SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
 FAALLO: MURTIDII PROFESSOR LEWIS IYO MAAMUSKA SOMALILAND

Nov 11, 2002

Eldoret, Midnimada Soomaaliya iyo Somaliland
Faaladii: Siciid Cali Axmed, Ottawa, Kanada GUJI

Sidee Shirka Eldoret Looga arkaa Somaliland
Faaladii: Eng. C/Qaadir Jaamac Ismaciil GUJI   

 FAALLO: CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND Guji...  

FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN GUJI... 

Jaaliyada Somaliland ee Asia & BBC-Somaliga - GUJI

Warsaxaafadeed kasoobaxay Ururka XAX - GUJI

Taariikhda Lagama Been Sheego GUJI...

Ninkii malaa'igtu u sujuudey GUJI.

SOOL, SANAAG, BUUHOODLE, HAWD, AWDAL  GUJI..

Somaliland News Archive   

Intaanan u gudo gelin oo aanan isweydiinin waa ayo professor lewis maxay aragtidisu ka turjumaysa iyo siday saadal ahaan u dhignayd (forcasting), aan isku dayo inaan milicsado siday saxaafadda xorta ah ee afka soomaliga ku hadasha u aragta xadaaradda SOMALILAND IYO SOMALIA, akhristow sideedaba wax layaableh mahaa in xadaaradda caalamka lagu kala horeeyo laguna kala bislaado, waxaa isweydiin leh tallow xadaaraddu ma wax tartan loo gela, mise waa wax dukaan inta la gelo laga iibsado!!!? yaabka yaabkis.

waxaa igu kelifay inaan faaqidaad gaaban ka bixiyo waxaasi oo dhan waxaa la arka in dunida horumartay ee ku taal dacalada galbeed ee dunida (WESTERN COUNTRIES), ay mar walba ku taaman xadaarad ay ku dhaafeen dacalada beriga ee dunida (EASTERN COUNTRIES), waxaa caqliga saliimka ahi isweydiin kara maxay ahayd tan xadaaradda ah (CIVILIZATION), ee aduunkii oo dhammi meel walba uga dhacay inuu ku taammo, yaabka yaabkii!! dad ayaa waxay moodan sidaan kor ku soo tiraabay in bahasha loo gelo tartamo oo lagu gudoonsiiyo abaalmarino aad u sareya, balse akhristow sidaasi maaha ee bahasha xadaaraddu meelka kale ayey salka ku haysa, aan usoo noqdo dulucda maqaalkayga waxaa jirta in maalmahan ugu danbeeyey saxaafadda internetka (electronic media) ay si ba,an u haysatay qudbad uu jeediyey professor british ah oo ka hadlay qadiyaddan "sarmagoys" ee soo taxnayd mudada ku dhaw laba iyo tobanka sanno, 

professor lewis waa aqoonyahan cilmiyada philosophga aad loogu tixgeliyo wuxuu muddo farabadan ku qaatay inuu cilmi baadhis ku sameeyo (research), magacii beenta ahaa ee SOMALI DEMOCRATIC REPUBLIC, ee sida quruxda san loo huwaday, wuxuu professorku xaqiiq dhab ah oo ninkii dafiirana ku wareerayo ka bixiyey horumarka iyo bildhanta quruxdasan ee soo jiidanaysa bu,da indhaha nabadda jecel ee SOMALILAND, taasi wax shaki iyo muran midna la gelin karo midna maaha bal akhristow aan isku dayo sidaan horaba usoo sheegay siday u aragta saxaafadda afka soomaliga ku hadasha xadaaradaha SOMALILAND IYO SOMALIA.

DAAWO DACALADA SOMALILAND

the president of somaliland dahir riyale kahin

the vice president of somaliland ahmed yusuf yasin

golaha barlamaanka ee jamhuuriyadda somaliland oo cod u qaadaya kalsoonida madaxweyne ku xigeenka somaliland 2002

LAANTA AFKA SOOMALIGA EE B.B.CDA

Jaaliyada Somaliland ee Asia & BBC-Somaliga - GUJI

"Waxaan soo cago dhigtay hargeisa, markiiba waxaa madaarka igu qaabilay waji farxad iyo qosol ka muuqdo waxaa la igu yidhi "soo dhowow tani waa hargeisa eh" cida igu odhanaysaa waa askari ku labisan dharka quruxdasan ee ciidamada booliska ee jamhuuriyadda Somaliland, waxaan filaayey in sida magaalada nairobi aan la kulmo ciidamo boolis ah oo xiiqsan oo ku jeeni qaaran hub aad u culus Runtii taasina waa waxaan la yaabay!!!!!!?, hargeisa waa magaalo markaan qiyaasay ka weyn magaalo ku taalla gobolka RIFT VALLEY ee wadanka Kenya, dadka reer hargeisa waa dad qoslaya oo aad u shaqaysanaya oo dhisaya magaaladooda Taasina Runtii waa mid aan la yaabay!!!, magaalada afar iyo labaatanka saacadoodba waad socon karta iyada oo aanad arkaynin iska daa shacabka eh askari ciidamada booliska ka tirsan oo qori wata!! taasina waa mid aan la yaabay oo aan east africa oo idil ka jirin runtii!!!! ammintu markay casarkii tahay dumar aad u quruxsan oo lebisan ayaa gawadhida nooca ugu danbaysay magaalada ku dhex laafyooda taasina waa mid fajac igu keentay!!!!,.

Hadaladaas iyo qaar ka mid ahiba waa kuwo ka soo burqanaya weriyayaasha laanta afka soomaliga ee idaacadda b.b.cda oo goor iyo ayaan ku tega magaalada hargeisa iyo guud ahaan cariga somaliland safaro kala gedisan, waxaa sidoo kale ay weriyayaasha noocasi oo kale ah ay safaro ugu baxaan muqdisho, gabadh ka shaqaysa Hayadda warbihinta ee fadhigeedu yahay magaalada atlanta ee gobolka georgia (CNN) oo magaceeda la yidhaahdo christian amanpour, ayaa muddo dhawayd waxay ku tegtay safar magaalada muqdisho warbixin ay halkaasi ka soo dirtay ayaa waxay christian kaga faalootay in aanay arag bosnia na ku dhaho magaalo siday u qoqobantahay iyo amaan darida baaxadaa leh ee ka taagan aanay weligeed arag, christian waxay ka mid tahay suxufiyiinta aadka u magaca weyn ee laga qadariyo wadanka maraykanka, waxay sheegtay inay indhaheeda ku aragtay boqolaal iyo tobanaan maleshiyo ah oo magaalada muqdisho meel walba dhigtay jidgooyoyin, si kastaba ha ahaate taasi akhristow waxay kuu cadaynaysa ama professor lewis ha ka faaloodo ama shakhsi kale oo reer galbeed ahi ha ka falooda eh in ay xadaaradu tahay mid ay gaadheen bulsho kasta oo ilaahay dhigay meel taaso lagu tilmaami karo inay tahay horumarka ku dheehan dhinac walba, maaha professor lewis oo qudha cidda wax ka tidhi arrintaasi, muddo dhawayd hotel ku yaalla caasimadda wadanka eithopia ee addis ababa waxaa shir jaraa,id ku qabtay wasiirkii hore ee tamarta ee is casilay ee wadanka kenya raila odinga odinga, wuxuu raila sheegay inuu indhahiisa ku arkay mar uu booqday hargeisa dahabka iyo lacagta oo dariiqyada magaalada hargeisa iska yaalla oo aan cid hunguraynaysa jirin xagga magalada nairobi lacagta lagu jiido silsilado amaan darri awgeed,wuxuu odinga ugu baaqay beesha caalamka in SOMALILAND si bilaa shuruud ah loo aqoonsado, oo ay u qalanto ictiraaf muqadas ah aanay istaahiso, akhristow markaad dhinac kasta ka eegto waxaa ku cadaanaysa in xadaarad, horumar, iyo jiritaan xitaa iska daa wax kaloo aanay labada bulsho ee SOMALILAND IYO SOMALIA aanay isku mid ahayn, weligeedna aanay isku mid ahaan jirin, hadaba waxaan leeyahay oo aan ugu baaqaya guntii iyo gebogebadii dhamaanba dadka reer somalia in hadii ay doonayaan in nabad buuxda ka aslaxdo wadankooga hooyo ay aqoonasadaan jiritaanka iyo horumarka SOMALILAND, anaguna waxaanu diyaar ula nahay walaalahayo markay intaa qiraan, in aanu usoo bandhigno heer ay ku heshiin karaan oo dhaama riwayadaha loogu jilaayo CARTE IYO ELDORET LABADABA, taasi waa taasi, waxaan kaloon u baaqaya dhamaanba inta aan qirsanayn qaranimada iyo jiritaanka SOMALILAND in ay ka tanaasulan fikradaasi cunsuriyaysan. aan ku soo gunaanado faalladani "WAX KALOO NIN DEEQO DAD LAGAGA EED BAXO NIN U DOONAY HELI WAA" taasi waxaan uga gol leeyahay kollay waa iska caadi in masayrku iska jiri karo balse "warjiraaba cakaara waa iman doona"

waxaa isku dubariday oo soo diyaariyey

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

 diridhaba2001@hotmail.com 

-dhamaad-

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD