SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Baaq ku wajahan laanta afka Somaaliga ee BBCda!!!

From: somali media watchers(SMW)

Sida aan la socono laanta afka soomaliga ee BBCdu waxey aheyd hayada kaliya ee wararkeeda la tix geliyo himad gaar ahna umada soomaliyeed u heyn jirtey. Hase yeeshe waxaa mudo socotey hadal-hayn iyo tuhumo bulshadu ka qabtey xaalada BBCda taas oo aheyd in ay isu bedashey goob hadba qoladii gacanta ku heysaa amuuraheeda ku fushato ahna makhaayad ninkii markaas qorya heystaa shito! Waxey dad badani carabka ku dhufteen in BBCdu garab dhiibisey shuruucdii iyo qawaaniintii warbaahinta salkeeduna noqdey mid ku shaqeysa  eex, isku dir, dagaalada sokeeyana laga kobciya.

Hadaba waxaa dhowaanahan socdey eedeymo ba’an iyo fadeexado loo tirinayo idaacada BBCDA oo bulshada qaarkood isla dhex mareyso kuna saabsan markii Col. C.lahi Yusuf ku yimi cariga Ingiriiska(London) safar caafimaad isla markaana ah goobta fariisinka u ah Idaacada BBCda waxeyna dadka badankood isweydiinayaan:

I  I  D  H  E  H

1- Sababta BBCdu uga hadli weydey Imaatinka Col. C/lahi oo ah shaqsi aan qarsoomi karin lana ogaa in uu magaalada ku sugan yahey?

2- Sababaha kalifey ee BBCdu uga hadli weydey mudaharaadyada ka dhanka ahaa Korneylka ee ka dhacey meelo kala gedisan sida barlamaanka? Sidoo kale dacwooyin garab socdey oo ay wadeen dadkii sheeganayey in uu dadkoodii xasuuqey hase yeeshe BBCdu ka gaabsatey walowba la sheegay in bbcdu la socotey goob joogna ka ahaayen dhacdooyinkan.

Intaas dabadeed waxaa sii xoogsadey tuhun ku jirey bulshada aan wali jawabta u helin su’aalaha kore ka dib markii idaacada BBCdu wareysi ka soo qaadey saacadihii u dambeyey Col. c/lahi yusuf iyaga oo ugu yeeraya magaca “madax-weyne”.

Sidaas awgeed waxaan anaga (somali media watchers) oo ka turjumeyna shucuurta iyo dareenka Bulshada ugu baaqeynaa idaacada BBCda iyo waliba saxaafadaha madaxa banaan ee wax ka qora/ka hadla amuuraha Soomaliya in ay:

· Ilaaliyaan sharaftooda iyo magacooda kana feejignaadaan laaluushka, qabyaalada, eexda, nin jecleysiga, isku dirka, iyo beenta.

· Ilaahey ka cabsadaan ogaadana in saxaafadu tahey aalad loo adeegsan karo nabada iyo colaada.

· Umada ugu adeegaan si hufan dhex-dhexaadna noqdaan iskuna dhiiri geliyaan in ay ka shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa danta umada, dalka iyo diinta.

Waxa baaqan si wada jira u soo saarey:

23 qof oo isugu jira Profosooro, Dr.ro, Injineero iyo aqoonyahan kale , magacyadooda waxaa lagala xiriirikaraa cinwaanka hoos ku qoran.

Somali Media Watchers waxey xiriir la sameynaysaa idaacada BBCda si ay jawaab uga soo bixiyaan amuurtaan wixii jawaab ahna waan idin la soo socodsiineynaa hadii eeebe idmo. Sidoo kale waxaan xiriir la sameyn doona talona u jeedinaynaa si hagar la’aan ah saxaafadaha xad gudubka sameeya.

Kala xiriir wixii faah-faahinah madaxda Ururka Somali Media Watchers (SMW)

Dr: osman haji or Fartun Ayanle

Mediawatchers1@yahoo.com 

Virginia.

 AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan 

Oct 5, 2002

 KULAABO BOGGA WARARKA OCT 5, 2002

 DADWEYNAHA & BBC-DA LAANTA AFKA SOOMAALIGA AKHRI.HALKAN...  


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:

»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 

OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

 

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8
Wiil Dhallinyaro ah oo Siweyn u Gubtey
wiiloo u Baahan Gargaar Degdega: Wiilkaan oo  magaciisu yahay Saciid A. Maxamed oo 16-jir ah deggana Hargeysa waxa uu qabaa gubasho derejada saddexaad (third degree burns) oo luqunta iyo laabta ah... GUJI..

 



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]