SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dec 13, 2003

Han weyn iyo hibo yar!

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Didniin: Wuxuu maqaalkaani ka bilowdaa “Male” iyo “dhab”, wuxuuna ku dhammaadaa “Qardajeexu niman buu ka ridey qar iyo haadaane”. Waxa aan qoray lama kordhin karo, lamana dhimi karo! Shaafici

”Male” iyo ”dhab” waa labo erey oo afkeenna duugga ah ka mid ah, lagana yaabo in macnnehoodu uu luqad kasta ku jiro, laakiin labadaas kalmadood midkee buu macnihiisu horumarka nolosha u fiican yahay?

Waxaa su’aashaas ka horraysa ”Horta ma ay fiican tahay in la horumaro mase waa ay xun tahay?”. Sida ay dadkeennu u dhaqmaan oo ka muuqata haddii la daliishado waxaa caddaanaysa in uu horumarku xun yahay, isla markaas uu qofkii wax lagu horumarayo la yimaadaa ummadda cadowgooda yahay, maxaa yeelay horumarku sida badan waa in sidii la ahaa laga doorsoomo oo si kale looga gudbo, taasina waxay dagaal ku tahay waxyaalihii la haystey iyo sidii loo noolaa, laakiin haddii ereyga ”horumar” la maqlo dadkeennu ma ay dhibsadaan, machihiisa ayey gensadaan!

Haddaba erey maqalkiisa la jecel yahay in macnehiisa runta ah la neceb yahay waxaa keenay in aynu nahay ummad aan fakarin, ee iska nool oo iska hadla. In uusan hadalkaasi gaf ahayn waxaa soo dhawaynaysa in afka soomaaliga duugga ah uu ka maqan yahay ereyga ”fakar”.

Ereygaasi afkeenna wuxuu ka soo galay xagga carabiga oo malaha ah afkii ugu horreeyey ee qalaad oo soomaaliga saameeyey. Xagga dhismaha kama uu saamayn ee xagga ereyada ayuu ka saameeyey.

Ereyada afkaas qalaad ka soo jeedaa labo nooc bay kala yihiin, waana ereyo aynu machohooda horay u hayney iyo kuwo aynaan aqoon ee sidoodaba afkaas qalaad naga soo gaarey.

”Arlo”, ”samo”, ”sino”, ”xaqiiq” iyo ”danni” horay baynu u lahayn ereyo la mecne ah oo waxaa laga yaabaa in ay ahaayeen ”dhul”, ”cir”, ”dhillaysi”, ”dhab” iyo ”male”, hase ahaato ee ”kitaab”, ”kursi”, ”qalin”, ”fakar” iyo ”jihaad” waxaannu u malaynay in aynaan horay u aqoon, oo uu macnohoodu inaga maqnaa.

Labadaas nooc oo ah ereyada aynu lahayn haddana aynu ku darsannay kuwiin la macnaha ahaa ee carabiga ahaa iyo kuwa magacyada alaabada u badan oo aynaan horay u aqoon waxaa weheliya ereyo aynu iska xoornay markii ay inagala qurxoonaadeen kuwa carabi ahi.

Ereyada lumay waxaa malaha ka mid ah kuwii u dhigmey ”shahwad” ama ”mino”, waxaana fiican in wadaaddada naga waaweyn la weydiiyo waxa ay ahaayeen ereyadaas lumay. Waxaa laga yaabaa in ay ku jawaabaan in ay ahaayeen ”biyo” iyo ”xawo”, laakiinse ereyga ”xawo” waxaannu u malaynay in uu laboodka u gaar yahay oo sidaas darteed wadaaddada waaweyni waa in ay keenaan ereygii minada dumarka loo yaqiin oo lumay, haddii kale waxaa la noqonayaa dad aan fakarayn.

In uu afkeenna ku jiro ereyga ”xasuus” oo uusan ku jirin ereyga ”fakar” waxaa laga yaabaa in ay keentay in uusan fakarba dhulkeenna ka jirin ee ay xusuus keli ahi ka jirtey. Ummad kasta waxyaalaha dhulkooda ka jira ayaa afkooda laga helaa, ee wax aysan aqooni luqaddooda kuma ay jiraan, oo tusaale ahaan ereyga ”bah” macnehiisa waxaa laga yaabaa in aan luqadaha ummadaha kuwa ugu hodansan laga helin, waayo in baho badan la yeeshaa waa arrin ay dadyow gaar ahi sameeyaan.

Qofka soomaaliga ahi sida uu ereyada ”suusuc” iyo ”oodkac” u fahmayo waxaa dhici karta in aan dad badani ula aqoon, waxaana laga yaabaa in aynu nahay dadka adduunka ugu oodkac jecel, laakiin haddii dukaannada USA ee cuntada la galo alaabta taal badankeeda wuxuu mala qofka soomaaliga ahi magacyadooda ka garanayaa hilib iyo caano. Laga yaabee in ay jiraan qaar moos ama mafafay garanayaa, laakiin waa dad laga badan yahay.

Waxaa isweydiin leh markii uu ereyga ”fakar” afka carabiga inaga soo galay wax ma uu inagu soo biiriyey? Waxaa la hubaa in uusan ereygaasi soomaalida ula falgelin sida ay ula falgaleen ereyo kale oo carabi ah. Waxaa kalmadaha carabiga ah ee aynu sida tooska ah u qaadannay una fahamney ka mid ah ereyga ”istinja”, laakiin ”fakar” dhegta ayeynu ka maqalnay ee tan iyo haddeer ma aynu naqaan macaha uu ku fadhiyo.

Labo oraahood oo ummadaha badankooda siiba reer galbeedka macneyaal waaweyn la leh midna dhanka soomaalida kama uu jiro, waana ”Waxay ila tahay” iyo ”Waa aan fakarayaa”. Waxaa laga yaabaa in ay inagala weyn yihiin ”Annaga reer hebel ah waxay nala tahay” iyo ”cajalad uu shiikh hebel laga duubay waxaan ka dhegaystey”, oo uusan qof naftiisa xurmayn ee uu dad kale iska dabajoogo.

Qofkii sidaas u hadlaa ma uu fakarayo ee wax buu xasuustaa, malaha mana uu oggolaan karo horumar, waxaase in xoogaa laga doodo ku habboon labo erey oo aynu horay ku soo aragnay, oo kala ahaa ”dhab” iyo ”male”.

Qofba qofka uu ka doqonsan yahay ama uu ka aqoon hooseeyo waa uu uga dhow yahay dadka in uu wax dhab ama hubaal u qaato, oo dadka ay garaadkooda iyo aqoontoodu liitaan waxba ma ay maleeyaan ee wax ay rumaystaan ama dhabaystaan bay naftooda daciifadda ku hanuuniyaan.

Dadka maangaabyada ahi wax kasta oo la soo gudboonaada waxay ka qaataan aragti ay hubaal ugu qancaan ama ay diiddo ku nacaladaan, isla markaas wax loo sheego ayey iska sugaan, oo waxay ku kooban yihiin wax ay beensadaan iyo wax ay rumaystaan ee waxba ma ay maleeyaan.

Malaha iyo shakiga waxaa laga yaabaa in aysan nooleyaasha aan dadka ahayni lahayn, ee ay wax kasta oo ay la kulmaan aragti ay ku qancaan ka qaataan, oo aysan tuhum badnayn. Sidaas darteed ayey dadnimadu ku jirtaa in wax kasta loo maleeyo siyaalo kala duwan, oo la fisho in ay dhici karaan malaayiin siyaalood oo suurtagal ahi, ee aan ”Waa xaqiiq lala soo boodin!” lala soo boodin.

Haddii tulud iyo orgi qabaal ama dar ay biyo ka buuxaan lagu sii daayo waxay hubaan in ay cabbi doonaan, hase yeesho ee dadku haan biyood waxay u malaynayaan in ay ka cabbi doonaan, oo ma ay hubaan, waayo waxaa laga yaabaa in loo diido oo uu dagaal dhaco inta uusan waxba cabbin. Waxaa kale oo suurtagal ah in uu haanta gadaankeeda mas galaalani saaran yahay oo uu qofka harraadadi inta la qaniino ay naftu dhaqso uga haawato, markaasna uusan biyahaas calfan.

