SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
KORONTADII OO KA DAMTAY MAGAALOOYIN BADAN OO WAQOOYIGA MARAYKANKA KA TIRSAN


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

 

NEWYORK:- Mid ka mid ah koronto damitaankii soo marta waqooyiga america ayaa waxay mugdi ka dhigtay magaalooyinka waaweyn ee dalka Maraykanka iyo Canada, iyadoo malaayiin qof ay dibadda uga soo baxeen dhismayaashii ay ku jireen, kumanaankun oo qofna ay ku xannibmeen wiishashka (elevators or lifters) dhismayaasha dhaadheer, waddooyinka iyo dariiqyada magaalooyinkuna ay buux dhaafmeen dad iskugu soo baxay awgeed.


Mugdiga hadheeyey magaalada newyork badhtamaheeda Manhattan.

Ka dib markii ay korontadu ka bakhtiday ama ka damtay dhammaan magaalooyinka Newyork, Toronto, Ottowa, Denvour iyo magaalooyin waaweyn oo ka tirsan Maraykanka iyo canada ayaa saraakiisha iyo hawladeenada maraykanka iyo canada waxay ku dhawaaqeen masiibo balse la islama waafaqin halka ay cilladu ka timid.

Madaxweyne Bush oo shir jaraa,id ku qabanaayey magaalada Boston ayaa wuxuu yidhi "Waxa keliya ee aan sida cad idiinku sheegi kara waxay tahay in aanu ahayn fal argagixinimo"


Dad badan oo ku soo qulqulaya suuqa hoose ee manhattan bridge ee magaalada Newyork.

Magaalada Newyork malaayiin qof oo ku jiray dhismayaasha dhaadheer dushiisa, xafiisyada gudahooda iyo weliba qaar kale oo ku jiray safar ay ku imanayeen guryahooda ayaa iskugu soo baxay dariiqyada iyo luuqyada kala duwan ee magaalada Newyork waqooyi ilaa koonfur, iyada oo mugdigu qariyey dhamaan magaalada daafaheeda oo dhan, waxa dabka bakhtiyey uu dhaawac weyn oo xagga saamiga suuqa ah u gaystay suuqa weyn ee saamiga ee magaalada Newyork oo ah suuqa ugu balaadhan ee saamiyada adduunka lagu kala iibsado, waxaa kale oo albaabada loo laabay seddexdii madaar ee magaaladu lahayd oo uu ku jiro madaarka weyne ee JFK airport, waxaana jahawareer badan uu ku dhacay dadka reer Newyork oo ay weli maskaxdooda ka sii guuxayso afduubkii loo gaystay seddexdii diyaaradood ee American Airlines iyo qaraxyadii masiibooyinka waaweyn gaystay ee diyaaradahu ku duqeeyen sannadkii 2001 bishii September 11 keedi, xaruntii ganacsiga adduunka iyo weliba xarunta gaashandhiga ee maraykan! ka, taasi oo runtii cabsi farabadan iyo wareer badani ka muuqday malaayin qof oo iskugu soo xoonmay daafaha iyo dariiqyada magaalada Newyork oo ah xarunta ganacsiga ee waddanka maraykanka ahna caasimadda Dunida oo dhan, iyada oo halkaasi ay ku taallo dhismaha Jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa, "Qof weliba wuu argagaxay runtii waxaa markiiba maskaxdaada ku soo dhacaya 9/11" Sidaasi waxaa tidhi gabadh kalaaliye caafimaad ah oo hortaagan saldhiga dhexe ee Grand ee waqooyiga Newyork.


Dad aad u farabadan oo buux dhaafiyey isgoyska Herald ee magaalada newyork.

Magaalada Toronto oo ah magaalada ugu weyn Waddanka Canada ahna magaalada masaafad ahaan ugu dhaw magaalada Newyork ayaa waxaa dariiqyada usoo baxay tuugtii iyo weliba dambiilayaashii magaalada ka caanka ahaa waxaana halkaasi ka socda fadhataysi iyo qalaalase farabadan sidaasi waxaa sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska ee magaalada Toronto.

Weli lama xaqiijin sababta ama cillada ka danbaysay in dabka magaalooyinka waaweyn ee waqooyiga america markeliya wada damo, balse warar ilo xogogaal ah laga helaayo ayaa sheegaya in saldhigyada waaweyn ee xanbaara tabiyayaasha waaweyn ee ku yaalla xuduudka Canada iyo Maraykanku uu qabsaday danab halkaasna uu dab ka kacay, dabadeedna ay cillad weyn oo xagga farsamada ahi ku timid korontadii iskaga gudbaysay wadamada Canada iyo maraykanka, si kastaba ha ahaate waxaa hadda mugdi ku jira magaalooyin waaweyn oo aan looga baran in korontadu ay hal daqiiqo ka maqnaato, waxaa xusuus mudan maalmahii dagaalka ciraaq lagu jiray ka dib markii ciidamadii xulafada ahaa ee uu maraykanku hor kacaayey ay qabsadeen magaalada Baqdad ee xarunta waddanka Ciraaq ayaa waxaa ka damay korontadii taasi oo jahawareer iyo cadho badan ku abuurtay dadweynaha reer ciraaq, balse ma la odhan kara tani waa tusaale ugu filan shucuubta maraykanka xanuunkii bahwadaagta ciraaq taabtay.

EEG WARBIXINTII HORE EE KORONTADA KA GO'DAY W/AMEERIKA
 

Waxaa soo ururiyey oo soo weriyey MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
KARACHI, PAKISTAN.

E-MAIL: diridhaba2001@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan


DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA 

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 15, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD