MAXAAD KALA SOCOTAA TAARIIKHDII
CIYAARYAHANKII UGU GOOLASHA BADNAA XULALKA ADDUUNKA QARNIGII 20-AAD
Qaybtii
9-aad:
Ferenc
Puskas waxa uu u dhashay waddanka Hungary, waxa uuna dhashay 2-dii
Bishii April 1927-kii, yaraantiisii waxaa lagu xaman jirey inuu lahaa
qaab ciyaareedka ciyaarta Kubadda Cagta, hase yeeshee taasi waxa ay
rumowday markii uu noqday weeraryahan aad ugu xeeldheer ciyaarista
Kubadda Cagta.
Puskas waxa uu ahaa ciyaaryahan gaaban, ad-adag, xabad ballaaran, culeys
badan, isla markaana waxa uu ku ciyaari jirey kubadda Cagta labada
lugood oo qura, isagoo marnaba aan kubadda u adeegsan jirin dhinaca
madaxa.
Puskas
magacyadii xilligaa ay taageerayaashiisa ugu yeeri jireen waxaa ka mid
ahaa “THE GALLOPING MAJOR” marka runta laga hadlana Puskas waxa uu ahaa
Sarkaal ka tirsanaa ciidammada Hungry, isla markaana u soo ciyaaray
naadigii ku ciyaari jirey magicii ciidammada qalabka siday ee
waddankaasi, isagoo xilli ciyaareedyo aad u wanaagsan la soo qaatay
kooxda kale ee isla waddanka Hungry ee Kispest Honved, waxa uuna ku
guuleystay Puskas 4-Horyaal ka hor intii uusan ku biirin naadiga Real
Madrid ee waddanka Spain.
Ferenc Puskas waxa uu ku raaxeysanayay guulo fara badan ee uu ka gaaray
Horyaalka waddanka Spain ee (La Liga), waxa uuna noqday ciyaaryahankii
ugu goolasha badnaa 4-Horyaal, isagoo kooxdiisii Real-na la qaaday
6-Horyaalka waddanka Spain ah iyo saddex Koobka Horyaallada Yurub ah,
waxaana guushii ugu weyneyd ee uu gaarsiiyo kooxda Real Madrid ay ahayd
markii ciyaar Final ah oo ka tirsan Koobka Horyaallada Yurub sanadkii
1960-kii ay isaga hor yimaadeen kooxda Eintract Frankfuirt, taasoo
kooxda Real Madrid ay ku adkaatay 7-3, iyadoo 4-ka mid ah goolasha Real
Madrid uu shabaqa ku hubsaday ciyaaryahan Puskas.

Puskas oo hor kacaya xiddigihii Xulka Hungary ee 6-3 afka ciidda
ugu daray xulka Ingiriiska 1956-kii |
Marka loo eego dhinaca Qaranka Puskas waxa uu 84-kulan u saftay xulkiisa
Hungry, isagoo u dhaliyey 83-gool, taasina waxa ay noqotay mid aan
dunida weligeed ka dhicin oo record uu ugu dhigay ciyaaryahannadii
xilligaasi, mana jirin ciyaaryahan goolal sidaa la mid ah u dhaliyey
xulkiisa, xitaa marka loo fiiriyo boqorkii Kubadda cagta Adduunka ee
Pele.
Puskas waxa uu xulkiisa Hungry kala qayb galay Koobkii Adduunkii ee
1954-kii ka dhacay waddanka Switzerland, isagoo u suurtogeliyey in uu
keeno kama dambeystii (Final-kii) koobkaasi, hase yeeshee nasiib darro
waxaa 3-2 afka ciidda ugu daray xulkii West Germany.
Dowladda
waddanka Hangary ayaa waxa ay Buskas ugu magac dartay garoonka ugu weyn
ee waddanka Hungry, taa oo ay sheegtay in uu ku muteystay isagoo noqday
laacibkii keliya soo mara xulka Qaranka waddanka Hangary, waxaana haatan
da'diisu sii caga-cageyneysaa 75-sano.
La soco
waayihii Isboorti ee ciyaaryahankii lagu naaneysi jirey
“Shimbirtii
yareyd”.