Maqaalkaani wuxuu inaga horumarinayaa liidnimo ka muuqatay xagga qoraallada lagu abuuro afka soomaalida, waayo waxaa muuqata in ay soomaali badani markii ay ogaadeen in wax la qoro ay hubaan in ay ayaguna qoraallo abuuri karaan, oo aysan malaynayn in aysan hibo iyo harti u lahayn in hadalka diyaarintiisu ay tahay wax ay dad dhifdhif ahi awoodaan, halka ay dad aad u badani awoodaan in ay har iyo habeen raashin cunaan iyo in ay kacsadaan!

Qofkii xishoonaya oo bogagga soomaalida ee internetka akhriyaa wuxuu dareemayaa in aynu nahay ummad aan maskaxda ka irmaanayn. ”Dameeraha midda ugu foolxun baa ugu haraati badan” ayey soomaalidu ku maahmaahaan, waxaana la mooda in ay dadka kuwa ugu qaabin iyo doojin liitaa ugu qoraallo badan yihiin bogagga internetka.

Dadweyne badan baa kartidoodii qoraalka soo gudbiyey, waxaana ka muuqday in aynu qaabka hadalka loo abuuro curyaamiin ka nahay, oo ayno qaynada suuqa lala taagan yahay ku murti badannahay.

Ereyga ”dadweyne” waa kalmad loola jeedo dadka ay shaqadooda adduunku tahay in ay subaxii shaqo ama baryo u kallahaan, isla markaas ay isguurguursadaan si ay dadweyne kale u dhashaan. Dadweynahaasi sida badan wax aan dad ay dhaleen iyo hanti dhaqaale ahayn kama ay tagaan markii ay geeriyoodaan. Gobollada soomaalida qaarkood markii qof maangaabnimo lagu xamanayo waxaa la dhahaa ”Boowe kaasi aa dadweyne”, oo uu macneheedu yahay in uu reerkiisa dhaqan karo, laakiin aan aragti dheeraad ah laga dhaxli karin.

Xillligii kacaanka ayaa waxaa cilic loo dilay Muuse Bootaan Cilmi-Gurey. Markii soomaalida loo soo sheegay in Muuse sidii loo jirdilayey ay naftii ka baxday ayaa waxaa gabayo ciilqab, tiiraayo iyo murugo xanbaarsan tiriyey rag meelo kala duwan joogeyn oo u qaadan waayey in ummadda laga diley Muuse iyo dad la mid ahaa, waxaana raggii qarracankaas ka maansooday ka mid ahaa Khaliif shiikh Maxamuud oo yiri:

  • ”Caqli suubbanow Muuse wow camal guhaadoone”

Waxaaa raggaas silicii uu Muuse Bootaan ku nafbeelay ka xanuunsaday, kana gabyey ka mid ahaa nin la yiraahdo Caweer Xirsi Maxamed, oo mar uu gabay badan oo guubaabo ah tiriyey ku daray:

  • “Golxo dheere Muusay harkii god u walwaaleene”

Kalmadihii uu Caweer subaxii geerida Muuse la soo sheegay hayn waayey oo uu ku baroortay waxaa ka mid ahaa:

  • ”Wedka Muuse diley waa mid aan, cid u miciinayne
  • Raggu muugga waysaga eg yahay, muuqashada guude
  • Magacuu wadaagaa hadduu, tuuran yahay meele
  • Madasha iyo wuxuu kala haraa, maanta baahida”.

Waa run oo maalinta baahida waxaa waxtar leh qofkii waxtar ah. Baahida akhriska qofkii dareemaya oo bogagga internetka iyo maktabadaha ka doondoona qoraal soomaali ah oo u dhigma qoraallada wargeysyada iyo buugta ummadaha kale wax u dhigma ama u dhow wuxuu dareemaya in ay ummaduhu kala hareen ”maalinta baahida”.

Si ceebtaas weyn wax looga qabto ayeynu halkaan ku sheegaynaa dabeecadaha ay qoraallada la abuuraa leeyihiin qaar ka mid ah, waxaana naga cudurdaar ah in ay dhici karto in aan la fahmin arrimaha kooban oo aannu ka sheegi doonno sida ay kala yihiin qoraallada la kartiyaha kala duwan lagu sameeyaa. Walaacaas waxaa keenay in aysan soomaalidu aqoon fiican u lahayn hal-abuur qoraal ah, isla markaas aysan ka sii fakarin noocyada waxyaalaha la abuuraa ay kala yihiin.

Saddex dabeecadood ee qoraal oo muhiim ah baannu sheegi doonnaa, waxaynuna ka abbaaraynaa danta loogu talogalo iyo sida dadka loogu saameeyo, waxayna kala yihiin sidaan.

Dabeecadda kowaad waa qoraal boorrin ama tortorsiin ama faritaan ah, oo akhrisaha loo sheegayo arrin cad oo uu samayn karo ama uu ka digtoonaan karo. Waxaa qoraallada dabeecaddaas leh ka mid ah xayeesiisyada iyo qaynuunnada. Laga yaabee in ay qoraallada diimaha ku saabsani dabeecaddaan leeyihiin. Qoraallada noocaan ah waxaa akhristaha loo saameeyaa si toos ah oo waxaa tusaale u ah in meel lagu qoro sidaan hoos ku qoran:

”Dumarka badankoodu markii ay marqaamaan sirohooda oo dhan bay bannaanka keenaan oo xataa cawradooda dadka ay la qayilayaan kama ay asturtaan. Sidaas darteed waa in ay haweenku qaadka iska daayaan ama ay qol cidlo ah keligood ku qayilaan”.

Tusaale kale oo qoraalka boorrinta ama doodda ahi wuxuu noqon karaa sidatan:

”Qabrigii Alle ha u naxariisto ee Maxamed Ibraahim Cigaal waa in sanad walba kun sabeenood lagu dulqalaa, maxaa yeelay wuxuu ahaa hoggaamye ka fiican Daahir Riyaale Kaahin iyo Ismaaciil Cumar Geelle, oo labaduba lacagta ay helaan naftooda ugu raaxaysta, soomaalidana qaar qabyaalad u eega. Sabeenaha siyaarada ah waa in laga soo uruuriyaa dadka reermiyiga ah ee ay marxuumka isku beesha yihiin”.

Tusaleyaashaas iyo malaayiin la mid ah markii ay dadweynuhu akhristaan waxay qaadanayaan aragti, waxayna ka digtoonaayaan arrimo gaar ah oo la qeexay.

Qoraalka noocaan ahi waa midka ugu xiiso liita qoraallada, laakiin waxaa laga yaabaa in uu faa’iidooyin waaweyn bulshada taro. Dadwenaha itooda badani waxay wax ku fahmaan qoraalka dabeecaddaas leh, waayo aadamiga badankoodu waxay ku nool yihiin in wax kasta farta loogu fiiqo, oo sida xoolihii loo dhaqdo.

Nooca labaad ee dabeecadaha qoraalku waa qoraal tilmaan ah oo sharraxaad bixinaya. Qoraalka sidaan ahi wuxuu maskaxda akhristihiisa geliyaa sawirro, astaamo iyo dareen, wuxuuna tusaale ahaan noqon karaa sidaan:

”Cali-Dhuux wuxuu lahaa sanqaroor dheerdheer oo aan kamas lahayn iyo timo sida yixda u jilicsanaa oo foodda hore ay bidaar yari waayadii danbe ka taabatay. Harreedadiisa madowgooda iyo wajigiisa casaankiisu sida habeenka iyo maalinta ayey u kala soocnaayeen, wuxuuna labada indhood oo ay birtoodu dhuxusha u egayd korkooda ku lahaa suuniyo sida shaarubkiisa khad la moodo. Labo garab oo kala fog iyo dhudhumo waaweyn buu lahaa, waxaana habeen iyo maalin sintiisa midig ku lammaansanayd toorrey saddexgees ah, gacanta midigna wuxuu ku sidan jirey waran teeri ah ama ul dhamas ah. Marka uu dadka fiirinayo wuxuu ka eegi jirey indhaha birtooda, mana uu libiqsan jirin jeer ay hadalka kala dhammaystaan, oo qofkii in uu been u sheego damcaa wuxuu ka argagaxi jirey labadiisa indhood oo sida seef galka laga siibey u naxdin badan. Markii uu qoslayo badanaaba afka ma uu kala qaadi jirin, wuxuuse dhoolocaddayn jirey markii ay gabar uu jecel yahayi la joogto”.

Waxaan u malaynay in ay dabeecadda qoraalka ee noocaan ahi muujiso sawirro ku saabsan muuqaalka indhaha lagu dareemo iyo muuqaalka fahamka lagu garto sida dadnimada qofafka. Sidaa oo kale waxay daceecaddaani abuuri kartaa taallooyin iyo muuqaallo ka duwan kuwa caadiga oo la yaqaan, sida qof afar gacnood iyo toddoba indhood leh.

Sida saddexaad ee ka midka ah dhalamada iyo baxaalliga qoraallada loo abuuraa waa qoraal sheekaynaya. Qoraalka ama hadalka sidaan ah waxaa astaan weyn u ah in uu xilli ama wakhti khuseeyo.

Labo siyaalood buu xilligu qoraalka dabeecaddaan leh u saameeyaa, waana labo arrimood oo ay in la ogaadaa aad ugu fiican tahay qofkii in uu wax ogaado jecel.

Horta sheeko waxaa khasab ah in ay dhacdooyin leedahay oo wax dhacay la tebinayo, sidaas awgeed dhacdada ugu horraysa iyo midda ugu danbaysa inta la sheegayaa waxay qaatadaa waqti go’an, laakiin markii ay sheekadu qoran tahay waqtigaas lama garan karo, waayo qofka akhrinayaa waa uu la yaabin karaa, waana uu la dheerayn karaa. Xilliga sheekada waxaa sax u sheegi karta in filim ahaan loo jilo, maxaa yeelay filimku wuxuu socdaa xilli go’an.

Hadda waxaynu ogaaney in ay sheekadu haddii afka laga tebiyo, haddii la qoro iyo haddii la jilo intaba ay xilli bilaabato xillina dhammaato, oo uu marka la jilo ugu qeexan yahay xilliga ay qaadanaysaa.

Haddaba waxaa jira waqti kale oo ay sheekadu leedahay, oo ah xilligii ay dhacday sheekada la sheegayaa intii uu ahaa. Tusaale ahaan haddii laga sheekeeyo niman geel dhacay waxaa loo baahan yahay muddadii ay falkaas ku guda jireen intii ay ahayd. Ma hal maalin bay qisadu dhacaysey mase bil dhan bay qaadatay in wax la qorsheeyey oo la guulaystey?

Haddii aynu sida waxarihii hadalka ku laalaabanno waxay labada xilli ee sheekada laga eegaa kala yihiin muddadii ay qisada ama sheekadu dhacday intii ay ahayd iyo muddada ay qaadanayso in sheekadaas dad loo sheego ama ayada oo filim ah la tuso ama ayada oo qoran la akhriyaa.

Marka sheekada la bilaabayo waxaa laga bilaabi karaa dhexda ama dhammaadka. Waxaa laga yaabaa in la isdhaho sidee baa dhammaad ama bartanka wax looga bilaabi karaa? Hase yeesho ee qofka sheekaynaya marmar bay ula muuqan kartaa in ay fiican tahay in sheekada meel aan bilowga ahayn laga unko oo mar kale bilowgii laga sheekeeyo.

Sidaas oo ay tahay waxaa laga yaabaa in ay soomaalidu ku wareeraan haddii aan sheekada looga bilaabin dhacdadii ugu horraysey. Wareerkaas waxaa keenaya in uu weligeen hal-abuurkeennu iska ahaa xoogaa gabay ah oo qayaxan iyo sheekooyin carruurta lagu madaddaaliyo oo gaagaaban oo aad u macne sahlan.

Sida badan sheekooyinka dulucdoodu ma ay qeexna oo waxaa loogu talogalaa in uu qof kastaa si u gaar ah u fasirto, oo akhristaha ayaa samaysta ujeeddada ay ku saabsan tahay.

Waxaa naxdin leh in ay soomaalidu arrintaan moog yihiin, oo ay hal-abuur kasta oranayaan ”Hebel baa laga wadaa”. Haddii la waayo qof lagu fasiro waxaa la dhahayaa ”Asaga ayaa iska hadlaya”, oo dadkeennu ma ay malayn karaan in ay sheeko abuurmi karto ayada oo aan meel iyo cid gaar ah maskaxda lagu hayn, arrintaanina waxay muujinaysaa sida aynu ugu liidanno, uguna liidanney in hadal dheer la abuuro.

Hadda waxaynu soo gaarney meel uu xoogaa fahamkeedu adag yahay, oo waxaa ina horyaal kala shaandhaynta iyo isku shaandhaynta saddexdii dabeecadood oo aynu qoraalka la abuuro ka soo sheegnay.

Haddii meel uu dagaal ka dhaco oo qof dhibaato loo gaystey uu dabadeed qareen/abukaate yeesho wuxuu abukaatuhu qoraa oo maxkamadda tusaa sidii ay wax u dhaceen iyo hadal aan qisada dhacdadeeda khusayn ee uu asagu ku doodayo, iyo weliba sharraxaad kale oo ku saabsan meeshii ay wax ka dhaceen iyo dadkii falka geystey sidii ay u egaayeen. Haddaba qoraalkaas uu qareenku diyaariyey muxuu yahay, sidee buuse u waafaqsan yahay dabeecadihii qoraalka oo saddexda ahaa ee aynu xoogaa yar ka soo taabannay?

Waxay saddexdii dabeecadood kala ahaayeen qoraal dood ama waano ama boorrin ah, mid sharraxaad ama tilmaamid ah iyo mid sheekayn ma qiso la tebinayo ah. Wuxuu abukaatuhu soo tebiyey qiso waqti lahayd, wuxuuna tilmaamay goobtii iyo dadkii uu dagaalku khuseeyey, isla markaas wuxuu maxkamadda kaga dooday arrimo uu rabo in lagu dhaqmo.

Dhibaatada hadda ina haysaa waa abukaatuhu ma hal-abuur buu keenay? Inta aynaa qareenka tiisa gelin ayeynu dhinacdhigaynaa in ay dalalka galbeedka ku badan yihiin dad qora taariikhda noloshooda oo si qurxoon inta u diyaariya ugu soo caanbaxa si daran, oo buugta sidaas ah aad looga gato. Kuwaas laftoodu ma waxay sameeyeen hal-abuur?

Waxaa kale oo jira dad badan oo taariikhaha caadiga ah jaamacad kaga baxay, oo ay markaas dadkaas badan qaarkood qoraallo fiicfiican ka sameeyaan maaddada taariikhda. Haddaba dadka taariikhda ku takhasusay ama akhriskeeda xiiseeya in yar oo ka mid ah baa qori kara buug macaan ee taariikh ah, ee inta kale qoraal fiican ma ay diyaarin karaan. Marka kuwa taariikhdii ay barteen sida macaan u qori kara iyo kuwa yaqaan, laakiin aan qori karin ma waxaa kala reebay hal-abuurenimo?

Dadka saxaafada ama waxyaalo kale bartay dhammaantooda ma ay diyaarin karaan maqaallo xiiso badan, oo waxaa laga yaabaa in uu dal sida USA weyn ka soo caanbaxo qof arrimaha caadiga ah maqaallada uu ka diyaariyo ay dad aad u badani ku xirmaan, oo il gaar ah lagu eego. Haddaba qofkaas laftiisa maxaa ka soocay kumanyaalka sanad walba ka qalinjebiya maaddada uu bartay?

Waxaa ciriir adag inagaga jirta xudduuda u dhexaysa haddallada la diyaariyo. Waxaynu ugu horrayntii oranaynaa waxaa jira wax ka wada dhexeeya dadkaas aynu sheegnay dhammaantood, waana qaabinta iyo balaaqada hadalka.

Haddii aynu hoos ugu sii durugno waxaa sida aan u malaynayo xoogaa muuqan karta in ay kala duwan yihiin. Horta waxa ay samaynayaan oo dhami waa sawirro ay isugu rakibayaan si ay ayagu dareemayaan oo dadka kale ka gurracan. Wax ay dadka oo dhami og yihiin buu qof gaar ah wuxuu u soo diyaarin karaa si gooni ah. Marka wax aan la ogayn ma uu keenin ee si aan la aqoon buu waxyaalihii la ogaa u sheegay.

Halkaa marka aynu marayno ayaa waxaa inoo soo baxay dhammaan dadkii aynu soo xusnay oo kala ahaa qareenka, qoraaga taariikhda oo hadalka iyo qaabka macaan, midka noloshiisii ka qisooday oo sida yaabka leh u diyaariyey iyo midka maalin kasta waxyaalaha caadiga ah ka qora maqaallada macaan oo xalladda leh in ay isku doonni saaran yihiin.

Dadkaas oo dhani wax bay ummadda caadiga ah kala mid yihiin, waxna dadweynaha ayey kaga soocan yihiin. Waxa ay dadka la wadaagaan waa in aysan keenin qisooyin aan dhicin iyo dad aan jirin, ee ay qurxin karaan waxyaalo ay ogaadeen oo uu qof kastaa ogaan karo.

Waxaa khasab ah in ay meeshaas hibo ku jirto, laakiin hibadaasi magaceed? Ma hal-abuurnimo ayaa la dhahaa? Waxaan u maleeyey in aysan ahayn, maxaa yeelay waxaa su’aal ah maxay abuureen?

Qofka caadiga ahi haddii asaga oo meel aan sharqan lahayn jooga uu indhaha isku qabsado, oo uu xasuustiisa gadaal u celiyo waxaa u soo baxaya sawirro iyo waxyaalo uu soo maray ama si kale uu ku ogaadey. Haddii uu indhaha kala qaado waxaa u muuqda sawirro kale oo uu fasir ka haysto ama uusan ka haysan. Haddii uu wax baranayo wuxuu guranayaa sawirro iyo arrimo.

Intaas iyo waxyaalo la mid ah geesna ugama uu bayri karo, oo sidaas angagan ayuu u nool yahay. Waxaa sidaas xoogaa ka weecsan kuwii aynu soo sheegnay oo ay u furan tahay in waxyalaha ay ogaadeen ay si farshaxan leh ugu nuuxnuuxsan karaan. Malaha waxay leeyihiin waxa ay soomaalidu codkarnimada dhahaan, laakiin waxaa wareer miiran in codkarnimada lafteeda la qeexo, oo waxaa jira dad afka hadal isku toosan ka shubi kara, laakiin haddii qalin loo dhiibo xujoobaya. Sidaas awgeed codkarnimadu waa wax kale oo maqaal kale malaha u baahan.

Waxyaalaha ay dadku gaarka u xiiseeyaan waxaa had iyo jeer ku duugan wax ka baxsan awoodda dadka caadiga ah. Haddaba lama inkiri karo in ay dadka noocaan ahi leeyihiin tabar ay xagga hadalka dadka ku xukumaan, laakiin hal-abuurenimo wax baa iga horjooga in aan ku tilmaamo.

Waxaynu soo sheegnay in dadka suuqa marayaa maskaxdooda ay ku jiraan waxyaalo ay arkeen ama ay maqleen, laakiin aysan ka weecan karin oo aysan sawirro ka geddisani ku soo dhici karin. Waxaa iska jira dad dhifdhif ah oo sawirrada nolosha ka sii sawiran kara sawirro kale oo ka badan, malaha kana xiiso badan kuwa ay dadku isku qallajinayaan oo muuqda.

Sawirradaasi waxay ahaan karaan dhacdooyin xiiso leh, waxayna ahaan karaan ereyo xiiso leh. Haddii ay soomaalid dib ugu noqonno waxaa la wada yaqaan maanso, oo ah hadal ay dad gaar ahi si gooni ah u abuuraan, laakiin sida badan lagaga hadlo wax ay dadku wada og yihiin. In maansada lagu cabburiyo sawir la wada arkay iyo dhacdo la wada ogaa keli ah bay soomaalidu u badnayd, laakiin waxaan u maleeyey in ay jiraan dad maansooda oo sawirrada iyo dhacdooyinka laftooda iskood ula yimaada.

Dhacdooyin aan dhicin iyo sawirro aan la arag in nolosha caadiga ah laga soo miiro oo qalbiyada dadka lagu sixro ayaan u maleeyey in ay hal-abuurenimo tahay.

Sida hadalka loo yiraahdo lafteeda ayaa dhacdo ah, oo qofka maansooda qudhiisa waxaan u maleeyey in dabeecaddii ay dhacdooyinka caadiga ah ee hadalku lahaayeen ka weecday, oo uu abuuray dabeecado kale ee hadal.

Sheeko xiiso leh ee dhacday ama taariikh si qurxoon loo diyaariyey waa aynu ka maaganey in aynu hal-abuur moodno. Haddaba haddii aynu helno labo buug oo uu mid ku saabsan yahay qof jira taariikhdiisii nolosha, midna uu yahay wax la abuuray ee aan dhicin oo hal-abuur ah maxaynu ku kala garanaynaa? Waa labo sheeko oo xiiso leh, ee maxaa lagu kala aqoonsan karaa?

Labada qoraa horay baynu u soo kala saarnay, laakiin hadda waxaynu ka hadlaynaa waa labadooda buug. Dadka sheekooyinka abuuraa waxay ka hadlaan qofafka ay sheekada ku jilayaan niyaddooda, oo waxay metelan nin iyo gabar is shukaansanaya ka qoraan:

”Wuxuu go’aansaday in uu miskiin iska dhigo si aysan horay uga cayrin, ayaduna waxay ku hamidey in ay hadallo qallafsan ku tiraahdo si ay in uu daacad yahay u baarto. Dhawr goor buu in uu ka tago damcay haddana wuxuu ogaa in ay dumarku marka hore iswaalwaalaan. Lafteedu aad bay u rabtey ee arrintu isqaaliyayn bay ka ahayd”.

Qofka sidaas wax u qora waxaa cad in uu hadalka asagu abuuray, laakiin qofka sheekada dhab ahaan u dhacday qorayaa kama uu hadli karo dadka uu wax qorayo dareenkooda iyo niyaddooda.

Waxaa qoraallada soomaalida badankooda maanta faraha kula jira dad aan tilmaamihii aynu taataabanay ka arradan. Internetka qofkii ayaamo baaraa wuxuu soo xasuusanayaa gabay aan ayaan dhexdaas ah tiriyey. Waxaa gabaygaas iga keenay in ay tobaneeye nin goobo kala duwan iyo xilliyoo kala geddisan iila yimaadeen hadallo ay ku sheegeen maansooyin oo uu mid kastaa igu yiri ”Gabay iga dhegayso”.

  • Qahar iyo dadaal kuma hantiyin, doodda qaabka lehe
  • Qaddar iyo iraaduu ku yimid, qawlka suubbaniye
  • Ereyada qoddada dheeri waa, qayb rabbaani ahe
  • Qorshihii ilaahay wataa, yeesha qiro wayne
  • Qalinkii horaa wuxuu ku dhacay, loox qaddiimi ahe
  • Qabaalkii murtida waxaa dul tegey, wiilal loo qoraye
  • Dhegta quudin kariwaa ninkii, qaday dharaartaase
  • Qalbi awdan iyo xaasid baan, qirin amuur wayne
  • Qoontada ilaahay dad waa, ku qanci waayeene
  • Amba qooro waan leeyahaa, rag isla qooxeene
  • Kuwaa qodax ku joogsadey intay, orod qamaameene
  • Qardojeexu niman buu ka ridey, qar iyo haadaane

 

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 QORAALADII HORE EE SHAAFICI


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2003
 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]