SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: June 13, 2004



 

TAARIIKH KOOBAN OO KU SAABSAN WAAYIHII ISBOORTI EE MUCJISADII KUBADDA CAGTA ADDUUNKA DIEGO ARMANDA MARADONA!

Qaybtii 3-aad:   Diego Armanda Maradona waxa uu dhashay 30-kii Bishii October 1960-kii, gebi ahaanna waxa uu ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa ee dunida Kubadda cagtu ay indhaha ku kala qaado, tartammadii ku saabsanaa ciyaaraha Kubadda Cagta ee xilliyadaa la qabtay wacdarro uu ka dhigay awgood.

 

Xirfadihii K/Cagta ee Maradna ma ahayn kuwo uu iska dhig-dhigayay ee ku yimid dadaal fara badan iyo tababar, balse waxa ay ahaayeen kuwo dabiici ah, waxaana xirfadihiisa ay mar walba soo jiidanayeen taageerayaal fara badan oo dunida dacalladeeda ku kala nool, kuwaasoo aad u xiiseeya K/Cagta. Maradona waxa uu ahaa ciyaaryahankii ugu yaraa ee xulkiisa qaranka waddanka Argentina u safta ciyaar caalami, isagoo da’diisu waqtigaa ahayd 16-jir, waxaana ay ciyaartaasi xulka Qaranka Argentina kaga hor tageen xulka Hungary, laba sano kaddib Diego Maradona waxa uu noqday Kabtanka xulka Qaranka waddanka Argentina ee da’doodu ka hooseyso 20-jirka. 1986-kii Maradona waxa uu xulkiisa Argentina u soo hooyay Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddanka Mexico, taasoo 3-2 ay uga adkaadeen West Germany, wuxuuna xilligaasi noqday ciyaaryahankii labaad ee ugu gool dhalinta badnaa Koobkaasi, osagoo dhaliyey 5-gool, halka ciyaaryahan Gary Lineker oo England u safanayay uu dhaliyey 6-gool.

Laba ka tirsan goolashaasi 5-ta ah ee uu Maradona dhaliyey waxa ay ahaayeen kuwo ka fuqi waayay xusuusta dadka xiiseeya isboortiga, waxaana uu ka dhaliyey xulka Qaranka Ingiriiska, midka hore ahaa mid aan la maleysan karin, dadka intiisa badanna ay rumeysan waayeen waxaana uu ku dhaliyey gacanta, taasoo dadka ula ekaatay in uu madaxa ku dhaliyey.

Goolkii Maradona uu ku dhaliyey gacanta oo loo bixiyey magaca “Hand of God” (Gacantii ILAAH) ayaa waxa ay keentay in Maradona ILAAH ahaan looga caabudo qaybo ka tirsan waddanka Argentina, halka kan labaadna uu sidoo kale ahaa mid la yaab leh, noqdayna goolkii ugu wanaagsanaa ee laga dhaliyo Koob Adduun xilliyadii la soo ciyaaray, waxaana goolkaasi uu ka soo qaatay meel in yar ka fog Khadka dhexe, isagoo la soo dhex maray in ka badan 7-ciyaartoy oo ka tirsan xulka Ingiriiska iyo weliba goolhayahoodii.  Mar wax laga weydiiyey Maradona qaabka uu goolkaasi u dhaliyey waxa uu sheegay in uu xulka Ingiriiska uu kubadda ula dhex maray sidii gaariga Land Cruiser-ka uu bacaadka u dhex maro, waxaana taasi ay keentay in Shirkadda soo saarta gaariga Land Cruiser-ka ee TOYOTA ay Maradona u ballan qaado in sanad walba ay siinayso mid ka mid ah gaariga Land Cruiser-ka ee shirkaddaasi soo saarto.

 

Khiyaanooyin fara badan oo aan la soo kobi karin  ayuu sameyn jirey Maradona, iyadoo inta badan marka uu la kulmo daafacyada uu is yiraahdo xoogaa waa ay yare iska kaa difaaci karaan uu la aadi jirey dhinaca Corner-ka, si halkaasi uu si xirfadeysan u soo wada maro. Diego Maradona waxa uu ka qayb galay 4-Koob Adduun ee kala ahaa 1982-kii, 1986-kii, 1990-kii iyo 1994-kii, waxaana horraantii sanadkii 1995-kii gebi ahaanba Maradona laga joojiyey ciyaaraha Kubadda Cagta, kaddib markii lagu soo caddeeyey in uu isticmaalay Daroogo, taasoo keentay in ay noqo geba-gebadii ciyaarihiisa Kubadda Cagta, waxaana  mar wax laga weydiiyey Maradona daroogada lagu soo sheegay uu yiri “Talyaanigu waa dad ku dhaqma cunsuriyad, anigu daroogo ma isticmaalin, balse waxa ay doonayeen in ay dhulka la galaan sharafta aan ku leeyahay caalamka Kubadda Cagta”. Kooxihii Maradona uu u soo saftay oo ay ka mid ahaayeen Barcelona, Napoli iyo Boco Juniors uu gaarsiiyey guulo wax ku ool ah oo ay weligood hilmaami doonin, iyadoo sanadkii 2002-dii ay dowladaha Korea iyo Japan ay Maradona u diideen in uu ka soo qayb galo daawashadii Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddammadaasi, hase yeeshee wadammada Giriigga oo ay ka dhacayaan ciyaaraha Olombikada sanadkan iyo waddanka Germany oo martigelin doona Koobka Adduunka ee 2006-da ay u oggolaadeen Maradona in uu u soo daawasho tago guud ahaan garoommada ay ciyaarahaasi ka dhacayaan, inkastoo haatan Maradona uu la soo gudboonaaday xanuun dhinaca wadnaha ah, taasoo labadii bilood ee la soo dhaafay lagu xanaaneynay xarun caafimaad oo ku taalla waddanka Argentina, waxaana haatan uu ciyaarta Golf-ka oo uu isaga kala yareynayo cayilka faraha badan ku ciyaaraa beer weyn oo uu leeyahay oo ku taalla caasimadda caasimadda waddanka Argentina ee Beunos Aries.      

<><><>

             

Akhri: ninkii loogu magac daray garoonka kooxda Inter ee Guiseppe Meazza.

 

W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue)
E-mail: farahblue_545@hotmail.com 

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD