SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

C/risaaq &Cabdi Samater...Dhaxal-doon miyaa?

Miicaad M. | marasheeg@hotmail.com

Dhowaan waxaa iska soo daba-dhacaya maqaalo, baroor-diiq, iyo qaylo-dhaan ay qoreen C/risaaq X. Xuseen (ahaan jiray Safiirka UN/USA ee taliskii macangaga ahaa M. Siyaad Barre, ka horna mar noqday Wasiirka 1aad ee dawladdii dimoqraadiga ahayd ee Aadan Cadde) iyo Cabdi Ismaaciil Samater oo ah Bare jaamacadeed, ee USA.

Waxaa isweydiin mudan maxay tahay nuxurka qoraaladooda iyo qaylo-dhaankooda aan ka ahayn Ethiopia ayaa qaybsanaysa waddanka...Waxay kaloo kusoo celceliyeen inaan shirka loo dhamayn oo ay ka maqanyihiin Isimada (traditional leaders), 'kuwaas oo ah kuwa matala shacabka soomaaliyeed'...Waxaa la yaab ah maanta in qof waxkala garanaya uu bannaanka lasoo istaago, dad dhalasho u helay jago (dhaxal) baa shacab matala? Taas hadday run tahay soo sidoo kale ma ahan ayaduna run in soomalidu kala mudantahay jagooyinka ileyn magacyadu waa kala mudanyihiin e?

Malaha Safiirkii hore ee Xukuumadii Siyaad Barre iyo macallinka ku raagay qurbaha waxaa isaga khaldan maamulka casriga ah iyo midka ay aflaanta ka daawadeen ee Shaka Zulu, wakhtigay garaadsadeena malaha dhulkooda sidaas ayaa looga talin jiray!...

Ka sokow labada qore ciilka ay u qabaan inay mar uun wax noqdaan, waxaad moodaa inay la jecelyihiin waddanka burbur, iyo soo kabasho la'aan, sababtoo ah qoraaladooda waxaad ka dhadhansanaysaa nacayb fog, iyo colaad joogta ah....

Cabdi Ismaciil xitaa wuxuu quuri waayey inuu yiraahdo xoogaa iftiin ah ayaa ka jira W/Galbeed, asagoo caddaynaya inuu kasoo horjeedo gooni-goosiga 'Somaliland'...

Waxaa aad u soo baxay labadan nin waxa ay yihiin iyo jabka ay la maaganaan lahaayeen soomaaliya, horey waan u aragnay midwalba nacaybkiisa, xumayntiisa, iyo xad-gudubka ay u geysteen ummadda soomaaliyeed.

Cabdi Ismaaciil Samater wuxuu ahaa kii ku cambaareeyey soomaalida inay Al-Itaxaad u diraan lacag USA oo aan aqoon waxa ay yihiin Al-Itaxaad, wuxuu kaloo ahaa shaqsiga sida tooska u weeraray Xawilaada lacagaha dadka dhibaataysan loo diro, qoraaladiisa oo dhan wuxuu kusoo daabacay Star-tribune ka Minneapolis...

C/Risaaq Xaaji Xuseen oo Soosaaray Dhambaal
u socda Madax-dhaqameedyada Soomaaliyeed ee jooga Shirka Nabadaynta iyo Dib-U-Heshiisiinta Somaaliyeed, Nairobi Guji...

LABA WAJIILAYNTA CABDI I. SAMATAR IYO INA GEELE [M.Samatar]
 

Ma is-oran kartaa shaqsigaas baa jecel soomaali, jecel nabadeeda, jecel horumarkeeda?

C/risaaq X. Xuseen asaga waan ognahay xumaatadiisa heerka ay gaarsiisantahay, laga soo bilaabo dadka ku dhashay deegaanka Ethiopia haysato oo u diido dhalashada, Qaraxii Captain Saadiq, dilkii Cabdirashiid, bixintii dhulka Kenya haysato, iyo burburintii xukunkii dimoqraadiga, asagoo Taliskii macangaga ahaa u noqday Safiirka u qabta howlaha ugu muhiimsan...

Labadan nin waxa kaliya ee ay ka simanyihiin waa xaasidnimo fog, ma garankarno waxa gaarsiiyey heerkaas, waan la soconaa dhibaatooyinka shaqsiyan usoo gaaray laakiinse qofwalba oo soomaali ah dhibaato waa gaartay...

Odey dhaxal jago ku helay, inuusan cid matalin waan wada ognahay ee uu yaqaan kaliya cidda jeebkiisa buuxisa, mise waxaa istiraahdeen soomaalida Gaalo ayaa go'aan u gaaraysee ka dhaadhiciya arimahaas?

Soomaaliya jago lagu helo dhaxal way ka dhamaatay, horumarka ummadduna wuxuu ku dhisanyahay inay qadariyaan kartida shaqsiga iyo awooda, koley waxaan isleeyahay qabriyadiina waxaad ka gadateen MN ee fadlan ummadda ha wareerinina!

Miicaad M. | marasheeg@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE MEECAAD M.

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 30, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]