SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - GERMANY

POLICE ka JARMALKA AYAA HEEGAN ADAG GALAY:

 

WQ. Xagar Yare

ciidanka booliiska jarmalka ayaa baajiyay qarax aad u wayn oo khasaare lixaadleh u gaysanlaahaa magaalada heidelberg ee galbeedka dalka.

yoolka qaraxaasi ayaa wuxuu ku jihaysnnaa fadhiisimada ciidamada maraykanka iyo halbawlaha bartamaha magaalada heidelberg, magaladasi oo ay cutubyada maraykanku saldhigyadooda ugu wayn dalkan jarmalka ku leeyihiin.wasiirka arimaha gudaha ee gobolka soosaara gaadhiga looyaqaan MERCEDES-MENZ ee baaden wurtenberg mr thomas ayaa waxaa uu ku yiri saxaafadda""waxan qiyaasaynnaa in qalabkaasi qarxa ee aan qabannay ladoonayay mid lagu xusayo 11 september sanadguuradii kasoo wareegtay qarxintii new-york.dhowr meelood oo kala duwan ayay ciidanka booliisku ku qabteen qalab loo adeegsado samaynta qaraxyada iyo kiimiko iyadana laga abuurikaro waxyalaha qarxa.waxay booliisku gacanta ku dhigeen wiil 25 jir ah oo u dhashay dalka turkiga iyo gabar 23 ah oo ay is jecelyihiin una dhalatay dalka maraykanka.

guri ayaa laga helay 130 kg oo kiimikada qaraxda lagasameeyo iyo sawiro aad loo qurxiyaay oo uu leeyahay madaxwaynaha ururka marayku aadka u ugaarsado ALQAEDA ee OSAMMA BIN LADDEN.Waxayna ciidanka boolisku aad u tuhunsanyihiin in labadan qof oo lasheegay in ay dhowr qarax oo ku wajahan deegaamada maraykanka ee jarmaklka abaabulayeen ay lug ku leedahay hawlgalladoodaasi ururka AL-QAEDA.

wiilka dhalinyarada ah oo aan magaciisa lasheegin ayaa lagu tilmaamay inuu yahay nin muslin mayal adag ah,oo aad uneceb yuhuudda iyo maraykanka.wuxuuna ka shaqeeyaa warshad samaysa qalabka kiimikada ee magalada karlsruhe ee dalka jarmalka.gabadha oo ay ku ballansanyihiin inay isguursadaan oo dhalashadeedu maraykantahay ayaa iyaduna ka shaqaysa super-markt ay leeyihiin ciidamada maraykanka kaasoo ku dhexyaalla saldhig millitery.

dalka jarmalka iyo qaar ka mida wadamada yurubta galbeed ayaa maalmahanba wadnaha farta ku haya iyagoo aad ugawalaacsan inay lakulmaan qarax dharbaaxadiisu kulushahay,waxayse aaminsanyihiin in aysan jirin sansaamooyin tilmaamaaya in toos loo ugaadhsanayo muwaadiniintooda,balse lahalaago dadka martida u ah ee reer maraykan iyo yuhuudda oo iyaguna aad u degen dalka jarmalka xisbiyo waawaynna ku leh.

Xagar yare
xagar91@hotmail.com 
Germany

SOMALITALK.COM | SEPTEMBER 7, 2002


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

QORAALADII HORE EE XAGARYARE


"Sool iyo Sanaag waa qayb kamida Puntland"
Sidaas waxaa yiri sarkaal sare oo katirsan DGPL oo u waramayey saxaafadda GUJI... 2/9


KOONFUR SOOMAALIYA SIDA HALOO DHAAMO

DOORASHADA UGAASKA BEESHA CIISE
Gudoomiyaha gudiga sare ee midawga qabiilka wayn ee Ciise, mudane maxamed Ugaas Xasan GUJI  16/8

Ciidamada Jarmalka iyo Ciraaq
GERMANY - Faaladii Xagar Yare ee maanta ayaa kusaabsan "Ciidamada qalabkasida ee Jarmalka oo. GUJI..   Agosto 12

Faalladii Xagar Yare ee Billada Zenawi GUJI.HALKAN  

Maqaaladii Hore ee Xagar Yare 

WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

.

HALIS CAAFIMAAD: SOOMAALIDA MARAYKANKA

Dhadhtar ka tirsan cisbitaal kamida cisbitaalada ugu weyn Maraykanka ayaa sheegay in Soomaalida uu kusoo badanayo cudurka kaadi-sonkorowgu, warbixintaas iyo calaamadaha lagugarto kaadi-Sonkorowga
KA AKHRI HALKAN GUJI....

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SomaliStar SomaliStar waa wargeys Soomaaliyeed oo kasoo baxa magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis, St. Paul ee gobolka Minnesota, USA, waa bille ee hamoogaan

 Kala xiriir halkan

MACLUUMAADKA INTERNETKA


Wiil Kudhashay Caloosha iyo Mindhicirka oo Bannaanka Yaal GUJI.. 21/7
"India Waa Aqoonsantahay DKM"
Sidaas waxaa tiri Professor caasha, Safiir ku xigeenka safaarada somaliya ee new-delhi GUJI... 20/7

C/Qaasim oo Muujiyey in DKG Diyaar u tahay in Caasimada Loo raro Hargeysa.GUJI July 18
 Booqashada Madaxweynaha DKG uu Kujoogo Liibiya
 Safaarada Soomaalida ee Liibiya. GUJI....  July 17

Libaan Xuseen oo Maraykanku Kasaaray Liiska Argagixisada
Qoraal kusoo baxay shabakada OFAC.. GUJI...  July 17

Cabdullaahi Yuusuf oo Bisha Sebtember Booqanaya USA
Warsaxaafadeed .. GUJI...  July 17

1000 Arday Soomaaliyeed oo Waxkabarta Dalka Sudan
Warbixin tifatiran oo kusaabsan ardayda Soomaali GUJI.  July 16

Zenawi oo Billada ugusaraysa ku Mutaystay Soomaaliya iyo Eretrea
Golaha Nabada Adduunka. GUJI July 16
DOODFURAN: Billada iyo Ra'yiga

Labo Kamida 3da Soomaalida Sweden oo lagasaaray Liiska Argagixisada


C/Qaasim oo Mbeki Kadalbaday in uu Dhexdhexaadiyo Itoobiya iyo DKG

  
Mashruuca Masjidka Ibnu-Tayamiya


Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga

Xisbiga Shaqaalaha ee Borlänge oo Ballanqaaday Cirib-tirka Shaqo iyo Xirfad La'aanta Soomaalida
  GUJI.HALKAN  


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD