SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FALANQAYN
 XIDHIIDH CAYNKEEYAA U DHAXAYNJIRAY SSDF & SNM?

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

December 24, 2002

7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey. wuxuu malaha u qaatay dabaaldeg iyo soo dhowayn loosamaynayay ISAGOO LOOGU XAGLINAAYO wiil reer USP ah. balse kaftan iyo cayaar way ka kululayd. 

Hoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

jamhuuriyadda soomaaliland waxay arintaas ku macnaysay "weerar fulaynima ah oo ay soo qaadday budhcadda majeerteeniya" halka ay jamhuuriyadda puntland ku tilmaantay "talaabo ka qaadid koox jabisay xeerka sharciga dal ku galka/breaking immagration law/(VISA).

19/12/2002 ayaa jamhuuriyadda puntland shaaca ka qaadday in ay goobo dalkeeda kamida sida baytiri laascaanood laga bilaabi doono ururinta CANSHUURIHII ku waajibay muwaadinka, laba cisho uun kadib ayaa wax ay siyaasiyiinta qaarkood ku macneeyeen ka garab hadal.

21/12/2002 ay dhinaca somaliland labada aqall ee golaha baarlamaanka iyo golaha guurtida fadhi deg deg ah isugu yimaadeen, waxaana halkaasi laga akhriyay qoraal xanbaarsan wareegto uu ka soosaaray goboladaasi madaxweyne riyaale oo uu ku cad yahay xeer deg deg ah(EMERGENCE LAW) oo uu madaxweynuhu ku soo rogay taasoo looga baahanyahay socodsiinta xeerkan in ay marka hore iyaku meelmariyaan. waxaa ka soo qaybgalay 109 mudane waxaa ogolaaday 91 mudane, waxaa diiday 14 mudane iyo 4 mudane oo ka aamusay, halkaasina waxaa ansax ku noqday meelmarinta xeerkaasi.

akhriste jamhuuriyadda soomaaliland waxaa dhalay ururkii SNM, jamhuuriyada puntland iyana waxaa dhalay jabhaddii SSDF, hadaba siduu ahaa xidhiidhkii u dhexeeyay labadan jabhadood ee hooyada u kala ah labadan jamhuuriyadood intii ay rimmanaayeen ee aysan dhalin labadan shabeel ee sheedda kala haysta?.

1982 ayaa halgan hubaysan oo uu qaadayo ururka loogu wanqalay SNM lagaga dhowaaqay magaalada LONDON ee cariga ingiriiska, warkaasoo aan ka farxinin maamulkii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre(ALLE HAWNAXARIISTO). horraantii 1983 ayay xubnno kamida raggii carro ingiriis kaga yaboohay halgankan hubaysan ay iyakoo aan kalsooni wayn ku qabin yimaadeen magaalada addis-abeba oo noqotay meesha kaliya ee ay aduunka iska tuseen in ay ehel uga helayaan halgankooda. ragaas waxaa kamid ahaa mudane Ibraahin Maygaag Samatar oo mar maamulkii madaxwayne barre wasiirka ahaa .waxay islamarkiiba dalbadeen in la tuso wasiirkii nabad sugidda ee ethiopia markaasi oo uu jagadaas hayay nin lagu magacaabi jiray TASFAAYE, balse saraakiishii ethiopianka ee ay ku horeeyen oo warkaas gudbiyay ayaa ugu soo war celiyay inaanay arki karin wasiirka, waxayna tala ku siiyeen iyagoo yiri "maadaamo aanay ethiopia idin aqoonin waa inaad la xidhiidhaan masuuliyiinta urur horay ugaba siijira dalka oo layiraa SSF(sodaf), hadii markaas ay idinku qancaan inaad kamid noqotaan ku biiridda jabhadooda dee markaa waa sidaad rabteen hadiise ay idiin dayriyaan waxaa idinla wareegi doona ciidanka baadhista dhexe !!waa baadhid danbi oo ah in jaajuusnimo laga baadho oo la xiro ama dib halkii ay ka yimaadeen loogu celinaayo!! balse inta aad soo kala lug baxaysaan SSF fadlan dhaqdhaqaaqiinna yareeya oo u dhexeeya uun hoteelkiinna iyo xarunta SSF". Talo way ku cadaatay oo calaamatu su,aal ayaa waxaa galay waa marka hore'e nafdoodii maadaamo labada dal soomaaliya iyo ethiopia dagaal raadkiisu qoyanaa u dhexeeyay taasoo labada dhinacba aad u adagtahay in si fudud laysu aamino, iyo marka labaad ooyba isyiraahdeen halgankii aad ugu wanqasheen SNM sawkan calaamatu su,aalka galay oo aad kamid tihiinba SSF.

COL:Cabdulaahi Yuusuf Axmad oo markaasi ahaa taliyaha ciidamada ahaana gudoomiye ku xigeenka ssf ayaa kulanno uu layeeshay ragaasi ku soo celiyay rajadoodii gabaabsiga ku dhowaatay ee xag naf iyo xisbiba kadib markii uu ugu bishaareeyay in uu dawladda ethiopia ku qancin doono inaad gooni u istaagtaan idinkoon cidnna hoostagin oo si madaxbanaan u fushataanna hawlihiinna.

Balse markii uu mudane COL:cabdulaahi arinkaa ula tagay dawlada ethiopia waxaa loo sheegay inaanay dawladu haatan diyaar u ahayn in ay sifudud ku aqoonsato,waxayse dawladii ethiopia iyo ssf isku waafaqeen in ay marka hore inta laga baranaayo in waxa ay golaha layimaadeen ka daacad yahay iyo in kale ay damaanad ku joogaan dalka taasoo uu damaanadaas qaadaayo ururka SSF. masuuliyiintii SODAF waxay SNM u sheegeen in ay halgami karaan,waxaana jeebkiisa ka hubeeyay ssf iyakoo loo qoondeeyay aagga gobolada woqooyiga inay ka dagaalamaan,inkastoo ay magaca layiraa SNM ay aqoonsigiisa dawladii ethiopia diiday waxaa uu col.C/lahi Yusuf ku calool fayoobaysiiyay in iyakoo magacooda sita ay uun si-dadban u hoos imanayaan ururka SODAF/SSF/.

akhriste xidhiidhka labada urur oo intaas ka dib dhacdooyin layaableh oo dhib badnaa soo kala dhex maray sansaarooyin laysu dhigo iyo saaxiibtinimo gacmahalaysa saraba lahaa. Halkan Ka Akhri Qaybta 2aad ee Qormad .... GUJI 

I  I  D  H  E  H

waana XAGAR YARE oo idinleh

ISMA DHAAFNNO:

xagar91@hotmail.com 

December 24,  2002 


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

 ELDORET: Taxanaha Wararka   

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002
DALSAN

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD