SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: July 8, 2004



KUMUU AHAA WEERARYAHANKII UGU WANAAGSANAA XULKA QARANKA WADDANKA SCOTLAND QARNIGII 20-AAD?

Qaybtii 12-aad:

Danis Law waxa uu dhashay 22-kii February 1940-kii, wuxuuna u dhashay waddanka Scotland, waxaana taageerayaal fara badan oo ka tirsanaa naadiga Manchester United ay aaminsanaayeen in in Denis Law uu ka wanaagsanaa ciyaaryahannada Bobby Charlton iyo George Best oo ahaa xiddigo hore oo soo maray kooxda Manchester United, marka loo fiiriyo dhinacyo fara badan oo kubadda cagta ah sanadihii lixdameeyadii.

Denis Law oo lagu naaneyso "King Law) waxa uu ku dhashay magaalo lagu magacaabo Aberdeen, waxaana yaraantiisii uu taageere u ahaa kooxda Rangers Glasgow ee ka dhisan waddanka Scotland, hase yeeshee kooxdii ugu horreysay ee nasiibka u yeelatay in uu u ciyaaro waxa ay ahayd koox lagu magacaabi jirey Huddersfield, isagoo waqtigaasi 16-jir ahaa, markii uu dar-dar la soo galay garoommada ayaa ciyaaryahan Denis Law waxaa xulka Qaranka waddanka Scotland uu ka mid noqday isaga oo 18-jir ah, waxaana kooxda waqtigaasi kooxdii Huddersfield naadiga Manchester City uga iibsatay qiimo dhan 55,000-Gini, isaga oo 20-jir ahaa.

Danis Law waxa uu qaaradda Yurub ka yaabiyey markii 10-bilood kaddib ku soo biiriddiisii kooxda Manchester City uu ciyaar ka tirsanayd Koobka FA Cup-ka waddanka Ingiriiska oo Manchester City ay la yeelatay kooxda Luton oo ay 6-2 uga adkaatay uu 6-da gool wada dhaliyey ciyaaryahan Denis Law, iyadoo isla markaana lagu tilmaamay in uu dhalin lahaa goolal intaa ka badan haddii aan la joojin lahayn ciyaartaasi markii ay mareysay 70-daqiiqo kaddib markii ay hakiyeen roobab lixaad leh.

Denis Law waxa uu u baqoolay dhinacaa iyo Talyaaniga, isagoo u saftay kooxdii Torino, hase yeeshee sanadkii uu u ciyaarayay kooxda Torino ma ahayn sanad farxadeed, isagoo 27-kulan oo uu u saftay u dhaliyey 10-gool, kaddibna shil baabuur oo galay ayaa soo geba-gebeeyey sanadkiisii uu u ciyaarayay kooxda Torino, waxaana Law uu dib ugu laabtay mar kale waddanka Ingiriiska, isagoo u ciyaaray kooxda Manchester United oo ay isku magaalo ka wada dhisan yihiin kooxdiisii hore ee Manchester City.

Denis Law waxa uu ku guuleystay laba Koob oo Horyaalka Ingiriiska ah iyo 1-Koob oo FA Cup ahaa sanadkii 1963-kii, iyadoo 1964-kiina loo codeeyey ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa sanadka ee Qaaradda Yurub (European footballer of the yea), waxaana Denis Law 55-kulan oo uu u saftay xulkiisa Qaranka Scotland uu u dhaliyey 30-gool. Nasiib-darro King Law waxa uu seegay Final-kii Koobka Horyaallada Yurub ee kooxdiisii Manchester United sanadkii 1968-kii sababo la xiriiray dhaawac ka soo gaaray jilibka aawadii.

Denis Law waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii aadka looga jeclaa garoonka naadiga Manchester United ee Old Trafford Stadium, waxaana ciyaarihiisii uu ku soo geba-gebeeyey kooxda Manchester City, isagoo sanadkii 1974-kii gool uu u dhaliyey kooxdiisa Manchester City uu ka bad-baadiyey in ay dib ugu laabato kooxaha heerka 1-aad ee waddanka Ingiriiska (Division I).

Akhri waayihii Isboorti ee ciyaaryahankii ugu horreeyey ee la ku guuleysta abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee Qaaradda Yurub, waddankee ayuuse u dhashay?

W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue).
E-mail: farahblue_545@hotmail.com 

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com |June 29, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD