sidoo kale xulka Qaranka Brazil ayuu Garrincha u ahaa dhaliyihii labaad eek u xigay Arantas Do Nascimento Pele, isagoo 1962-kiina Koobkii Adduunka ka dhaliyey 4-gool, iyadoo uu dhinaga gool dhalinta ka horreeyey ciyaaryahan Drazen Jerkovic oo u dhashay waddanka Yugoslavia oo gool dhalintii Koobkaasi Adduun ku qaaday 5-gool.

Garrincha waxa uu xulkiisa Brazil u horseeday guulal fara badan oo uu gaarsiiyey isagoo sidoo kalena xulkiisa Qaranka Brazil marka laga soo tago Koob Adduun guulo kale oo la taaban karo ka gaarsiiyey dhinaca Koobka Latin America.

Ugu dambeyntii ciyaaryahan Garrincha waxa uu ka mid ahaa weeraryahannadii qiimeyntii qarnigaasi oo ay ka mid ahaayeen Pele, Diego Armanda Maradona, Feranic Puskas, Eusebio iyo Guizeppe Meazza, isagoo ugu dambeyntiina ka fariistay ciyaaraha, kaddibna Bishii January 1983-kii ku geeriyooday waddanka Brazil, iyadoo xilligaasina da’diisu ay sii caga-cageyneysay 49-jir, waxaana waddanka Brazil loogu qabtay tacsi lagu tilmaamay "Tacsi qaran" oo ay ka soo qayb galeen raggii ugu cad-caddaa Kubadda Cagta qarnigii 20-aad.

La soco waayihii isboorti ee weeraryahankii xulkii Qaranka West Germany Ger Muler.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue).
E-mail: farahblue_545@hotmail.com 

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com |June 29, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD