SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
Baaq – Digniin Ku Socota Maamulka Col. Riyaale

Puntland Patriotic Party
PPP/0731803/CHGPL1209

Annaga oo ah xubnaha Xisbiga Wadaniga ah ee kor ku xusan kuna halwan dhowridda xuquuqda wadaniga ah ee Dawlad Goboleedka Puntland,

Kadib markii aan:

Aragnay qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Hargeysa ee Gobollada Woqooyi Galbeed ee Somaliya (Somaliland),

Garawsan ujeedada ka dambaysa iyo nuxurka uu xambaarsan yahay qoraalkan baal-xooftada iyo caga-juglaynta ah ee Col. Riyaale la wadaagay saxaafadda ku hadasha afka Maamulkiisa,

Xog ogaal u ah dhacdooyinkii bilihii la soo dhaafay ee xasuuqa dadka mutadawiciinta ah ee naftooda u soo huray gargaarka ummadda Somaliyeed ee ku nool gobollada Woqooyi Galbeed,

Ka tiiraanyaysan raafka, xarigga iyo tarxiilka lala beegsaday rayadka Somaliyeed ee dumarka iyo carruurta u badan ee qaarna gacanta loo geliyey wadame shisheeye, qaarna ku le'edeen shilal,

Xusuusan dhacdadii 7dii December ee sannadkii 2002 ee weerarkii hubaysnaa ee sida gaadmada ah Col. Riyaale iyo dablaydiisu ay la beegsadeen magaaladda Las Caanood ee gobolka Sool,

Aragnay warbixinno madax bannaan oo tibaaxaya hub urursi iyo xaalufaysi dagaal oo uu bilaabay Col. Riyaale isaga oo adeegsanaya Gheellaha Jibouti iyo Aw Qassimka Muqdisho,

Garowsan daandaansiga aan geedna loogu soo gaban ee Maamulka Hargeysa ku sheeganayo gobollo ka mid ah degaanadda hoos yimaada DG Puntland sida ku cad dastuurka iyo mabaa’diida assaaska u ah dhismaha iyo jiritaanka DG Puntland,

Ka dhiidhinay af-lagaadada, damiir xumada iyo taya xumida qoraalka Maamulka Col Riyaale uu la beegsaday Madaxda Sare ee DG Puntland,

Waxaan uga digaynaa Maamulka Gobollada Woqooyi Galbeed ee Somaliya (Somaliland) in:

  • Uu ka waantoobo falalka daandaansiga ah ee uu ka wada gobollada Sool, Cayn & Haylaan oo ka mid ah DG Puntland,
  • In uu ogaado in Puntland ay difaaci doonto baac kasta oo ka mid ah dhulka iyo deegaanadda hoos yimaada DG Puntland,
  • In aanay shacab weynaha Puntland u dulqaadan doonin gardarada aan geed loogu soo gaban ee Col. Riyaale wado, iyo
  • In uu ogaado in cawaaqib xumada ka dhalata dagaal uu huriyo Dambiile Dagaal Col. Daahir Riyaale Kaahin ay ku halligmi doonaan oo keliya ummadda Somaliyeed oo aan waxba galabsan.
  • Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa shacabweynaha Somaliyeed ee Gobollada Woqooyi Gableed (Somaliland) in:

  • Ay ka digtoonaadaan gulufka colaadeed ee uu hurinaayo Dambiile Dagaal Col Dahir Riyaale Kahin,
  • Aanay ogolaan godob colaadeed oo laga dhex huriyo shacabka walaalaha ee Woqooyi Galbeed iyo Woqooyi Bari Somaliya,
  • Aanay raali ka noqon daadin dhibic dhiig ah oo qof ama ummad Somaliyeed,
  • Aanay hilmaamin dhiigga iyo dadka uu Col Riyaale ku xasuuqay Berbera xilligii Maamulkii keligi taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, iyo doorkii uu ka qaatay Riyaale caburinta iyo curyaaminta dhaqdhaqaaqyadii ardayda iyo shacabka Gobollada Woqooyi Galbeed,
  • Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Mutacalimiinta, Cuqaasha, Wax Garadka, Culumaa Al Diinta iyo inta jecel samaha iyo wanaaga ummadda Somaliyeed ee ku nool Gobollada Woqooyi Galbeed in ay ka fejignaadaan falalka xabaala qufnimada ah ee uu Col Riyaale dabada ka wado.

    Waxaan kaloo oo aan la socodsiinaynaa bulshada caalamku in ay xog ogaal u ahaato daandaansiga, hub urursiga iyo hurinta guluf colaadeed ee Col Dahir RIyaale Kahin ka wado Gobollada Woqooyiga Somaliya.

    Puntland Patriotic Party
    Email: puntlandpp@yahoo.com
    Growe, Puntland State, Somalia.

    Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2003
    Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


    TIXRAAC: 30kii December 2002

    BAAQ XABAD JOOJIN - Puntland Patriotic Party (PPP)

    PPP/301202/CHGPL0109

    • Ku: Madaxda Maamul Gobaleedka Puntland
    • Madaxda Mucaaradka Maamul Gobaleedka Puntland
    • Isimada, Cuqaasha iyo Waxgaradka Maamul Gobaleedka Puntland
    • Bulshada Rayadka ah ee Maamul Gobaleedka Puntland

    Anaga oo ah xubnaha Xisbiga Wadhaniga ah ee kor ku xusan, saldhigiisuna yahay Magaala Madaxda Maamul Goboleedka Puntland ee Garowe isla markaasna:

    Ka tiiraanyaysan aafada iyo masiibada dagaal ee mood iyo noolba leh ee 30kii December 2002 ka soo cusboonaaday deegaanka Maamul Goboleedka Puntland;

    Tixraacayna khasaaraha dad, adduun iyo deegaan ee sida macna darada ah loogu xasuuqayo qaybo ka mid deegaanka Maamul Goboleedka Puntland;

    Qirsan jiritaanka khilaaf siyaasadeed, aa’raa iyo afkaar ee u dhexeeya maamulka uu madaxda ka yahay Mudane Abdullahi Yusuf Ahmed ee hadda gacanta ku haya masiirka iyo hannaan socodka maamul ee Maamul Goboleedka Puntland iyo mucaaradka uu madaxa ka yahay Mudane Jama Ali Jama;

    Ka dharagsan natiijada iyo aayaha dagaal sokeeye oo mar kale ka qarxa deegaanka Maamul Goboleedka Puntland, una dhuundaloolna aayatiin xumada dagaal sokeeye uu dhaxalsiin karo ammaanka, xasiloonida, dhaqaalaha, dhaqanka, dawrka iyo miisaanka siyaasadeed ee arimaha Somaliya, wadciga iyo jiritaanka mustaqbal iyo mujtamac ee bulshooyinka ku bahowday deegaanka Puntland ee Shanta Gobol iyo Degmada Buuhoodle;

    Ka dharagsan mabaa’diida guracan, siyaasadaha qalafsan iyo hurinta colaad dabadheeraata ee cadowga saddex geesoodka ahi (Kooxda Arta, Al-Itihad iyo Maamulka Waqooyi Galbeed) uu la damacsan yahay shucuubta ku bahowday Maamul Goboleedka Puntland;

    Waxaanu ugu baaqaynaa labada dhinac ee isku haya siyaasadda ee deegaanka Maamul Gobaleedka Puntland in ay si dhakhso ah u joojiyaan dagaalka, ayna ku dhameeyaan wixii khilaaf ah ee jira wadahadal, wadatashi iyo dulqaad walaaltinimo iyo is qadarin aasaas u tahay;

    Waxaanu ugu baaqaynaa labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo in ay wax walba ka hormariyaan maslaxadda ummadda, mustaqbalka bulsho, iyo kan jiritaan ee Maamul Gobaleedka Puntland;

    Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan Isimada, cuqaasha, waxgaradka iyo qaybaha bulshada rayadka ahi in ay kaalin firfircoon ka qaataan dhexdhexaadinta iyo soo afjarka khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac;

    Waxaanu ugu baaqaynaa qaybaha aanu khusayn khilaafkani in ay ka feejignaadaan faragelin khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Maamulka iyo Mucaaradka Dawlad Goboleedka Puntland, iyo xad gudub ay ku sameeyaan deegaanka Maamul Goboleedka Puntland ee Shanta Gobol iyo Degmada Buuhoodle;

    Anaga oo ka tiiraanyaysan aafada ku habsatay qayba ka mid ah deegaanka Maamul Goboleedka Puntland, waxaanu tacsi u duraynaa dhammaan shacabka reer Puntland, eheladda iyo qaraabadda dadkii dhibaatadu ku soo gaadhay dagaaladii 30/December/2002 ka qarxay meela ka mid ah deegaanka Maamul Goboleedka Puntland.

    Tii Waarta Oo Waaya Jirta – Puntland State of Somalia!

    Chairman -

    Puntland Patriotic Party (PPP)

    Garowe, Puntland State of Somalia

    Email: puntlandpp@yahoo.com

    30kii December 2002

    Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

    .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
     kaah

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri


    Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


    Singapore:
    500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
    Guji


    USA: Dacwadii Aba Sheikh
    Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


    London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD