w w w . S o m a l i
T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- CIYAARAHA
|

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad
[Best Players of 20th Century]
WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA
|
KHAMIIS
Daabacaaad: July 7, 2004
|
MAXAAD KA TAQAAN
WAAYIHII ISBOORTI EE WEERARYAHANKII XULKII QARANKA WEST GERMANY GERHARD
MULLER EE QARNIGII 20-AAD?!
Qaybtii 11-aad:
Gerhard Muller oo u
dhashay waddanka Germany waxa uu dhashay 3-dii Bishii November 1945-kii,
waxaana uu weerarka uga ciyaari jirey xulkii Qaranka West Germany,
isagoo ahaa weeraryahan keligii abuuran jirey ama soo dhisan jirey
Kubadda. Muller waxaa xulkiisii West Germany looga yeeray dabayaaqadii
sanadkii 1966-kii, wuxuuna kulankii ugu horreeyey ee xulkiisa uu u
saftay uu ahaa kii ay kaga hortageen xulka Turkiga, isagoo sidoo kalena
xulkiisa West Germany kala qayb qaatay laba Koob Adduun ee kala ahaa
1970-kii ee lagu qabtay waddanka Mexico iyo 1974-kii ee ka dhacay isla
waddanka Germnay. Muller waxa uu Record u dhigay weeraryahannadii xulkii
Qaranka West Germany ee qarnigii 20-aad, kaddib markii uu xuliisa u
dhaliyey labadii Koob adduun ee uu ka qayb galay 14-gool oo uu 10 ka mid
ah dhaliyey Koobkii Adduunka ee 1970-kii lagu qabtay waddanka Mexico oo
xulka Brazil 4-1 ugu awood sheegteen waddanka Italia, sidaana waxa uu
Muller ku hantay gool dhalintii Koobkaasi Adduun, isagoo sanadkaasina
kulan kasta oo uu xulkiisa u safto u dhalinayay goolal, 6-kulan oo uu
saftayna dhaliyey 10-gool oo ay ku jiraan saddex gool oo uu xulkiisa ugu
soo saaray semifinal-kii Koobkaasi.
1974-kii Koobkii
Adduunka ee lagu qabtay waddanka Germany ayuu sidoo kale Muller xulkiisa
u dhaliyey 4-gool oo uu ku jiro goolkii guusha ee uu ka dhaliyey
waddanka Holland ciyaartii final-ka ahayd ee ay 2-1 uga qaadeen
waddankaasi. Gerhard Muller sidoo kale waxa uu u soo saftay marka loo
fiiriyo dhinaca naadiyada kooxaha TSV Nordlingen, Bayer Munich, Fort
Lauderdale iyo Strikers oo ka dhisnayd waddanka USA, waxaana sanadihii
1960s iyo 1970s uu ahaa weeraryahanka keliya ee ay ku tashanayeen xulka
West Germany iyo weliba kooxdii Bayer Munich ee uu waqtigaa u safanayay.
Magacyadii ay
taageerayaasha Germnay iyo kuwa caalamkuba ugu yeeri jireen waxaa ugu
weynaa "DER BOMBER", waxaana mar uu sanadkii 1970-kii uu ku
guuleystay ciyaaryahanka sanadka ee Q/Yurub (European footballer of the
year) sidoo kale waxa uu laba mar ku guuleystay Kobaha Dahabka ah ee
gool dhalintii Koobka Horyaallada Yurub (Eufa Champions League), waxaana
Muller intii uu ku jiray ciyaaraha Kubadda Cagta uu dhaliyey in ka badan
600-gool oo ay ka mid yihiin Record-kii 365-gool oo uu ka dhaliyey
Horyaalka waddanka Jarmalka ee Bundesliga, 68-gool oo uu u dhaliyey
xulkiisa Qaranka iyo 62-ka tirsanaa Koobabkii kale ee uu soo ciyaaray
kooxihii kala duwanaa, sidoo kale Xiriirka Kubadda Cagta FIFA ayaa
sanadkii 1998-kii waxa ay Muller guddoonsiiyeen abaalmarin qaali ah oo
ay sheegeen in uu ku muteystay kaalintii uu ka qaatay ciyaarta Kubadda
Cagta, sidoo kale barbaarintiisii Kubadda cagta ayaa waxaa qayb weyn ka
qaatay tababarihii kooxda Bayer Munich Zlatko Tschilk Cajkosvski.
"Ma jirto cid dhalin
karta goolashii uu dhalin jirey Gerhard Muller, dibna uma arki doonto
kooxda Bayer Munich ciyaaryahan sidaa oo kale ah" ayuu yiri tababare
Zlatko Tschilk Cajkosvski.
Kumuu ahaa weeraryahankii ugu
wanaagsanaa ee soo mara xulka Qaranka Waddanka Scotland qarnigii
20-aad?, kala soco qormada bogga ciyaaraha ee Somalitalk.com.
W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr.
Blue).
E-mail:
farahblue_545@hotmail.com
|
Faafin: SomaliTalk.com
|June 29, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
©
www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
|