SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
FAALLO: CEERYAANTA SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND
FAALLO: HADAFKA SOMALILAND IYO HANAANKA SOMALIWEYN GUJI... 

Jaaliyada Somaliland ee Asia & BBC-Somaliga - GUJI

Warsaxaafadeed kasoobaxay Ururka XAX - GUJI

Taariikhda Lagama Been Sheego GUJI...

Ninkii malaa'igtu u sujuudey GUJI.

SOOL, SANAAG, BUUHOODLE, HAWD, AWDAL  GUJI..  

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

September 17, 2002

Sideedaba waxaa lagu garan karaa maamul dawli ah oo ay samaysteen mujtamac ilaahay ku beeray meel inuu leeyahay hanaan ka horumara dhinacyo fara badan, ha ahaato garaadka iyo maskaxda koriinkeeda oo ah mabda,iyan midda ay beelaha caalamku isku dhaafen, ha ahaato dhaqaalaha, ha ahaato bislaan ay dadka goobtaasi ku nooli u bislaadan wada shaqayn iyo nolol kor u qaadleh oo u koraysa tallaabo tallaabo (step by step), waxaad aragta oo aad indhaha mar walba kaga bogata bulshooyinka horumaray sida ay u kala danbeeyan, taasi oo akhriste run ahaan aan odhan karo inay u sababtay inay xiddiga marris dushiisa ku sheegan inay nolol ka suuro galayso, lama yaabo markaan indhaha ku dhufto ama dhegtaydu admmaqasho qawaniinta caalamiga ah (international law) iyo weliba kuwa dawliga ah (governmental law) ee ay beelaha horumaray aadka u tix geliyaan, marar badan ayaa akhriste caqliga fayow waxaa isweydiin kara maxaa kelifay ama sababay inay duul weynta horumartay xukunka mar walba la door bidaan da,yar soo kacaysa, waxaase iyaduna meesha taalla oo aan ka maqnayn maxaa ku kelifa dadka lagu tilmaamo dunida seddexaad "third world" ama waa mararka qaarkood eh siday ugu yeedhan (growing countries) in ay bulshweyntoodu u horseedan in ay u taliso maskax todobaatan sanno soo shaqaynasay, xaqiiqdii markaad is barbar dhigto su,aalahaasi waxay u baahanyahiin u duurgel fara badan "analayze" iyo inaad wax ka weydiiso dadyowga aqoonta uleh cilmiyada siyaasadda, dhaqanka, iyo weliba taariikhda, akhriste run ahaantii mararka qaarkood ayaabad is odhanaysa malaha dhaqan ayey u tahay in ay labadaa bulsho ee aan kor ku soo tibaaxay u doorbidaan xukunkooda sidaasi. 

MAYA! run ahaanti jawaabtu sidaasi maaha, cahdi weliba hoodadii nasiib iyo ayaankii markaad booqato library-ada waaweyn ee ay ku rasaysanyahiin buugagta wax ka qora taariikhaha umadaha ama aad si dhib yar u su,aasho professor ada wax ka dhiga qaybaha siyaasadda iyo taarikhaha ayaa waxay kuugu jawaabayaan ama aabad ka dheehan kartaaba in bulsho wal oo ilaahay adduunka dhigay soo martay marxalado kala gedisan taasi oo lahaa nimcadeeda iyo nusqaanteedaba, iyada oo ay facba faaciisa ka danbeeyey waa beelahaase ka sii hanaqaadeen halkii ay aabayashood ama awooyashood kaga tageen, waxaa sida dad fara badan oo aan hubo inay igaga aqoon badanyahiin cilmiyada taariikhda ku xardhan in qaaradaha caalamka haatan ka hogaamiya ama ka haga dhinaca siyaasadda, dhaqanka, iyo weliba dhaqaalaha, ay soo mareen heer ay xukumaan qabaa,ilo cahdigaasi oo ka caan ah qaaradda europe oo loo yaqaanay cahdigii hantigoosiga (CAPATALISM CENTURY) waxaa halkaa isku gumaaday kumanaan iyo kumanaan qabaa,ilo ah oo ku dhaqna wakhtigaasi europe galbeedkeeda iyo badhtamaheedaba, waxaa qayb qayb loo goostay dhamaanba dhulka ay ka koobantahay qaaradda europe waxaa ka tallinayey rag beeralley u farabadan kuwaaso lahaa hanti badan, iyada oo nin weliba ku ilaashanayey hantidiisa gaarka ah.

I  I  D  H  E  H

Akhirste taariikhdu isma masaxdo, cidina ma duugin karto, cahdi welibana ayaankii hooda iyo nasiibkii, hagardaamiyo xanuunkii, aan usoo dego hoosna u milicsado ujeedada qoraalkayga ama aan idhaahde faaladayda aan kolba dhinac kaga eegayo, run ahaanti waxaa igu kelifay inaan waxaas oo tusaale ah ka bixiyo waxa weeyi dhulkaygii hooyo ee aan jecla oo ku ceegaagan hadana haadamo cadawadeed, ayaa waxaa ku soo kordhay miisaan siyaasadeed oo nimcadiisa iyo nusqaantiisaba labadaba xanbaarsan, taasi oo ay ku keliftay nidaamka galbeedaysan ee ku cusub bulshaweynta reer SOMALILAND 42 jirsatay, akhriste ka soo bilaw ilaa iyo sannadahii lixdameeyadii ilaa iyo maalinkan maanta ah ee aynu naacawda macaan hadhkeeda hoos mushaxayno, dadkeenu waxaa ku soo jiray waa shacabka dahabka ah ee reer Somaliland eh jihaad farabadan (hard struggle) oo ay ku hanuuniyeen wadankooga hooyo jidkii uu qalmay, ka soo bilaw 1969 ilaa 1990 dadku may arag indhana ma saarin wax xoriyatul qawl la yidhaahdo iskaba daa hanaankan reer galbeedaysan ee loo yaqaano dimuqradiyadda eh (democracy), waxa ay u hana taagayeen oo keliya tallow mar uun maydin hadhsan hadh macaan oo xoriyadeed, balse nasiib wanaag waxaynu ognahay in tobankii sanno ee ugu danbeeyey aynu haynay jidkii dalkeena aynu ku horumarin lahayn waxaa tiraba soo maray dalkeena seddex madaxweyne oo kii ugu danbeeyey haatan xilka hayo Madaxweyn Riyaale, hadaba akhriste waxaa su,aasha meesha taalla tahay tobankii sanno ee ugu danbeysay ee dalkeenu xorta ahaa maxaa u suuro gelay maxaase aan suuro gelin ee loo baahna in la qabto? bal aynu isku dayno in aynu ka jawaabno su,aalahaasi inaga oo kaashayna mar walba taariikhda dhaw "the recent decade history" aynu u kala qaadno xukumadahii ka soo taliyey dalkeena hooyo ee Somaliland iyo mid walba wixii u suuro gallay.

CAHDIGII CABDIRAXMAAN TUUR IYO QANIINYADII QABIILKA

aan inyar dib u noqda eh, waxaa lagu jiray wakhti coladeed oo badiba dadku u hanweynayeen xoraynta dhulkooga hooyo waxaa degta qoriga ku jeeni qaarna dhalinyar badankoogu u badnaayeen ciyaalo iskuulkii u huray dhiigooga iyo naftooda macaan qaranka Somaliland, waxaa sannadahii 1990 meeyadii la wareegay xukunkii ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaliyeed ee SNM Cabdiraxmaan Axmed Cali (tuur) oo noqday hogaamiyaha cusub ee ururka isaga oo xilka kala wareegay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) wuxuu cabdiraxmaan Tuur ku guulaystay inuu isku keeno habeeyo ciidamadeedii halyeeyada ahaa ee SNM wuxuuna horaantii sannadkii 1990 kiiba cagta dhulka u saaray ciidamadii SNM inay gacanta ku dhigaan dhamaanba geyigii dhulkaaga hooyo ee ay duurka ugu jireen tobanaanka sanno. waxaa lagu guulaystay in dhamaanba gacanta lagu dhigo lagana xoreeyo cunsurigii fashistiga ahaa ee Afweyne Barre dhamaanba dhulka Hooyo ee Somaliland. sannadkii 1991 ayaa sida badiba aad wada ogsoontahiin waxaa lagu qabtay shirweynahii ugu horeeyey ee ay beelweynta reer Somaliland iskugu timaado magaalada Burco oo ahayd xuduntii laga aasasay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaa halkaasi lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada iy xorriyadda jamhuuriyadda Somaliland iyo weliba inaan gooni isu taagga Somaliland cidnaba gorgortan looga gelaynin, waxaa yaanan hadal idinku daalin akhristayaal eh beelahii halkaa iskugu yimid isku waafaqeen maadama uu cabdiraxmaan Tuur ka kasbaday sumcad beelaha dhexdeeda loo dhiibo xilka hogaanka dalka Somaliland laba sanno oo ku meel gaadh ah si uu dalka uga saaro dhibaatooyin aad iyo aad u farabadan oo wakhtigaasi jiray? balse su,aashu waxay noqotay maamulkii cusba ma noqday mid u qalba waxa loo igmaday, waxaa Hargeysa, Berbera, Iyo Burco ka bilaabmay qaniinyo xoogleh oo qabiileed, waxaa wadanka ka dhacay ammaan darro xoogleh oo run ahaantii ay sababtay maamul xumada halkaasi ka jirtay, Hargeysa oo ahayd xuduntii wadanka laga hagaayey waxaa hadhka cad toogasho la isku dilayey suuqyadeeda, waxaa bilaabmay dhac iyo boob, balse waxaa markiiba la isweydiiyey taasi ma ahayd wixii laga filayey maamulka Tuur?

CAADIFADII CIGAAL IYO CADHADII CALAN CASTA

waraysi)"DKG Shaqsi gaar ah (Xaabsade) lama Gelin Heshiis
waxayse wada hadal la yeelatay hoggaanka RRA Shaarguduud maahee intiisii kale" Sidaas waxaa yiri C/Qaasim Salaad Xasan oo u waramayey...
GUJI..  
Jaamacadda Boosaaso Waxaa Loo Dhisay Kobcinta Aqoonta
Sidaas waxaa yiri Ciise Dhollowaa oo jawaab ka bixinayey hadalkii Prof. Samatar ee ahaa GUJI..  

suuqWarbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal.. GUJI..  

Wardheere &Toddobaadka
USA: Dawladda Federaalka ma rabto governorka Minnesota inuu aado Cuba asagana kama yeelayo iyo. GUJI...

sikshekh.jpg (49456 bytes)Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa GUJI...

alijamal_small.jpg (28503 bytes)Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI...  

ab22801.jpg (5210 bytes)Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 
 

Waxaa la soo gaadhay sannadii 1993, waxaa mar labaad beelaha Somaliland oo dhami iskugu yimaadeen, Madasha Magaalada Boorame oo ah Magaalo madaxda Gobolka Awdal, oo aan odhan karo run ahaantii waa halkii laga unkay nabadda, iyo horumarka badhkii ee Somaliland, waxaa shirkaasi lagu lafa guray waxyaabo farabadan oo ay kala tabanayeen beelweynta Somaliland, waxaa lagu soo sooryey rag farabadan oo ay siyaasadda beri hore ugu danbeysay oo aan odhan karo run ahaantii qabiilna kama maqnayn in ay xagga danbe ku wateen, balse wakhtigaasi aan idhaahde aad loogu hanweyna inay dhaami doonan maamulka Tuur inuun. 

ragaasi hadii aan magacyadooda qaarkood carabka ku dhufto waxay kala ahaayeen Alla naxariiste janno ha siiyo Mudane Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Cumar Carte Qaalib, iyo rag badan oo kale oo aanan halkani magacyadooda ku soo koobi karayn waxaa la soo gaadhay goortii iyo ammintii la dooran lahaa hogaanka cusub ee dalka hagi lahaa afarta sanno ee soo socda wakhtigu waa goor barqo ah taariikhdu waa 1993 5 bishii May, waxaa isku sharaxay in la doorto Musharaxiin tirro ahaan afar nin ka koobna oo kala ahaa:- Cabdiraxmaan Axmed Cali oo ahaa hogaamiyahii xilku ka dhamaaday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Cumar Carte Qaalib, Iyo musharax Halac, waxaa la gaadhay goortii la tirin lahaa vote kii ay dhiibteen beelaha goobtaasi isku yimid balse waxaa halkaasi guushu ku raacday ninkii loola hanweyna oo ahaa MUDANE MAXAMED IBRAAHIM CIGAAL, Cigaal isla markiiba wuxuu la booday microphone ka wuxuuna ku tiraabay inuu dalka waxyaabo badan u qaban doono oo uu walaalayn doono umadda cadawda la dhex dhigay, run ahaantiina waxaan odhan kara waa ku guulaystay badankooda balse waxaa iyaduna meesha taalla Cigaal alla ha u naxariiste ha lahaado amaanteeda eh ma ka wada kasbaday ammaan mucaarid iyo muxaafidba? su,aasha jawaabtu waa MAYA waxaa marlabaad la iskugu yimid Hargeysa iyada oo halkaasi sidii caadada ahayd lagu qabtay shirweynahii beelaha Somaliland waxaana halkaasi lagu gorfeeyey qodobo iyo cadawodo guud iyo shakhsiyeed oo la isku tirsanayey waxaanan odhan kara badankoodi waa la xaliyey hawlahii beelahana waa laga faraxashay waxaa marlabaad la soo gaadhay ammintii la isku diyaarin lahaa in loo tartamo hogaanka dalka ugu sareeya waxaa doorashadaasi waa 1997 eh isku soo taagay seddex nin oo kala ahaa: Maxamed Ibraahim Cigaal alla ha unaxariiste oo ahaa hogaamiyahii dalka, Maxamed Xaashi Cilmi, iyo Saleeban Maxamuud Aadam (saleeban Gaal), waxaa halkaasi cod seddex meelodow laba meelood ahaan ah ka helay oo dib loogu dirtay isla Maxamed Ibraahim Cigaal inuu shanta sanno ee soo socda xilka hayo, hadaba akhriste waxaa xusid mudan in la sheego markii loo hambalyeynayey ee ay labadii musharax ee u hambalyeynayey Cigaal alla ha u naxariistee halkaasi ka qudbadaynayeen ayaa musharax Saleeban Maxamuud Aadan Gaal waxaa laga haya kelmado ay ka mid yahiin "Yaanay dhicin oo aan la arkin mar danbe shir toban shirgudoon leh ee ha laqabto doorasho xalaal ah oo dadku dhiibtan codkooga" balse saleeban hadana ileen carab iyo labadiisa daan isma oga eh wuxuu ku doodayey dhawaan in habkii shirbeeleedka dib loo soo celiya.

waxba yaanan hadal idinku daalline Cigaal wuxuu maamulka la soo gaadhay ilaa heer ay damceen hogaamiyo dhaqameedyadii qabaa,ilka xukumayey damceen in xilka ka tuuran balse sumcad iyo sharaf uu ka mudna bulshada dhexdeeda ayey u suuro geli wayday in uu ka tego. laakiin waxaa ka soo gaadhay qadarkii Eebe oo tiisi ayaa timid. waxaanan odhan kara wuxuu kasbaday Cigaal Sharafta ugu saraysa ee uu kasbado Hogaamiye bulsheed, inkasta oo aan odhan karo hadana goldalooloyin farabadani waa jireen.

Hadaba iyada oo ay sidaasi tahay ayaa waxaa indhahaga ku soo badanaya akhristayaal mudooyinkan danbe in loo ololeeyo Mudane Cumar carte Qaalib, oo ahaan jiray rug cadaa siyaasi ah oo ka dhashay mandaqada Somaliland caan aad uga ah bulshada dhexdeeda, Cumar carte wuxuu qabtay xilal farabadan oo uu u qabtay maamuladii wixii la odhan jiray Somalia ilaa uu ka gaadhay heer ra,iisal wasaare "Prime minister" iyada oo marka dadka siyaasadda u dhuundaloola ka faaloonayaan lagu tiriyo inuu yahay nin janjeedha oo aanba toos u wada liqsanayn qaranimada iyo gooni isu taagga Somaliland, ayaa iyada oo ay sidaasi tahay hadana waxaan aad iyo aad ula yaabay oo isku kay qaban waayey laba kelmadood loo aan dadka ka daadegsanayn oo ah Dimuqradiyad ayaanu dhisanaynaa iyo Rag xukunka boqol jeer qabtay ha ku soo noqdaan, runtii waxaan filaya dadka noocaasi ku doodaya inay yahiin dad aan fahamsanayn dariiqa cad ee dimuqradiyadu qeexday waa hadii dimuqradiyad waxa loo halgamaya tahaye, Somalilander dimuqradiyaddu waa ta kala xadaysa bulshada, waa ta siisa nin wal oo Somalilander ahba xaqiisa, maaha dimuqradiyaddu mid xukunka mar walba siisa nin 70 sanno iyo inkabadanba bahasha siyaasadda ah dheelayey (Political game) waxaan odhan lahaa hadaba hadii waxa aynu u cararayna ee aynu u samaysanay boqolaalkan xusbi tahay dimuqradiyad ha dhawro shurucudeeda waxaanan ku soo gebo gebayn lahaa maqaalkaygan ama qoraalkaygan kelmad ingiriisi ah " LET US ALLOW OLD MIND TO GO AND WELCOME THE NEW ONE" oo ah aynu soo dhawayno maskaxda cusub ee la jaanqaadi karta suuqa furfuran iyo siyaasadda casriyaysan aynanu ilawno siyaasadii shaqaynaysay todobaatanka sanno iyo waxa ka badan

ALLA MAHADLEH GUUL IYO GOBOBONIMO SOMALILAND

WAXAA DIYAARIYEY OO ISKU DUBA RIDAY

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com 

Qoraalkii hore ee qoraaga.. GUJI... 

 

 AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Sept 17, 2002 | SOMALITALK 

WARARKA KALE AGOOSTO  | WARARKii  July» GUJI
» June |  MAY APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 
em@spam.com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
 
XAMARCADEEY
Caddeynta Xaqiiqada dhabta ah ee Dhulka Banaadiriga
Taariikhdu dadkay bartaa Dunida way iftiimisaa
GUJI...
[Dr. C/Qadir -Muriidi golf]
 
CALI JARMAL
Waraysi uu Bixiyey Cali Jarmal 
Waraysi dheer oo uu bixiyey Mudane Ali Addow Mohamed (Ali Jarmal) ayuu kusheegay in shirka Kenya GUJI... 26/8
 
N A B A D A Y N
Baaq Nabadeed Colaadda Mesagawaay
Dhammaan Muddulloodka wax garadka ah ee ku nool Skandinaviya ( Sweden. Denmark, Finland, Norway) Waxay ugu baaqayaan... GUJI.. 22/8 
 
S U U G A A N
Abwaan Maaweel oo Kawaramay Suugaantiisa
Maaweel oo dhowaan socdaal ku soo gaadhay magaalada Nairobi ayaa waxaa waraystay Ibraahim Maxamedeeq oo ah qoraa suugaanta soomaalida xiiseeya ayaa ... GUJI.. 22/8 
 
LAASCAANOOD
Urur Cusub oo laga Sameeyeey Laascanod
Uurkan oo lagu magcaabay (S.S.H.Y.L.) oo noqonaya Sol, Sanaag, Hawd, youth League, waxaa  GUJI... 28/8
 
KOONFUR AFRIKA
Shirweynaha Aduunka oo Kasocda K/Afrika
Shirkan oo lagaga hadlidoono Ilaalinta deegaanka, La dagaalanka cunto yaraanta, Ka hor taga xaalufinta deegaanka iyo  GUJI... 28/8
 
S A C U U D I G A
Xasan Abshir oo Lakulmay Amiir Cabdalla
Ra'iisul wasaaraha DKG ayaa sucuudiga kula kulmay Amiirka Cabdalla Bin Cabdulcasiis Al-Sacuud  GUJI   Agosto 14
 
M U Q D I S H O
Falal Kufsi Iyo Dil Iswata Oo Ku Soo Kordhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho, caasimaddii dalka Soomaaliya, hoygii nabadda iyo amaanka, xadaaradda iyo tacliinta... hadda waxay noqotay GUJI... Agoosto 6
 
X A M A R
Caydiid oo Codsi udiray Reer Muqdisho
warkaas iyo Taliyaha Ciidanka Ka Fallaagoobey Qanyare Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhowaan Dhacay AKHRI   Agosto 13
 
K U W A I T
BAYAAN ku wajahan maamulka Hargeysa
KUWAIT - Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda gobolada Sool Sanaag iyo Hawd ee degganna Kuwait ayaa. GUJI..  Agosto 12
 
DILKA K/AFRIKA
Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD