SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Wakiilka  Muuse Suudi Yalaxow ee Waqooyiga Ameerika (USA & Canada) iyo UN-ka oo Shardi Kuxiray Kasoo Qaybgalkooda Shirka Kenya

”Marnaba kama soo qeyb-galeyno shirka haddii kooxda Carte ay ku adkeysato ineey ka soo qeyb-galeyso ayadoo dawladnimo aan jirin sheeganeyso. Carte uma aqoonsanin dawladnimo...." Dr. Cabdi Maxamed Culusow 

WARSAXAFADEED 

Sii deyn deg-deg ah

October 6, 2002

Warsaxafadeed uu soo saaray Wakiilka Gaarka ah ee Mudane Muse Sudi Yalahow, Guddoomiyaha USC/SSA ee Waqooyiga Ameerika (USA & Canada) iyo UN-ka isla makaasna ah Af-hayeenka Ururka ayaa ku caddeey Warsaxafadeed mowqifka Muddullood ee shirka did u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka dici doona dalka Kenya.

I  I  D  H  E  H

”Marnaba kama soo qeyb-galeyno shirka haddii kooxda Carte ay ku adkeysato ineey ka soo qeyb-galeyso ayadoo dawladnimo aan jirin sheeganeyso. Carte uma aqoonsanin dawladnimo oo waa koox shir ku nool ah oo aan cidna matalin; Deggaano ama Gobollo ay ka soo jeedaan aan la garaneyn ee shandadooda dharka ku wata, deggana hoteelo. Kuwa Carte isku biirsaday waa ineey beelahooda iyo deggaanada ay u dhasheen iska soo sharaxaan; laakin ma ahin qolo Xamar u soo shaqa tagtay ineey dhahaan Soomaaliya ayaan matalna”, ayuu yiri Dr. Culusow.

“Shaki kuma jiro in Carte ay dhimatay; laakin ay isticmaali doonaan aqoonsi mala awaal ah si ay u hor-istaagaan xal u raadinta dhibaatada jirta iyo nabad waarta ee ka aslaxda Soommaaliya. Haddaba, UN-ta, OAU, iyo IGAD waa ineey u sheegaan marnaba ineey kooxda Carte isku dayin ineey caqabo ku noqdaan dib u heshiisiinta Soomaaliyeed”, ayuu yiri Dr. Culusow

“Waxaa lama huraan ah shirka ka hor in marka hore ay is arkaan hogaamiyayaasha SRRC si ay aragti mideysan uga qaataan ka qeybgalka shirkaas; waxaana dowladda Itoobiya ka codsaneyna in ay ka shaqeyso sida ugu dhaqsaha badan isu keenista xubnaha golaha SRRC-da inta uusan qabsoomin shirka”, ayuu yiri Dr. Culusow.

”Waxaa nala habboon mar haddii bisha barakeysan ee soonka ay food nagu soo hayso, oo noolaga baahan yahay inaan wada gudano, mar haddii ay tahay waajib diini ah ee Soomaalida saaran in shirka Kenya dib loo dhigo; lana qabto bisha Barakeysan ee Ramadaan marka ay dhammaato”, ayuu yiri Dr. Culusow.

“Waxaa ka mid ah talooyinka leysla dhexmarayo in shirka ay ka soo qeyb-galaan qolooyin lagu magaacay ‘ururada bulshada’ oo ah kuwa qabiil ku saleysan oo saan la socono ah kuwi horay kooxda Carte wax ka soo dhisay. Mar haddii ayna caddeyn kaalintooda waxa ay noqoneyso shirkan, la talin ama wax doorasho (oo aan diidanahay) oo ay dhici karto in misaanka ay dhan u badiyaan, waxaa haboon inaan shirka laga soo qeyb-gelin haddii kale waa in loo oggolaada hoggaamiyaasha ayagana ineey keensadaan ururada bulshada ee beelahooda,”, ayuu yiri Dr. Culusow.

Dr. Cabdi Maxamed Culusow, Af-hayeenka

USC/SSA ee Waqooyiga Ameerika iyo UN-ka

dr.ulusso@attcanada.net 

Wararkii Hore ee Dr. Culusow  

Oct 6, 2002

 KULAABO BOGGA WARARKA OCT 6, 2002


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:

»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 

OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  
 
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]