SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

FILIN ATOORIHIISU MAGICIISA KUJILAAYA " ALLAAH"
Waa Filimka matrix reload


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

January 17, 2003

 

Galabnimada Jimcaha waxaan shaqada kasoobaxaa xilli ka horeeya wakhtiga aan maalmaha kale kasooboxo, inta aanan wax kale samaynin waxaan ku horeeyaa xafiiska KOMPUTARKU iiyaalo si aan u dhowro wixii fariimo ii soodhacay, isla wakhtigaasi maaha kan aan ugu talagalay in aan kaga jawaabo ee waxaa ii xiga tukashada salaadda casar oo aalaa xiligaas dabayaaqa ah. kadib ayaan wixii guriga dhexdiisa aan ka qabsanayo u dhaqaaqaa.balse galabta daaqada E-MAILKA xanbaarta aad ayay u cuslayd.

waxaa ku jiray fariin ku socota saxaafadda iyadoo qaar sigaara looxusay,

  • TO: MARKT MAGAZINE
  • TO:HURIYAT JOURNAL
  • TO:SOMALITALK
  • TO:INTII XIISAYNAYSA

Waxaa uu kayimid xarunta kulanka islaamka afka jarmalka ku hadla ( trref der deutsche schprachige muslime).

"Asalaama calaykum walaalayaal iyo wariyaal kawarama hadii aad wakhtigiina qaaliga ah xagga eebe usoo hurtaan maqribkan 17/01/03 anagoo og in aad aad udaalan tihiin oo aad naga soo wardoontaan nagana dhagaysataan arin aanu doonaynno inaad ka makhraati noqotaan"

Waxaa E-MAILKA oo sidaas u qoraa ku saxeexnaa ZAYID XAMIIDA oo ah xubin aad u firfircoon oo ka dhex muuqda dhalinta muslimiinta jarmalka.

Maanta waan badalay qorshahaygii oo waxaan goostay in aanan aqalka horay u siigalin ee aan halkaas u wardoonta. (warka oo dhamaystiranHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Markii aan masaajidka gadhay waxaa iiga dhex muuqday wariyayaal igasoohoreeyay oo muslim iyo kuwo aan ahaynba isugu jira.

Gabadh ka socota jariirad ku soobaxda afka turkiga oo sida ka muuqata sawirka aad halkan ku aragtaan xagga ugu danbaysa aniga igarab fadhida oo ah gabadha xijaaban ayaa wariyayaashii kale iyadoo i baraysa waxay ku kaftantay "wuxuu kasocdaa www.somalitalk.com webmasterkiisuse ma oga in uu had iyo jeer sida maantaba ka muuqata uu yahay wariyaha ugu danbeeya imaatinka shirarka".

Waxaa ay kuraas noo dhexyaaleen meesha lagu tukado, waxaana daqiiqado ka dib nooyimid zayid xamiida iyo laba nin oo wajigoodu igu cusbaa oo jarmala iyadoo ay ii baxday in aniga uun la ii fadhiyay oo aan soo habsaamay.

Waxaa uu hadalkii ku bilaabay isagoo aad u qushuucsan

1-kawarrama haddii uu maanta illaahay meel iskaga duuduubo wakhtigiisa uu inoogu naxariisto, waayo shalay ayaynnu firaaqo u yeelanwaynnay daqiiqado yar oo aynnu isaga ugu xamdi naqno?

2-kawarama hadii ilaahay joojiyo inuu barito inna hago maanta ayaynnu raaci waynaye?

3-ka warama hadii ay indhaheennu dib u qabanwaayaan bilicda ubaxa iyo udugga doogga,waayo waxaynnu karaahiyaysannay markii uu alle inoo soo diray roobka daqiiqadihii uu dusheenna ku da,aayaye?

4-kawarama hadii ilaahay uusan maanta gacmo kor u taageenna dhag u dhigin illeen waxaynnu dafiray maalintiisa qiyaamee?

5-kawarama hadii ilaahay quraankiisa baridan la noqdo,maskaxdeenana ka suuliyo jiritankiisa quraankaba,illeen maantaynnu akhrin waynaye?

6-kawarama hadii eebbe la noqdo dhamaan fariimaha xanbaarsan jiritaankiisa illeen waxaynnu dhayalsannay rasuuladiiye?

7-kawarama hadii albaabada masaajidda dusha quful lagagajabiyo,waayo albaabada qalbigeenna ayaynnu oodnaye?

8-kawarama hadii alle joojiyo jacaylka uu inooqabo iyo xijaabidda balaayada uu inna hareermarinaayo,waayo waxaynnu ku guulaysan waynay inaan jeclanno oo aan daryeello walaalaha inoo baahane?

9-kawarama hadii ilaahay maanta in maqal [awoodiisa], waayo shalay baynnu waanadiisa maqlli waynay?

10-KA WARAMA HADII ALLE UU AQBALO ducadeenna sida aynnu u aqballo eedaanka salaada?

11-KAWARAMA HADDI ALLE u taamyeelo sida aynnu eebbe ugu hibay- nnay nafttena?

12-kawarama wariyayaashan aannu sida gaarka ah u soodoorbidnayoow hadii aad cabudhisaan xaqiiqada? oo aad warka u baahan in lawariyo aad meel mugdiya kaga tagtaan?

"wariyayaal hadii jirkiinna ku baahsanyahay jacaylka ilaah baahiya warkan"

"hadii aannu nahay umadaha haysta diinta islaamka manecbin intii aan muslim ahayn waayo waa xaaran in aad iska nacdid oo markaas waxaad noqonaysaa ruux ka soo horjeeda sida eebe wax u uumay, balse dhanka kale anana uma dulqaadanaynno in si daandaansiya naloo dulmo"

Markii uu intaas sheekhu yiri ayaa waxaa uu natusay sawiro muujinaaya atoorayaal filimada jila, waxaanu yiri waxaan haatan u soodaadagayaa dulcdii martiqaadka degdega ahaa, "waxaa dhowaan soo baxay filin lagu magacaabo( matrix-reloaded), Filin soosaraha ayaa si sahlan oo aan habayaraatee taxadar ku jirin go,aan ugu gaadhay in uu jilaaga filinka ugu magacdaro ALLAH, ninka ILAAHAY magaciisa qaatay oo ah Mr Stewart Wells, waxaa uu filinka ka matalayaa qaybta xun.

Halkaas waxaa idiinka baxaaya sida islaamka iyo caqiidadooda loogu jeesjeesaayo, hadaba waxaan idinka codsanayaa wariyayaal inaad arinkaas shaacisaan oo aydaan indhaha ka qarsan, nagana gaadhsiisaan idinkaa naga cod dheere akhristayaashiinna iyo dhagaysatayaashiina inaanay daawanin filinkan oo sayladda aflaanta aduunka soogalaya." WABILAAHI TAWFIIQ;

Akhristayaal waad daabacan kartaan warkan(printing) oo aad gaadhsiin kartaan cidwalba , iyadoo aan ku marti qaadaayo dhamaan shabakadaha WEBKA afsoomaaliga ku soobaxa intooda danaynaysa warkan ogaysiiska u eg in ay bogagooda ku soodaabacaan.

Waxaa soo ururiyey
Xagar yare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

January 17, 2003 

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

I  I  D  H  E  H

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD