SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY
 SADDAM MA UDIYAAARBAA IN UU QAXO OO jabuuti CAYDHA ku QAATO?!!!

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

January 16, 2003

 

Warar laysla dhex marayo oo lasheegayo in laga soo xigtay diblomaasiyiin udhashay isutagga imaaraadka carabta(UAE) ayaa sheegaya in madaxweynaha dalka ciraaq SADDAM XUSEEN diyaar u yahay in uu dalkiisa dibada uga boxo oo magan galyo siyaasadeed ugaga noolaado dal kale.

Dibloomaasiyiin reer galbeeda iyo labo dhigooda ah oo kasoojeeda dhanka carabta ayaa waxay tilmaamayaan in hadal haynta lagu wado in uu dalkaasi uu iska dhiibayaa noqonaayo dalku yaalla qaaradda afrika,waxaana sigaara lootilmaamay dalka JABUUTI=DJBOUTI=JABUTI ama dalka SUDAAN.

MALAGA YAABAA IN AY DACAAYAD UUNTAHAY?

SIYAASIYIIN IYO DADKA U DHUUN DALOOLA XAALADAHA SIYAASADEED EE DUNIDA CARABTA AYAA maalmahanba isla dhex xulaayay sida aadka looga yaabo in uu kadego jagada madaxweynenimada ciraaq mr SADDAM XUSEEN.(warka oo dhamaystiranHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Balse dhinacyada qaar ayaa aaminsan in arimahan laysla dhex xulayaa yihiin mid la doonaayo in lagu wiiqo isku kalsoonida maamulka BAQDAAD,iyadoo laysku dayaayo in tuhun iyo hunguri dhexdooda lagu abuuro,kaasoo keeni kara in ay inta isba qabsadaan midwaliba yiraahdo "kaaga horeeyaye ha iigu imaanin" ee aanu haatan mudane XUSEEN sheekadaniba haabkiisa soo galin.

Saddam iyo ehelkiisa miyaa loo yaboohay?.

Hadii uu qaxa caynkaasi ahi ku dhoco madaxweynaha ayaa layira waxaa loogu yaboohayaa oo kale in ay boos u xaadh-xaadhaan waa intaan jabuuti fikirka soogaline dalalka MAURITANIA, LIIBIYA, MASAR, RUUSHKA, KUBA,iyo KUURIYADA WOQOOYI;

Warar aan xaqiiqadooda lahubin oo laysla dhexmarayo ayaa tibaaxay in dibloomaasiyiin carab ahi aysan ugu yaboohin in uu magangalyo dalalkaas utago madaxweynaha iyo qoyskiisa oo kaliya ahe ay xataa shirar aad u qarsoodi ah oo ay balanqaadkan ugu yabooheen oo kale dhamaan taageerayaashiisa madaxweynaha. madaxweynaha ruushka mr fladmir puttin ayaa isna la sheegay in uu isu diyaariyay in uu arinkaas lasoo qaado iyadoo laga sooxigtay mr PUTTIN in uu yiri xataa hadii uu ii yarehe gacan haadiyo saddam in aan anigu lugahayga ku tagaayo,isagoo si amaana u degi kara dalka ruushka,iyadoo nabadgalyadiisa labalanqaadaayo

khabiirro aaminsan in cadaadiska duqa intaa laga badiyo.

Dad ku xeeldheer siyaasadda iyo macluumaadka madaxweynayaasha ayaa ku kalsoon in wax layska yiri uun aytahay riyada odhanaysa in uu saddam ka baxaayo dalkiisa,xataa bayleeyihiin hadii uu warkani rumoobikaro ma aha wakhtigan lajoogo,qaabka waxloogu sheegayo iyo sida arintan isaga loogu cadaadinlahaa ayaa aad u daciifa ayay leeyihiin khubaradu.

Maalinba maalinta kadanbaysa ayuu ciidamo maraykanku gacanka u dirayaa wax qaraxa oo dhacayse majiro,dhinaca kale lama uusan samaynin xoogayn lataabankaro xulufada reer galbeedka oo arinkan ku lug leh weerarka ah,waxaa aad uga maqan maraykanka kasbashada wadamada carabta iyo islaamka si ay waxa uu rabo dhakhso ugu meel marto.

WARAYSIGII NBC LA YEELATAY PRINCE CABDALLAH .. GUJI 

Masuuliyiin sarsare oo dunida carabta ah ayaa maalmahanba ku celcelinaayay in fursadda ugu danbaysa iyaga lasiiyo ee xalinta mushkiladda soo hir kicisay"FADLAN FURSADII UGU DANBAYSAY NASII"sidaas waxaa aad ugu baryootamay todobaadkan wasiirka arimaha dibadda ee dalka sacuudi carabiya mar uu ka hadlaayay idaacadda layska arko ee maraykan NBC" marka aanu ka soofaraxalanno ka odayayntayada waan waantan aannu dhexgallaynno haddii aannu ku soo guuldarraysanno markaas waxaannu leenahay ku soo dhowaada cidkasta oo dagaalkan HAMUUN GORAYO U HAYSOOW.maankase ha ku hayso in ay dhamaan geyiga bariga dhexe arinkaasi cawaaqib xumo dhaxalsiinayso.

Taariq caziiz muxuu yidhi?

Wuu ku qoslay oo ku qoslay oo ku qoslay mar xaalkan cusub ee laysla dhexmaraayo wax laga waydiiyay ee ah in odayga ciraaq mr saddam xuseen loodiyaarinaayo iyo in kale in uu qaxootinimo dalkale ugu boqoolo,wasiiru dawlaha xafiiska raiisalwasaaraha dalka ciraaq mudane taariq caziz ayaa arintaasi kaga jawaabay hadallo murtiyeed oo turjumideedu igu cuslaadeen qaabkii aan afsoomaali ugu dhigi lahaa balse aan markii danbe wax u dhigmikara markii aan raadiyay ereyadii uu isticmaalay aan kaheley uguna turjumay hees aan horay Soomaalida uga maqlijiray, oo runtii hadalkiisa mr taariq caziz ahaa,

"SADDAM XUSSEEN BIRWEEYAAN, BUUR AAN LA JABIN KARIN, WAA OLOL BAXAAYOO, BARTANKA AAN LAQABAN KARIN".

isagoo jilciyay markii danbe wuxuu yiri. madaxweyne saddam waa hogaamiye ad-adag, wuuna joogayaa dalka haynayaana intii ALLE ugu talagalay in uu madaxweyne noo ahaado.

wuu dagaalamayaa illaa xabadda rasaasta ugu danbaysa ay ka dhamaanayso anaguna waanu garab taagnaanaynaa illaa kaayaga noogu danbeeyaa naftu garab dhacayso

waa war fiican in uu iska tago .

afhayeen u hadlay dawladda maraykanka mr Richard Boucher ayaa tilmaamay in dedaalkan ay diblomaasiyiinta carabtu wadaan yahay mid lagaga baaqsan karo dagaal ka qarxa gobolkaasi,

"lacag xad dhafa ayaa la kaydin karaa hadii uu ogolaado inuu iska tago isagoo eegaayana dhankakale danaha ciraaq iyo ANAGOO KA CADHAYSAN UUN ABUURIDDA hubka gumaadikara dadka ciraaq dariska la ah"ayuu yiri mr Boucher.

khabiirka layidhaa Gary Samore ee machadka caalamiga ah ee staraatijiyadda ee magaalada london(International Institute for Strategy )ayaa qaba in uu mr saddam xuseen geed dheer iyo midgaabanba u fuulaayo sidii isaga iyo asxaabtiisaba uu u badbaadin lahaa,waxaanu aad xoogga u sarayaa buu yiri sidii uu maraykanka uga horjoogsanlahaa in uu gacan ka helo ama ansixin golaha qaramada midoobay IN DALKIISA LAGU DUULO.

Waxaa soo ururiyey
Xagar yare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

January 16, 2003 

CHECK LATEST: IRAQ NEWS

 URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

I  I  D  H  E  H

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD