SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
 URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

January 15, 2003

 

MAANTA OO arbaca ahayd bisha janaayana tahay 15/1/2003 ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR.

"waxaan go,aan saday inaan xaaraantinimeeyo xizbigan kadib markii aan ubogiwaayay siyaasadiisa oo ku salaysan, nacayb xad dhaaf ah oo ay u qabaan yuhuudda iyo israa,iil, iyadoo aan ku hayo dacaayado waaweyn oo ay ku muujiyeen qoraalo,iyo halkudhigyo badan oo dhamaantood dhiirigalinaya nacayb loo qaado dadka yuhuuda iyo dalka israaill," sidaas waxaa yiri wasiirka arimaha gudaha markii uu go,aankan shaacinaayay.. (warka oo dhamaystiranHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

waxaa maanta baadhid xoogleh lagu sameeyay shan gobol oo kamid ah dalka jarmalka iyadoo sigaara loobaadhay illaa 25 guri oo kamida degaanda meelaha lagu tuhmayo in ay ku noolyihiin xubnaha ururka,mase dhicin wax qab-qabasho ah.

maalmihii ciidda soonfur ayaa dhowr masaajid oo jarmalka ah ciidamada booliiska jarmalku baadhitaan xoogleh kusameeyeen.dadkii halkaas kutukanaayay iyo maamulka islaamka ee masaajida ayaa aad uga cawday arintaasi iyakoo booliiska ku eedeeyay in ay ixtiraamiwaayeen ilaalinna waayeeen sharafta iyo nadaafadda islaamka kadib markii ay si,indho,laaana kabahooda ulasoogaleen meelaha lagu tukado.

wasiirka arimaha gudaha ee gobolka baadenwurtenberg MR erwin teuffel ayaa isagu baadhitaankaas masaajidada oo ka argagixiyay dumar iyo caruurbadan ku tilmaamay mid looga danlahaa in lagu baaro dadbadan oo looga shaki qabo in ay haystaan waraaqo la-been-abuuray oo ay ugu sahlayaan dadka damacsan in ay argagixin sameeyaan sidii ay ugu socdaali lahaayeen.

weerarkii laguqaaday maraykanka 11.september 2001 todobaad kadib ayaa uu wasiiirka arimaha gudaha ee federaaliga jarmalka MR schilliy soosaaray oo kale WAREEGTO uu ku mamnuucayo ururkale oo islaami ah oo layiraa /khaliifada/,kuwaasoo uu ku eedeeyay in ay dhiirigalinayaan nacaybka,waxaa ay khaliifada maamulkoodu ahaa turki.

xisbigan haatan lamamnuucay ayaa inta badan ah dhalinyarada ka qalinjabisay jaamacadaha dalkan kuwaasoo soosaara buugaag badan oo ku qoran afka jarmalka oo ay si qota dheer ugu macneeyaan had iyo jeer siyaasada islaamka xagga dhaqaalaha ,bulshada ,iyo aragtida guud ee nolosha islaamku aaminsanyahay..

waxaana ay ka dhex muuqdaan ururada islaamka kale oo ay aad uga firfircoonyihiin kolka laga hadlaayo faafinta diinta islaamka.

waxaa lagu aas-aasay xizbu-taxriir magaalada jurusaalem. isagoo fadhigiisa ugu weyniyahay haatan dalka ingiriiska magaalada london.

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

I  I  D  H  E  H

xagar91@hotmail.com 

January 15, 2003 

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD