SomaliTalk DALSAN


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Xasan Cabdulle Qalaad "Shirka Kenya rajadiisu waa fiican tahay"

I  I  D  H  E  H

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Xasan Cabdulle Qalaad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo wada hadallo kala lahaa dowladda Kenya gogol xaarka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Kenya.

Qalaad oo shalay iigu warramayey magaalada Nayroobi ayaa sheegay in weli uu wada hadal la leeyahay dowladda Kenya, natiijada kulankoodana la filayo in maalinta berri ah uu soo baxo.

Isagoo ka hadlayey shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la filayo inuu ka dhaco magaalada Eldoret ee dalka Kenya waxa uu sheegay inuu rajeynatyo in shirkaas uu mira dhalo.

"Mira dhalinta waxaa ka horreeya qabsoomiddiisa" ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo sheegay in isaga iyo wafdigiisa ay ku laaban doonaan Beledweyne, kaddibna ay imaan doonaan marka waqti go'an loo qabto shirka.

Qalaad, waa ka gaabsaday inuu sheego tirada saxda ah ee uu ka helay shirka Kenya, waxaana uu sheegay in weli liiska ergooyinka uusan haynin, "is beddel ayaa mar walba soo baxaya, liisaskuna waa is beddelayaan" ayuu yiri.

Wararka la isla dhex marayo magaalada Nayroobi ayaa sheegaya in Qalaad uu ka helay guddiga qabanqaabada shirka ee qoraya liiska dad ka qayb galaya shirka nabadda tiro gaaraysa 8 illaa 14.


Mohamed Haji (Ingiriis)

 Ingiriis@yahoo.com  

Oct 5, 2002

 KULAABO BOGGA WARARKA OCT 5, 2002

 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
DIGNIIN:

»» Virs cusub... BUGBEAR
»» Virus cusub .... OPASOFT
»» Viruska Halista ah ee Goldfish. 
»» Taxadarka Emailada Nayjeeriya
»» Xusuusin  carruurta iyo Internetka
 Dhammaan ka akhri halkan 

OGEYSIIS - OTTAWA

KALFADHIGA ISLAAMIGA EE 5AAD

QURBAHA IYO SOOMAALIDA 10 SANO KA DIB

Sat October 12, 2002
11:00 AM –8:00 Pm
202 Mont petit
125 University St 
(Ottawa University)

Faahfaahinta - GUJI...  

  Muslimiinta Ethiopia oo Caawimo Geysanaya  
  
EU & Kenya oo Saxiixday Heshiis maalgelinya shirka Soomaalida
  Ogadeenya oo Lagu Xirxiray Shacab

I I D H E H 

Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..  26/8 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD