SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

DAGAALADII JUBBA VALLEY AYAA AAD UGU EG MID DHAMAADAY:


XagarYare

xagar91@hotmail.com 

January 19, 2003

 

Dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay waxaa gobolada jubada dhexe iyo jubada hoose ka aloosnaa dagaalo u dhexeeyay beelaha soomaaliyeed ee degaandaasi siiba beelaha OGAADEENKA iyo JIDWAAQ.

Sida wararku nagu soogaadheen wuxuu dagaalkaasi ka dhashay kadib markii beesha ogaden ku dishay nin ka soo jeeda dhanka JIDWAAQA meeesha layiraa WARIIR oo degmadda xagar ee aagga Bu'aale ujirta 34KM.

Waxaa uu dagaalkaasi si lama filaana balse khasaare naf iyo moodbaleh gaystay ugu fiday degmooyinka ku hareeraysan magaalamadaxda gobolka jubada dhexe ee bo,aale iyadoo magaala madaxda lafteeda uu taabtay.. (warka oo dhamaystiranHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

 

Mar uu somalitalk GERMANY todobaadkan kala xiriiray arintaasi ururka S.P.A (somali Patriotic Aliance) oo dhowaan jiritaankiisa lagaga dhowaaqay magaalada Eldoret ee dalka keenya ayaa lataliyaha arimaha dibadda ee ururka Mudane Dr.maxamed cabdulaahi xuseen  waxaa uu noosheegay in haatan ay socdaan shirar lagu soo afjarayo ayaan daradan lasoo daristay beelaha walaalaha ah oo ay ka qaybqaadanayaan culumaa'udiinka, oday dhaqameedyada, iyo wax garadka labada dhinac.

DR.maxamed cabdulaahi xasan isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yiri:

"Nasiib darro mudadii uu dagaalkani socday wuxuu gaystay dhimasho iyo dhaawac,islamarkaana waxaa uu sababay barakac balaaran oo aan horay taariikhda gobolkan uga dhicin,balse haatan waxaa u guntaday wax garadka labada dhinac sidii loo afjarilahaa,waxaannu se ku faraxsanahay in uu ka madhnnaa dagaal siyaasadeed taasoo usahlaysa dedaalka uu ururka S.P.A ka qaaday xalinta dhibkan iyadoo todobaadkan la filaayo in uu soo boxo go,aano lagu gudoonsado joojinta dhibkan socda iyo ka hortaga wax danbe oo keeni kara dhib kan lamida".

Gudoomiyha uruka S.P.A mudane Cusmaan Aadan Xuseen(DHUUBOOW)oo aannu kula xiriirnay E-Mail isagoo haatan ka qaybgalaya shirka dib u heshiisiinta soomaalida ee ELDORET ayaa muujiyay sida uu ugu kalsoonyahay in sidhab ah loogu meel marindoono xabad joojin waarta ee dhexmarta beelaha deegaanka iyo dhalashadaba wadaaga shirkan haatan u socda labada dhinac.

shirkaasi waxaa abaabulkiisa kaalin libaax ka qaatay ururkaasi.

dhinaca kale warar ayaa farta ku fiiqaya in uu soobaxay tuhun sheegaya in ay dawlada kumeelgaarka ah ee soomaaliya doorka ciyaarayso hurinta iyo buunbuuninta colaadan, waa sida ay wararkaasi u dhigeene.


Xagar yare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

January 19, 2003 

URUR ISLAAMI AH OO LAGA MAMNUUCAY GERMANY !!! 
MAANTA ayaa wasiirka arimaha gudaha dalka GERMANY Mr Otto Schilliy ku dhowaaqay in uu mamnuucay urur islaami ah oo lagumagacaabo XIZBU-TAXRIIR GUJI... 15/1

ELDORET SUBAXWANAAGSAN: MAXAAD KU BARIDEEN? 
Faaladii XagarYare ee Toddobaadka ....
GUJI... 

I  I  D  H  E  H

XAFLAD JAALIYADDA SOOMAALIYEED EE JARMALKA:
Xaflad aad loo soo agaasimey oo ay yeesheen Jaaliyada kudhaqan dalka Jarmalka ayaa waxaa warbixinteeda halkan idiinku soo tebinaya XagarYare. GUJI.. 6/1/3

DAYUURADA ARGAGIXISAY JARMALKA:
Inkasta oo ay hadda ku dhamaatay nabad, hadana diyaaradaasi waxay argagixiso ku beertay dalka Jarmalka kaddib markii duuliyeheedii ku hanjabay in.. GUJI.. 5/1/3

SSDF & SNM...... GUJI: 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
MACHADKA BEDER

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD