SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Jawaab ku aadan maqaalkii “ Federaalka iyo walaalaha galgaduud “

Siciid Himilo Shariifka@yahoo.com

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Tan iyo markii shirka kooxaha soomaalida uga socda Mpegathi lagaga dhawaaqay in soomaaliya aay qaadanayso nadaamka federaalka ee dowladnimo ayaa waxaa socday muran iyo doodo ku saabsan nadaamkaas iyadoo dadku labo u kala jabeen qolo aamisan in nadaamkaan la ansixiyay yahay mid aayo iyo agab ugu fadhiya umada soomaaliyeed isla markaasna fure u ah daawada dhibka iyo mashaqada xalkeedu dheeraaday,halka kuwa kalana aay arkaan in nadaamkaan lasoo bandhigay uu hulaaban yahay dhaliilo aay khatartoodu galaafan karto qaranimada iyo midnimada soomaaliya, qolo walbana waxay qalabka warbaahinta ku soo bandhigtay afkaarteeda iyo waxay ku xoojin karto oo cadaymo ah.

Waxaa waqtigu uu saamaxay inaan akhriyo doodahaas qaar ka mid ah oo aay ka mid ahayd midii sida weyn loo shaaciyay ee uu daah rogay qoraaga caanka iyo suugaan yahan soomaaliyeed Axmed Faarax cali(idaajaa), iyo jawaab uu siiyay nin aanan aqoonin oo la yiraahdo Maxamed Cadoow, labada qoraalba waxay u muuqdeen kuwo abaaraya doodaas isla markaana xoojinaya aragtida raga qoray .

Waxaanse dhawaan indhahayga ku dhacay maqaal cinwaankiisu ahaa “Federalka iyo walaalaha Galgaduud “ waxaan is iri doodii baa soo kululaatay oo malaha nin kale ayaa wadaanta u radinayee bal eeg isna waxuu ku daro iyo meesha uu xoojiyo, nasiib darase inkastoo aan qoraalkaas si fiican u dhuuxey waxaa ii soo baxday in qoraagu uu ka weecday dooda ku saabsan federaalka isla markaana maqaalkiisu uusan sinaba u ahayn mid wax nuxur ah kusoo kordhinaya doodaas taagan.

Markaan akhriyay qoraalkaas waxaa ii soo baxday waxyaabo dhinac marsan xaqiiqooyinka cilmiga ah iyo kuwa waaqica ahba oo qorahu isagoo aan u meel dayin uu isku dayay inuu si sahlan ugu raro(load) miskaxda akhristaha, waxyaabahaas oo maqaalku u badnaa waxaan kasoo qaatay qeyb aan is iri waxay bidhaamin kartaa midaas waa kuwaan iyagoo kooban:

Qorahu markuu sifaynay federaalka waxuu ku fashilmay inuu si cilmi ah u qeexo ereygaan , waxaana ka hoos baxday in federalism-ku uusan ahayn wax Mpegathi lagu curiyay ee uu yahay nidaam qadiim ah oo heer sare kaga jira falsafada siyaasadeed iyo dowladnimada ee dunidaan aan ku noolnahay lagama dhaqmo.

Dhamaan qaamuusyada siyaasada iyo Encyclopaedia-duba waxay ku qeexaan federalka macnayaal isku dhoowdhoow tusaale ahaan Encyclopaedia Britannica waxuu ku qeexayaa federalism-ka sidaan “"a system of government that includes a national government and at least one level of subnational governments, and that enables each level to make some significant decisions independent of the others."

“waa nadaam dowladnimo oo kulansanaya dowlad qaran iyo ugu yaraan hal heer too dowlado hooseedyo, kaasoo u suuragaliya labada heer dowladeedba inuu qaadan karo go,aano la taaban karo oo ka madaxbanaan kan kale”

qeexid kale waxay oranaysaa sidaan:“If a political system is established by compact and has at/least two ‘arenas,’ ‘planes,’ ‘spheres,’ ‘tiers’ or ‘levels’ of government, each endowed with independent legitimacy and a constitutionally guaranteed place in the overall system, and possessing its own set of institutions, powers, and responsibilities, it is deemed to be federal”

“ hadii nidaamka siyaasadeed uu ka kooban yahay laba heer oo dowladnimo mid walbana uu haysto madaxbanaani sharci ah iyo manaako qaanuuni ah oo ku leeyahay haykalka guud, iyo isagoo la gaar ah heyadihiisa ,awoodihiisa, iyo masuuliyaadkiisa,nadaamkaasi waxuu u dhigmaa mid federal ah”

Ma ahan macnahaygu inaan ku dheeraado macnaha iyo sharaxida nadaamkan ama inaan xoojiyo dooda labada dhinac ee isku haya in wadanka Soomaaliya lagu soo dabaalo iyo inkale, waxaase aan aad ula yaabay qaabka fudud ee khayaaliga ah ee qoraha maqaalku isku dayay inuu noogu tilmaamo federaalka isagoo qorey “in badanka dadka Somaliyeed markay eraygaan maqlaan aay qiiroodaan sidii iyagoo guugaabo ama gabay wadani ah dhegaysanaya” dadka soomaaliyeed in badan oo ka mid ah eregyga qaabkaas macaan ee qoruhu sawirayo umaba dhuuxsana macnaha ereyga.

Federalka waxaa qaatay wadamo badan dunida ah dowlada Maraykanka ayaa lagu tilmaamaa “ the world's foremost constitutionally based federal republic” dowlada ugu horeysa ee haysata nidaam jamhuuriyadeed federal ah , ayaa waxaa la xusaa inuu soo maray marxalado kala duwan iyo isbedalo waawayn oo lagu qiyaaso ilaa 4 marxaladood mudo boqol sano ka badan, waxaana taariikhda federalka maraykanku aay soo martay doodo dhaadheer iyo xarig-jiid ku saabsanaa qeexiga federalka,qaabka uu noqonayo ,dhaqan galintiisa taasoo aakhrikii kusoo biyo-shubatay qaabka maanta uu u dhisan yahay qaaab-dhismeedka dowlada maraykanku.

Hadaynu usoo noqono qaarada africa ee aan ku naalo qudhigeeda federal-ka waa la inooga horeeyay waxuuna soo maray marxalado taariikhi ah, shaxankaan aan ka eegno bal tijaabooyinkaas federaalka ee Africa xornimadii qaarada ka dib iyo cimriyadii aay Jireen federalkaas la qaatayba.

Federal System Longevity of Federal System
Cameroon 1962-1972
Congo (Zaire) 1960-1965
Ethiopia 1952-1962, since November 1991
Kenya 1963-1965
Nigeria 1960-present
Senegal/Soudan July-August 1960
South Africa 1994-present
Sudan 1972-1983
Tanzania 1964-present
Uganda 1962-1966

Waxaa halkaas ka muuqata in wadamo badan oo african ahi aay ku fashilmeen nadaamkaas sababo kala duwan awgeed.

Waxaan wax lagu qoslo ah sharaxaada “federeeshinka raashinka ee saaxibkeen u isticmaalay bal inuu kaga raarido macnaha federaalka dadka degan “labadii magaalo madax ee hore”!! waa siduu hadalka u dhigaye.

Waxuu qorahu sheegay in cid walba oo kasoo horjeeda federalka ama masabita Itoobiya uu taageersan yahay nimanka uu qorahu maqaalkiisa sida weyn ugu weerarayo,ma garanayo sida uu u gaaray go,aankaan duuduuban, waxaa jira dad badan oo aaminsan in nidaam federaal dalku qaato hadana ka biyo diidsan qaabka loogu qeexay dastuurka cusub iyo mugdi ku dahaaran aayaha federaalkaasi waxa uu noqon doono ma waxuu noqon doonaa sida kuwii wadamo african ah qaateen oo aan waxba laga dhaxlin,cimrigooduna soo degdegay , siina shidey colaadihii isir ee dhulalkaas ka aloosnaa,ma waxuu u gogol xaarayaa kala furfurida jiritaanka midnimada dalka somalia. Mise waxuu noqon doonaa mid lagu baraaro oo hanaqaad noqda.

Mida labaad ee uu yiri “ama masabita dowlada Itoobiya” waxaa jira dad badan oo labadaas nin aan maalin dab siyaasadeed ku qabsan una arka inay labadoda iyo kuwo badan oo la mid ahi aay yihiin kuwa masuulka ka ah hagardaamooyinka loo gaysanayo shacabka soomaaliyeed , hadana qaba in Itoobiya aan marnaba lagu aamini karin aayo-katalin soomaaliyeed waana badida dadka soomaliyeed baan oran karaa marka laga reebo siyaasiyiin gaar ah iyo taageerayaashoda oo isbahaysi siyaasadeed iyo meleteri kula jira maamulka addis-ababa, kuwaasoo iyaga qudhigoodu aaysan ka daahnayn xaqiiqada xiriirka Itobiya iyo somalia balse aay u noqotay irida kaliya ee uga furan dunida iyo awr-kukaci.

Qiirada qorahu u qabo shirka megabati awgiis ayuu waxu isku dayayaa inuu tartan aan xaq ahayn uu la galiyo shirkii Carta dhinacyo dhowr ah isagoo mid walba si xun ugu hoobtay inuu ka fogaado runta iyo xaqiiqada isla markaana muujiyay inuu yahay nin xag-jira oo diyaar u ah inuu sacabka saaro qorax dharaareed, tusaale ahaan waxuu ku doodayaa sidaan “Dadkii ugu badnaa oo shirkaas iska xaadiriyey waxay ahaayeen danyar horay Jibuuti ugu noolaa, oo markii ay ogaadeen in uu furmay shir laga helayo cunto iyo jiif bilaash ahi isku qoray in ay yihiin ergooyin laga soo xulay gobollada Soomaaliya. Runtii waxaa la oran karaa faa’iidada keli ah oo Carta laga helay waxay ahayd in soomaali baahani ay ka heleen cunto ay ku noolaadeen halkii sano oo uu shirkaasi socdey.”!!!.

Waa wax qof kasta oo somali ah aragtiduu doono oo siyaasadeed haka qabo shirkii carta iyo waxtarkiisiiye aan marayn in shirka aay wadeen qaxooti ku sugnaa Djabouti.

Waxuu sii wadayaa isagoo leh “Run ahaantii dadkii isugu tegey shirkaas waa uu ku yaraa qof haysta shahaadada Ph.D (doctor of philosophy), oo wax tacliin heerkaas ah leh waxaa ka joogey qof ama labo uu Maxamed Daahir Afrax ka mid yahay”!!!. waxaay u muuqataa in qorahu aqoonyahankii soomaliyeed ee shirkaas isugu tegay uu ka yaqaanay kaliya Maxed Daahir Afrax-ama qaraabo ha ahaadeen ama degaan ha wadaageene- sidaas darteedna uu ku dhisay fikirikiisa, waxaa la wada ogsoon yahay in shirkii carta ka hor shir talo-bixinta ah oo lagu martiqaaday aqoon-yahano soomaaliyeed oo kor ku dhaafay 70-ruux kuwaasoo isugu jiray dad sita dhamaan shahaadoyinka sarsare ee laamaha cilmiga oo dhan, tusaale cad waxaan usoo qaadan karnaa dadka caanka ee soomaalidu wada taqaano,ee shirkaas sida weyn ugu soo caan baxay, si aan u burino sheekada qaawan ee cid ph.D sidata afrax kaliyaa ka joogay ragaan la wada yaqaano Dr.Cali Khaliif galaydh(Ph.D, Syracuse University, Syracuse, N.Y),Dr. Ismaaciil Buubaa,Dr.Maxed Cabdi Gaandi,Dr.Sakariye Xaaji maxamuud, iyo rag kale oo aan tiro lagu soo koobi karin kuwaanse waxaanse usoo qaadanay waa dadka sida aadka loo yaqaano oo aan laba sagaaro ku murmayn inay haystaan shahaadadaas ph.D-da qaarkoodna aayba mudo ahaayeen professoro wax ka dhiga jaamacado ilaa hadana yihiin macalimiin jaamacado magac leh oo ku yaala dunida horumartay.

Qoruhu waxuu si isdaba-joog ah u liidayaa garaadka dadweynaha soomaaliyeed oo uu ku tilmaamayo marar badan dad aan waxba kala sooci karin isagoo ku celcelinaya “shacabka masaakiinta ah,..shacab aan xog-ogaal ahayn..umada waxaa miskaxda uga buuxa oo laga dhaadhiciyay aragtiyo liita oo been ah…” cuqdadaan khaldan ee qorahu ka qabo dadka soomaaliyeed waxaan u gartay midka ku dheeri-galiyay inuu isaguna waxuu doono oo aan sal-hayn is dhaho ku shubto garaadka dadka soomaaliyeed mar haduu qabo inay yihiin kuwa aan waxba kala sooci karin.

Waxaa la yaab leh in qorahu uu isku haysto nin ka faaloon kara dhamaan qeybaha cilmiyada jira, waayo waxaad arkaysaa laga bilaabo siyaasad,diin ilaa suugaan intaba inuu isku dhabar-jabinayo inuu akhristaha u tuso inuu heer-sare ka gaaray ,isagoo isla markaana aan soo bandhigin wax muujinaya aqoontiisa haday noqoto mid jaamacadeed iyo haday noqon lahayd mid gaar ahaaneed taasoo aan midna ka muuqan qoraalkiisa, waxaase suuragal ah inuu leeyaha aqoon cilmi dhagood ah oo aan ka dhicin mida jaamacadaha!!.

Waxaa iska cad in ujeedada kaliya ee qorahu aay tahay inuu qiimo-dilo dhamaan cidii ka qeyb gashay shirkii carta ha noqdeen aqoon-yahan,culimo,ama suugaan yahan isagoo meeshii uu si cilmiyeysan u burhaamin lahaa dhaliilihii shirkaasu lahaa iyo waxii kasoo baxayba-kuwaasoo farabadan-sida aay yeeleen rag badan oo ka faalooda arimaha siyaasada soomaaliya,ayuu waxuu qaaday wado qarax ah isagoo ku andacooday inaan cid aqoon leh ama culimo ah ama suugaan taqaanaba aysanba joogin shirkaas!!, waxaa ugu daran ee uu ku riiqday waa tan suugaanta,marka la iska daayo arimaha kale,shirkii Carta waxaa marag ma doonto ahayd dhinaca suugaanta inuu aad usoo jiitay dhalinyaro soomaaliyed iyo dadweyne kaleba oo aan iyagu siyaasada danayn laakiin usoo joogsaday suugaantii ka siraadnayd shirkaas. dhinaca kale waxuu sheegayaa in shirkaan Megabati aay joogaan aqoon yahan dhab ah( kuwaasoo uu ku sheegay in tiro badan oo ka mid ah aay haystaan shahaadada ph.D shahaadadaan ayaad moodaa in qoruhu uu ka aaminsan yahay wax mucjiso ah!!),siyaasiin hore oo caan ah iyo hogaamiyayaasha kooxaha waaweyn iyo kuwa yaryarba taasoo aanan inkireyn inay dhab tahay laakiin waxaan qoraha xusuusin lahaa in tiro-badan too kamid ah ka qeyb galayaasha shirka Kenya aay goob-joog ka ahaayeen shirkii Carta laftigiisa.

Waxaan guud ahaan qoraalku ku qoran yahay luqo aad u tayo-xun, haday noqon lahayd dhinaca agaasinka iyo haday noqon lahayd dhinaca axshaxa labadaba, iyadoo uu qoraalka ka buuxaan waxyaalo badan oo tumaati ku ah anshaxa saxaafada wanaagsan islamarkaana xad-gudub ku ah xeerarka dood-wadaaga isagoo tusaale ahaan isticmaalayaa maahmaahyo aan lagu aqoon isticmaalkooda dadka akhyaarta ahi, iska dhaaf nin sheegaya inuu diinta wax ka yaqaane. “ Naagtii wacal rintay …” waa ka xumahay inaanan dhamaystiri karin.!!.

Qoraagu waxuu muujiyay ixtiraam-darada uu u hayo culimo la oran karo waa hormuudka culimada soomaliyeed isagoo u quuri waayay inuu magacooda ka hormariyo “Sheekh”,culimadaasu waa Sh.Nuur Cali caloow-Naxariistii jano Alle hasiiye, iyo Sh.Shariif cabdi Nuur-Cimrigiisa alle ha dheereeyee-,waxuuna taas ka door biday qorahu inuu ugu yeero “Ninka la dhaho shariif cabdi Nuur”,waxaa iyaduna naxdin leh inuu markuu soo hadal qaaday Sh.Nuur Cali Colow uusan u raxmad weydiin Ilaahay sida aay tahay caadada dadka soomaaliyeed ama muslimkaba marka la magac-dhabo uun aakhiraadka.waxaanse meel danbe oo qoraalkiisa ah soo jiidasho leh in markuu soo hadal qaado maxed Ibraahim Cigaal alle ha u naxariistee qorahu uusan hilmaamayn ducada raxmada weydiinta,taasoo uu u quuri waayay Sh.Nuur Cali caloow!! Timir lafbaa ku jirta.

Taasu waxay muujinaysaa in qorahu uu colaad gaar ah u hayo guud ahaan culimadaas kuwooda dhintay iyo kuwooda noolba.

Qoraagu waxuu sidoo kale weerar qaawan ku qaadayaa luqada carabiga oo uu ku tilmaamayo luqo ajnabi, oo aan wax faaiido ah u lahayn umada soomaaliyeed taasoo muujinaysa meesha fog ee uu ka joogo diinta waayo carabigu waa luqada diinta islaamka kusoo degtay taasaana ugu filan sharaf iyo haybad, waana wax walba qof walba oo muslim ah uu jecel yahay inuu barto. waxaa duruufuhu igu khasbeen inaan sanado ku noolaado wadamo islaam ah oo aan carabiga luqadooda ahayn waxaan aad ula yaabay sida aay u jecel yihiin inay bartaan ama luqadooda rasmiga ah aay ka dhigtaan luqada carabiga ah, adigoo arkaya Jaamacadaha maadiga ah ee English-ka lagu dhigto inay luqada labaad (second language) ka dhiganayaan luqada carabiga.

Meel danbe oo ka mid ah qoraalka waxuuba isku rogayaa qabqale dagaal isagoo hanjabaado iyo goodi galaya isla markaana uga digaya kuwa diidan afkaarihiisa in guluf colaadeed cagta lagu marin doono, islamarkaana maxkamad lala tiigsan doono, waxuuna ku faanayaa ciidamo mahiigaan ah iyo saraakiil dhamac ah oo dowlada soo guuxaysaa aay u diyaarsatay inay kula tacaasho kuwa hadalka ka keenay afkaarihisa isla markaana ka shakisan dowlada daacada ah ee Itoobiya!!,waxaasoo dhami waxay muujinayaan caqliyada jabhadnimo ee qoraaga taasoo ka fog dood-wanaaga iyo isqancinta dadka afkaaraha ku kala duwan.

Gebagabadii qofkii doonaa fikrad ama qabqable waa caashiqi karaa laakiin waxaa gef ah inuu qofina gashado shaati uusan lahayn,iska markaana isku qaato inuu dadka oo dhan marin habaabin karo.waxaan kula talin lahaa website-yada somalida gaar ahaan kuwa waxoogaaga kalsoonida ah loo hayo weli inay ka feejignaadaan soo qorida fikradaha aan waxba kordhinayn.

Qoraha waxaan isaga ku oran lahaa weedhii caanka noqotay ee laga soo xigtay madaxweynihii hore ee U.S.A, President Abraham Lincoln, 1865 “ It is true that you may fool all of the people some of the time; you can even fool some of the people all of the time; but you can’t fool all of the people all of the time.”

“waa hubaal inaad siri kartid,khaldi kartid dadka oo dhan xili gaar ah,waxaa kale too dhici karta inaad siri kartid dad gaar ah xili walba laakiin ma siri karta dadkatoo dhan xili walba”

Siciid Himilo Shariifka@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 18, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]