SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay 

Warar ku saabsan iskuulada Minnesota oo aad muhiim u ah

 

I  I  D  H  E  H

DAHABLAHA ANGAR

Waa Dahable Soomaaliyeed oo kuyaal Minneapolis, Minnesota, USA.

Dukaanka Dahablaha ee Angar horay u gaar, waxaad kahelidoontaa dahab ku qancindoona.
XAGEE: 2942 Pillsbury Ave, MPLS, MN 55408
TEL: 612.822.0556 ama 612.695.3029
Email:
gelle205@homail.com

LAXIRIIR: Cabdi Kaafi 

HAMOOGAAN DAHABLAHA ANGAR

Waxaa la ogaysiinayaa waalidiinta iyo ardada Soomaaliyeed ee wax ka dhigata iskuulada Mpls, Minnesota in isbedel wayn lagu sameeyey qaabkii iyo wixii loo yaqaanay dugsiyada sare. Kacaan isbedelka iskuulada halkan aad ayuu u wayn yahay oo waxaa la dhihi karaa 80% sanadka danbe dugsiyada sare sidii lagu yaqaanay uma shaqayn doonaan. Waxaa laga dhigi doonaa habka jaamacadaha, dadka isbedeladan ku taliyay oo muddo dheer daraasad ku soo sameeyey waxay sheegeen in habkan uu ka fiicnaan doono habkii hore.

Ardada waxay qaadan doonaan maadooyin gaar gaar ah(taqasus yar yar) kuwaas oo ay ku heli doonaan buundoonyin u dhigma kan jaamacadaha. Isbedelkan wuxuu bilaaban doonaa sanad dugsiyeedka bisha September 2003 waa sanad dugsiyeedka 2003-2004. Sug-sug- u fiirso- ha is oranin waa waqti fog waayo maalinta kama danbaysta ee dugsi sare doorashada Decmber 20, 2002. Maalintaa wixii ka danbeeyo waxaa dhici karta in aad meel wayso ama taqasuskii aad rabtay ama noocii waxbarshada ee aad rabtay.

Arada maanta fasalka sideedaad ah weeye kuwa la rabo inay doortaan iskuulkii ay tegi lahaayeen iyo taqasuskii ay qaadan lahaayeen ( NINKII SEEXDAA SICII DIBI DHALAY). Beryahanba warbixinta waalidiinta iyo ardada la siinayo waa ay socotay oo hadba iskuul ayaa lagu qabanayay; haddii aadan weli fursad u haelin ama aadan ogaanin iskuul walba waxaa lagu barto fadlan yay ku dhaafin fursadii ugu danbaysay oo ah November 20

Goobta: Iskuulka sare ee Washburn

210 west 49 Street

Minneapolis, Minnesota

Taariikh: November 20, 2002 Waqti: 6:00pm

Taqasusyada larabo in arada la baro waxaa ka mid ah Tecnology, Business, education, medical. Aviation iwm. Iskuul walba waa ka duwan yahay iskuulada kale, sidaa darteed fursadda doorashada waa muhiim, fadlan fariintan gaarsii waalidiinta iyo ardada si ay ula socdaan isbedelka waxbarasho ee dhacaya.

Waalidka Soomaaliyeed ee jooga Minnesota waxaa qasab ku ah inay la socdaan isbedeladan iyo waxbarashada caruurtooda waayo dhalaankan waa hantida kelya ee aan haysanaa sidoo kale in diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed la baro waa muhiim, maadaama aan haysanno fursad aanay haysanin dad badan oo walaalaheen ah kuween haysta nabadgelyo iyo fursad waxbarasho waxaa nalaga rabaa in aanan fursadan dayacin.

Soomaalida minnesota ballanteenu waa caruurteena oo dhamaantooda jaamacado ka aflaxa!!!. Ninkii seexdaa sicii dibi dhala!!.

Sidoo kale Doorashada fasalka kowaad ilaa fasalka sideedaad waxay ku eg tahay janauary 15, 2003. Ogow waxaa laga hadlayo waa sanad dugsiyeedka 2003-2004. waxaa la rabaa qorsho sanad ka hor inaad og tahay meeshii ardaygaagu aadi lahaa. Haddii aad u baahan tahay aqbaar dheeraad ah oo ku saabsan Fasalada 1-8 fadlan tag Dugsiga dhexe ee Sanford maalinta November 18, 2002.. Ninkii seexdaa sicii dibi dhalay.

Fasaxyada soo socda

Fasaxa Ciidul Fitri== Dhamaadka Ramadan (maalintaas iskuulada waa furan yihiin laakiin waa laguu ogol yahay inaad caruurtaad guriga ku haysato si ay kuula ciidaan).

Thanksgiving day: November 28  iyo 29 (feesto Iskuulada waa xiran yihiin)

Winter Break December2 3-January 3 ( Feestada Kirismaska iyo sanadka cusub iskuulada waa xiran yihiin)

Maalinta shirarka Waalidka iyo macalimiinta January 16, 2003. Waa maalinta ugu fiican ee aad la kulmi karto dhamaan macalimiinta caruurtaada wax u dhiga waxaadna ogaanaysaa heerka waxbarasho, dadaal, talooyin, aqlaaqda, iyo dhaliisha ardaygaaga. Waxaadna isbaranaysaan dhamaan macalimiinta wax u dhigaan ardaygaaga.

Mahamoud Wardere

mwardere@oakwood.com

Qabuuraha Islaamka iyo qarashka duugta oo aad u qaaliyoobay  

Waa fariin ku socota Muslimiinta Minnesota Ku nool

Iskaashatada maamusha qabuuraha muslimiinta ee Minnesota ayaa war cad soo saartay oo ay ku sheegayso in la qaaliyeeyay qarashkii ku bixi jiray duugista qofka muslimka ah. Waxaa intaas ka sii daran muslimiinta oo ku soo batay Minnesota iyo qabuuraha islaamka ee Roseville oo dhowaan lagu wado inuu buuxsamo oo ay markaas qasab noqon doonto in la raadiyo mid kale.

Qiimaha ku bixi jiray qofkii wayn oo dhinta oo muslim ah ayaa ahaa $2800 kasoo weliba ah kan ugu raqiisan meelahan waayo waxaa ku jiray xoog badan oo tabaruc ah. Qiimaha cusub ee hadda waa qofkii wayn ee muslim ah $4000. Caruurta intaas waa ka raqiisanaan doontaa, qiimahan ayaa la sheegay inuu culays ku noqon doono dadka muslimiinta ah ee dan yarta ah oo awlaba dhib ku qabay $2800.

Dadka muslimiinta ah waxaa la gudboon inay iska warqabaan oo maydka wada aastaan oo aanan lagu dayn qoys dan yar ah.(kuwii isu naxariista ayuu ilaah u naxariistaa.)

Mahamoud Wardere

mwardere@oakwood.com 

Wararkii Hore ee Wardheere...  

QUBUURAHA MUSLIMIINTA DENMARK .....GUJI 

Nov 18, 2002

Aabe Soomaaliyeed oo Loo Xiray Geeridii
Gabadhiisii oo Jirtey 6-toddobaad: Magaalada St. paul ee gobolka Minnesota aaya lagu xiray Siciid Muuse Guuleed GUJI 13/11

Ururka Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota GUJI.... 

Dhimashadii Abu Qaasim: Minneapolis, Minnesota

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Kulankii Ardayda Soomaaliyeed

ee dhigta Jaamacadaha Gobolka Minnesota: Jaamacadaas oo keliya waxaa dhigta 150 arday Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in... GUJI 29/9
 Warbixin: Suuqa  Al-Karama
MINNEAPOLIS : Suuqa Al-Karama waa suuq Soomaaliyeed oo kuyaal..
GUJI.. 

Wardheere oo Laguddoonsiiyey Shahaado Sharaf
Xaflad sannadkiiba mar lagu qabto Minneapolis ayaa dadkii halkaas magacooda lagu xusay waxaa kamid ahaa ... GUJI... 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD