SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - SWEDEN

Xaaji Faarax oo ku guuleystay bilada Nabadda ee Isbahaysi Peace Price

Abdulhakim Ahmed Guled | SomaliTalk Stockholm, Sweden

Markii ugu horeysay mudo toban sano ah ayay Soomalida Sweden isugu yimaadeen jimcihii si wada jira ah xaflad loogu dabaaldagayey Ciidul-fitriga. Xafladaan oo lagu qabtey Degmada Rinkeby ayaa waxaa buux dhaafey hoolkii, waxayna idhahaygu qabanayeen dad aad u fara badan oo taag taagan oo nasiib u waayey inay helaan kuraas ay ku fariistaan. Ardayda dugsiga al-Azhar ayaa wacdara ka muujiyey xafladaas kadib markey soo bandhigeen bandhig faneed Islaami ah oo macna iyo xikmad balaaran xambaarsan, nasiib darase waxaa jirtey cilad dhanka farsamada ah oo kaliftey inaan si weyn looga bogan bandhigaas. Waxaa sidaoo kale muxaadaro dheer ka soo jeediyey sh.C/qaadir oo ka mid ah culamada Soomaaliyeed ee ku nool Igiriiska.


Hoos Akhri

   
Somalitalk ayaa suurta gal u noqotey inay wareysiyo kala duwan la kala yeelato Gudoomiyaha Daladda Isbahaysiga Somaaliyeed Dr. Yacquub Cabdi aw-Aadan iyo maamulka labadda misaajid Ismaaciil Saciid Saleebaan iyo C/qaadir Sh. Maxamed Sh. Maxamud oo ahaa qabanqaabiyaasha xafladaan, waxaana dhamaan masuuliyiintaa weydiiyey sida ay u arkaan ciidaan inay uga duwan tahay ciidihii hore oo koox walba gaarkeed xaflad u dhigan jirtey waxayna iigu jawaabeen inay farxad weyn iyo guul usoo hoyatey tahay ummaddan Soomaliyeed.
Soomaalida Sweden oo Wadjir u Ciidey
Waxaa markii ugu horeysay damaashaadyo ay si wada jir ah u soo wada abaabuleen labbada Masaajid ee Soomalida iyo GUJI.

Waxaan Hadaba weydiiyey Ismaaciil sida uu u dareemayo hadii ay soomaalida inteeda badan ay khilaafoodka soo afjareen kuna midoobeen hal dalad misaajidiina ay wali kala tagsan yihiin? Waxuuna iigu jawaabey: xaqiiqdii waa wax laga xumaado, waxaana rajaynayaa wada shaqeyntaan soo bilaabatey sanadii hore hadana mira dhashay inay soo dadajin doonto in aan hal masjid oo weyn sameysano kana baxno mawlacyada cidhiidhka ah iyo meelaha aan munaasibka u ahayn misaajid ALLE inuu ku yaalo, waxuu C/qaadir-na su’aashaan uga jawaabay xaqiiqdii way jiri jirtay wakhti ay misaajidu midaysnayeen oo ay waliba ka fiicnaayeen maanta laakiin khilaafkii kala geeyey ayaan anniga shaqsi ahaan ii muuqan midow degdeg ah waayo dadku wali uma bislaan, wakhti beyna qaadanaysaa baan is leeyahay, halka uu Dr.Yacquub ay laba ahayd amakaag iyo yaab waxa sababi kara in laba misaajid Soomaalida Stockholm yeelato waxuuna sabab uga dhigay "waxaan nahay Muslim, ka dibna kitaab iyo sunadii (NNKH)ayaa heysanaa oo wadada na tusaysa, ma garan karo waxa looga baahan yahay in afkaar kale lagu soo daro taasoo sababi karta in ummaddu ku kala tagto cibaadada ALLE, si kastaba ha ahaatee waxaan isku dayi doonaa inaan bal ku dadaalno sidii aan isugu soo jiidi lahayn labada masjid" ayuu hadalkiisii ku soo gababeeyey dr. Yaqcuub.

Dhanka kale waxaa si aad ah loogu sacbiyey kadib markii uu Dr.Yacquub ku amaanay Qareen Maxamed xaaji faarax (oo loo yaqaan Xaaji Faarax) dadaalkaa aan kala go’a lahayn uu ugu jiro baraarujinta waalidka Soomaaliyeed, wadan iyo dad jacayl, qabiil iyo eex la’aanta iyo waliba wakhtiga uu u huray horumarinta dhaqanka iyo Isboortiga Soomaaliyeed iyowaliba badbaadinta dhalaanka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden. 

Xaaji Faarax ayaa waxaa la gudoonsiiyey Bilada nabada ee sanadkan 2002 oo la magac baxday "Isbahaysi Peace Price" iyo shan kun oo kroonka Iswiidhan ah, mar aan wax ka weydiiyey xaaji faarax dareenkiisa ayuu ii sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in la xusuustey isaga maadaama ayuu yiri Qabuurahaba la xasuusto, waxaana is leeyahay waxay wado fiican abaalmarintaan u xaadhaysaa dhamaan cidii wanaag u haysay bulshada Soomaaliyeed iyo cidii niyada ku haysayba. Xaaji faarax ayaa lacagtii ugu deeqay guddi dhawaan laga yagleelay Rinkeby oo la magac baxay gudiga waalidiinta Soomaaliyeed. 

Waxaa aniga cajiib igu noqotey in lagu sheego Xaaji Faarax Qareen, waayo mudo dheer ayaan hal magaalo ku wada noolayn kumana arag dhaqankii aan ku aqaanay Qareenada Soomaaliyeed, waxa uu iigu muuqday Oday Soomaaliyeed oo caadi ah, ummaddiisana dhexda uga jira. Waxaa kaloo Bilad sharaf la siiyey Ibraahim Buraale oo ahaan Jiray Gudoomiyihii hore ee Ururka Isbahaysiga Soomaaliyeed oo uu ku mutaystey howshii uu ka soo qabtey mudadii uu hogaamiyaha ka ahaa.

Daladda Isbahaysiga Ummada Soomaaliyeed ee Sweden ayaad Iidaan u muuqata inay soo laba kacleysay oo ay dib u soo hanatey kalsoonidii Soomaalida Sweden oo in door ah is weydiinaysay jiritaankeeda iyo halka ay ku dambeysay.

Abdulhakim Ahmed Guled

Stockholm, Sweden

guledhakim@yahoo.com

Dec 11, 2002 


I  I  D  H  E  H

 TAARIIKHDII SAXAABIGII: USAAMA BINU ZEYD

"Waa Xil Saaran Amnesty International inay booqato oo
u hadasho Afarta Soomaalida ee kujira xabsiga Mombasa Kenya", sidaas waxaa yiri Maxamuud Wardheere oo warqad u diray... Guji....

MINNESOTA, USA: Maxkamadii Siciid M. Guuleed oo Dib Loo Dhigay Ilaa Khamiista soo socota: Faahfaahinta kala soco Somalitalk....

JWXO oo Hablayada Ciida u Direya Shucuubta Islaamka
Wararkii Radio Xoriyo ee maanta Guji....

Soomaalida Minnesota, USA iyo Maalmaha Ciidul Fidriga
Shalay oo ciid ahayd iyo maanta oo Jimce ah waxay Soomaalida labada magaalo ee St.Paul/Minneapolis u ahayd maalmo farxad gaar ah u leh, warbixin arintaas ku saabsan  Ka.Akhri.Halkan

Maanta oo Muslimiinta India Ciideen
ayaa waxaa ku beegan maalin Islaamka u ah maalin murugo, waa December 6 oo ah maalintii  la burburiyey Masjidkii.... GUJI

"Cali Khaliif Galaydh ayaa faafiyey in Aabahay Xiriir La Lahaa Usaama,....
Al-Itixaad iyo Al-Islaax-na  waxay xiriir la leeyihiin  Alqacida" Sidaas waxaa yiri Xuseen Caydiid oo waraysi dheer oo SomaliTalk la yeesheen kaga hadlay arimo dhinacyo badan taabanaya. waraysigii oo dhan.. GUJI.. [Fahad Yaasiin]

 /11com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD