SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 *Qurbo Laguma Waaree Nolashaada Dabaqabo*

I I D H E H

  

Qore Omar Burale, 

E_mail Bukari114@hotmail.com 

Nov 26, 2002

Maqaal kan waxaan igu kalifay in aan qoro, gaar siiyana dareyn keyga bal waxaan tabar iyo tusale aan kadhihi karo Ayaan Hirsi, oo u muuqato inay ujanjeerto dhinaca dhal-dhalaalka dunida, iyo waliba reer galbeedka beentooda runa u maleysay! wax yaalaha indhaheedu arkeen! balse xaqiiqdii kafoq runta midaas. Ayaan, waxan jeclahay in aan u soojeediyo tix yare oo Geeraar ah taasoo aan marna ku waaninayo marna wax ugu sheegayo marna, ku xasuusinayo ruuxa ay tahey, ileen waa bini aadam oo wey qaldamikartaa,sida naloo sheegay, mana aha in laga waaliyo, laakiinse xasuusin ayay naga mudan tahey hadii ay garan weyso, ama ayqaadan weydo xasuusintaas markaas wajikale oo xal nafteeda u ah ayaa loo helidoonaa, oo macquul ma'aha in diinta islamka intaas oo caalamka dushiisa ku nool iney Ayaan Hirsi Xal looga waayo. Hadaba waxaan leeyahay hacaburin naftaada ee arag nonolasha dhabta ah iyo waliba wanaageeda, adigoo qaali ahna ha'iska dhigin duli , dunida & aakhiro toona wax ba ku laheyn .

Waa su'aale waa maxay quruxda qofka islamka ah? Qofka islaamka ah quruxdiisa waa diintiisa oo uu dhowro una dhinto, qurux malihid hadii aadan diin laheyn. Diinta islamku waa mid casri ah, xilikasta iyo wakhti kasta intaba. Hadaba diinteenu waxey kahadashaa wax jiray wax joogo iyo wax soo socda intaba. Waxaa nasiib daro ah 'in aad hogaanka u dhiibato nin aan intaba wax ka' ogeyn' Hadaba Ina Hirsi waa maxay casriga ay raadineyso?

*Geeraarkii Lamagac Baxay Qurux Dila*
Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI.. 22/11

 Ayan Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida 
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI 12/11 [C/raxman Ceynte]


Rev. Jerry Falwell oo ku sheegay inuu argagixiso ahaa Nabi Maxamed (nabad gelyo iyo naxariis kor kiisa ha ahaato).  GUJI 0ct/7 [wardheere]


Dheelmidii Nebiga Sallallahu Calayhi Wasalam GUJI

Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo dhow GUJI

Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN Booqday! GUJI

  Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI 

*Yarta quruxda badaney horta maxaa ku qaatoo qiimigaadi kugudiray. Qaadirkii ku uumaana qowl xaqa ayuu ku faray qumanow rasuulkii {SCW} Qaado uu kuleeyahey, qawaaniinta noloshiyo qaneecaadka geeridda, Ee yarta quruxda badaney horta maxaa ku qaatooo u qafilatay dhegihii.

*Ma'ogtahey qiyaastii imisaa qorniga dheer qardiisu see tahey qunyare Miyuu yimaadaa mise qaa qab iyo kadis wadka kuu qorsheysani eeyarta quruxda badaneey horta maxaa ku qaatoo qalbigaada xasuustiray,

*Qiimaha aad leedahay quruxdaada xulashada indha qabadka daymadda Qumanaanta jiirkiyo qiimahaada diineed, midab aan laquureyn,qasdigoodu, Ma'aheyn qaawanaan abaal keedd iyo qawaacid xumo diincay! Ee Horta yarta quruxda badaney qorta maxaa ku qaadoo, qimigaada Kugu diray

*Wadku waa qisaas xaqa noloshuu qurgooyaa qiyaamuhu markuu dhaco qofwalbaa Waxuu falay qaybtiisa ay tahay, aan qadafna laga gelin uumiyuhu qarqarayaan qalbigiisu Jecel yahay jannadii qaboobayd balse diinku dheelaay adi qadafka kuu yaal aad u qalanto naartii qaddar eebe mooyee, ee yartaa qiimiga badaney qoftaa yaadan noqonoo jahanabo ku quudane qabri iyo geeri kahorow iga qaado waanadan oo noloshaada dabaqabo qurbe laguma waaree, qurbi laguma ilbaxo, reer galbedu weydambeeyaan.

 *Halkaas ayaan ku soo koobnay geeraarkii Qurbo laguma waaro, hadii loo baahdana waan siiwadeynaa hadii, Ama mihiim noonoqdo.

Qore Omar Burale, E_mail Bukari114@hotmail.com 

Nov 26, 2002

Afeef: Argatida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan.

 

Ikraam Cali-Kaar oo Faallo Ka Qortay 
Gabadhii Soomaaliyeed ee Diinta Islaamka u geftay..   GUJI.. 22/11

 Ayan Xersi oo noqotay Salman Rushdi-ga somalida 
32 jir soomaaliyeed oo dhawaan sheegatay ineey diinta islaamku "caburiso isla markaana xaqirto dumarka " ayaa GUJI 12/11 [C/raxman Ceynte]

Aabe Soomaaliyeed oo Loo Xiray Geeridii
Gabadhiisii oo Jirtey 6-toddobaad: Magaalada St. paul ee gobolka Minnesota aaya lagu xiray Siciid Muuse Guuleed GUJI


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]