SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

بسم ألله ألرٌ حمن ألرٌ حيم

Xarunta Al-Imaam Al-bukhaari ee wacyi galinta iyo horumarinta bulshada

Siminaarka Wacyigalinta gabdhaha aradayda ah ee Jaamacadaha & Dugsiyada sare

Sannadka 1424H/ 2003

Bayaankii gabagabada seminaarka

Sidee Looga Baxaa Fidnada
Kulan Diineedkii Labaad ee Soomaalida Waqooyiga Ameerik oo ka dhacaya Ohio.... GUJI

Waxaa maanta oo Sabti ah 23/08/2003 lagu soo gabagabeeyay Xarunta Al- Imaam Al-Bukhaari seminaar aqoon kororsi iyo wacyigalineed oo socday hal todobaad 16-21/08/2003 ayna ka soo qayb galeen 180 ka mid ah gabdhaha ardayda ka ah jaamacadaha iyo dugsiyada sare ee magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Seminaarkaan oo ay ujeeddadiisu ahayd :

1- Sare u qaadidda aqoonta & wacyiga ardayda, iyo in la dareensiiyo doorka ay ku leeyihiin badbaadinta iyo horumarinta bulshada.

2- In lagu baraarujiyo ardayda qadiyadaha ummaddooda, loogana digo hagardaamooyinka cadawga ummadda.

3- Inay ardaydu fasaxooda uga faa’iidaystaan wixii anfacaya naftooda, ayna ka badbaadaan dhibaatooyinka firaaqadu u geysan karto.

4- Inay ardaydu is bartaan isuna kaashadaan kheyrka iyo ka hortagga xumaanta.

Waxay ardaydu ku qaateen duruus kala duwan oo ay ka mid tahay: aayaha insaanka iyo masiirkiisa aakhiro, kaalinta gabadha muslimadda ah ee ku aadan arimaha umadda, aasaasiyaadka islaamka, Xijaabka, guurka, akhlaaqda iyo dhaqannada wanaagsan, iyo kuwo kale

Siminaarkan waxaa casharo ka bixiyay 9 macalin oo isugu jira macalimiinta jaamacadaha, macaahidda iyo kuwa kale oo aqoon dheeraad ah u leh maadooyinkii ay soo jeediyeen, Intii uu seminaarku socday waxay ardaydu soo gudbiyeen cilmi baarisyo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Mashaakilaadka suuqyada, Ururrada haweenka, Waajibaadka gabadha muslimadda ah, Xaqa dariska, Iskuuladda gaarka ah ama berefetyada, Xaaladda caafimaad ee magaalada Muqdisho iyo warbixinno kale.

Waxaa intaa dheeraa tartanno aqooneed oo dhexmarayay ardayda maalin kasta intii seminarku socday.

Xafladdii xiritaanka oo ay kasoo qayb galeen marti sharaf kala ah: Culimada Soomaaliyeed, Waalidiinta ardayda, iyo Warbaahinta magaalada Muqdisho ayay Xaruntu gudoonsiisay aradaydii ku guuleysatay imtixaankii iyo tartannadii kala duwanaa abaal marinno dhiirrigalin ah iyo shahaadooyin.

Seminaarkaan oo ah midkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee sannadahaan lagu qabto Soomaaliya oo loo qabtay gabdhaha, waxay ardaydu uga faa’iidaysteen sidii loogu talagalay gaar ahaan dhinacyada: Aqoonta, Isbarashada, Isku kalsoonaanta iyo dareenka masuuliyadeed ee kaga aadan ummaddooda .

Waxaan u mahad celinaynaa dhammaan dadkii ka qayb qaatay qabashada seminaarka gaar ahaan macalimiintii sida hagar la’aanta ah u bixiyay duruusta iyo casharada.

Gabagabadii Xarunta Al-Imaam Al-Bukhaari waxay ugu baaqaysaa dhammaan dadka jecel wanaaga ummadda ee ay ka mid yihiin: Ururrada Islaamiga ah, Ururrada samafalka, Jaamacadaha iyo Dalladaha waxbarashada inay u qabtaan ardayda iyo dhalinyarada kaleba seminaaro aqoon korodhsi & wacyigalin ah gaar ahaan xilliyada fasaxa iyagoo la kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada. Xaruntanina waxay diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato barnaamijkaas.

Maamulka Xarunta Al-Imaam Al-Bukhaari

Muqdisho- Soomaaliya

Waxaa isku soo dubaridey: Abuukar Yaasiin abuukarsom@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 23, 2003 

WARARKA KALE EE WAXBARSHADA MUQDISHO

Hormuudka MacHadka SIDAM ee Booqday Pakistan
waxana uu Karachi kula kulmay ardeyda Soomaaliyeed  ee halkaas ku dhaqan... Guji... Aug 6

Siminaar Lagu soo Gabagabeeyey Xarunta Ibnu Baaz
Muqdisho: Siminaarka oo ahaa aqoon korosi iyo Wacyigalinta aradayda Jaamacadaha & Dugsiyada sare ayaa.... Guji... Aug 2


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]