SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Dowlada KMG ah oo jawaab ka bixisay ka qayb galkeeda Shirka, doodii dastuurka oo maanta markale dib loo furay
  • Somaliland oo Kasoo Qaybgalaya Shirka Kenya
  • C/Qaasim oo dalbanaya in la badalo Kiplagat
  • Kiplagat oo shegay in aan Soomaalida sidaas lagu fiirsan karayn
  • Doodii dastuurka oo dib loo bilaabay kaddib markii shirka dib loo furay
  • Banaadiriga oo ka cawday kelmedda 'Others'

I  I  D  H  E  H

KAAH

Shirka Soomaalida ayaa dib u furmay kadib markii la hakiyay muddo todobaad ah.

Beesha caalamka iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta soomaalida ah ayaa horay u dalbaday in loo diro wafdi siyaasiyiinta ka maqan shirka, si loo dhameeyo dhamaan khilaafadka ka jira shirka soomalida ee ku dhaw mudo sanad ah.

Iyadoo qaybahaas jawaab laga sugaya ayaa tii ugu horeysay ay soo gudbisay xukuumada KMG ah, balse aan wali wax jawaab ah laga haynin qaybihii kale.

Madaweynaha DKMG C/qasim oo u bandhigay labadiisa golle dhambaalkii beesha si ay uga doodaan kadibna jawaab looga bixin lahaa arrintan ku saabsan shirka,balse wararka ku dhawdhaw dowlada KMG ah ayaa sheegaya in ay soo jeediyeen gollahaasi in wax laga badalo maamulka shirka, iyadoo badalaad lagu samaynayo gudoomiyaha shirka kiplagad iyo wakiilka dowlada itobiya ee arrimaha soomaaliya C/casiis axmad, in wasiirka 1aad Xasab abshir iyo Gud, barlamanaka deerow la badalo iyo in dastuurka dib u habayn lagu sameeyo.

Lama oga wax ay ka yeeli doonan beesha caalamka iyo urur goboleedka igad arrinya ay soo gudbisay TNGdu, balse kiplgad ayaa ku dhawaaqay in la wadayo dooda dastuurka, ummaddana aan lagu fiirsan karin dhibta ay ku jiraan sida uu sheegayo kiplagad. markii ugu horeysay ayuu maamulka shirku sheegay in jamhuuriyada la magac baxday somaliland ay ka soo qayb gali doonaan shirka nabada soomaalida ee ka socda kenya waa sida ay maanta ka shegeen doodii dastuurka.

Sidoo kale waxaaa markii ugu horeysay illaa bilowgii shirka cabasho ka muujiyay beesha banaadiriga iyagoo ku tilmaamay in ay tahay xaqdaro in loogu yeero (others).5 iyadoo lagu qaybsaday beelaha afarta iyo barka (4.5) sidaas oo laga soo gaaray nidaamkii carta sida uu maanta sheegay cisman maxamd cismaan oo ku hadlayay magaca qowmiyada banaadiriga mar uu ka hadlayay doodii maanta, sidoo kale waxaa arrinta ka hor yimid qabiilo kale oo ka cabanaya magaca dhawan baxay ee (others)dad badan ayaa ku timaamay in ay tahay dhibaato hor leh oo ku soo korortay shirka iyadoo aan la maqlin dooda arrintan tan iyo bilowgii shirka.

Dhinaca kale qaar ka mid ah G8 ayaa maanta ka biyo diidsanaa qaabka ay u socoto qaybinta dooda dastuurka,iyagoo sheegaya in kiplagad uu maamulanayo lana doonayo in lagu shubto.

shirka ayaa socon doona sida ay ku waramaan ergadu iyadoo aan mar kale la baajin doonin balse lama oga beesha caalamku wax ay ka yeeli doonto bilaabashada shirka iyadoo horay u dalbatay in la joojiyo, qaybihii loo joojiyayn aanay wali soo gaarin shirka.

canab mumtaz,
canabmumtaz@hotmail.com

somalitalk/nairobi.

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 19, 2003

Waftigii Loodiray C/Qaasim iyo Barre Hiiraale oo ku Soo Laabtay Kenya
...SRRC oo shir yeeshay iyo Kiplagat oo la shiray beesha... Guji

Kiplagad oo Xaqiijiyay in shirka soomaalida uu Joogsaday
Iyo C/llaahi yuusuf Axmad oo sheegay in shirkan aan loo baajinin dad aan maslaxad rabin iyo Deeow dhaliilay safiirada dalalka.. Guji...


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI..

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD