Waxaay dhaawanahan caadeysteen kuwo ku abtirsada maamulka Isaaqland iney
eedeymo iyo hanjabaad ku qor qoraan
pagagka Internetka, iyagoo wax kaga sheegaya beelaha Hartiland iyo maamul
Goboleedka Puntiland, hanjabaadahaas qaarkood waxay xambaarsanaayeen weedho
ay ka mid ahaayeen “Waa in Isaaqland dagaal ku qaadaa Cabdillahi Yusuf,
soona ceshadaa gobolada Hartigu dego. Nasiib daro maydin cadeyn cida
dagaalka laga doonayo iney qaado ma Habar jeclaa, ma Garxajis baa, ma Habar
Awal baa, mise tolow waa Gudabiirsi !!!!!.
Waxaa wax lala yaabo ah, in nin u dhashay beesha Isaaqland kana soo jeeda
gobolada Togdheer, Waqooyi Galbeed iyo Awdal uu farageliyo danaha beelaha
Harti. waxaa wax lala sii yaabo ah, inuu is hortaago maamulkooda iyo
danahooda gaar ah, waxaaba taas ka sii daran in gobolada maanta Hartigu
leeyahay sida Sool/Sanaag/Ceerigaabo/Ceyn iyo Highland ay ku sheegaan dhul
Isaaqland ka mid ah, hoosna yimaada maamulka ay ula baxeen Somaliland.
Habada, waxaanu idiin sheegaynaa in sameynta khariirada soomaliland aheyd
shalay (Sanadkii 1884) midnimada Soomaliyana muqadas tahay.
Waxaan kaloo idiin sheegayaa in maamulka Hartiland uu san ahayn mid maanta
dhashay, balse waa fikrad soo jiitamaysay mudo badan, haday maanta degmo
degmooyinkooda ka mid ah ku magacowdeen gobol waa horumar ay gaadheen, mana
jirto cid soo faragelin karta.
Hadaan u soo noqodo, dhinaca hanjabaada iyo dagaalka aad dadka ku
cabsiineysaan, waxaan jeclaa inaad marka hore soo akhridaan taariikhda
beesha Hartiland iyo sidey u soo dagaalami jireen qarniyadii tagey, waa
kuwii idinka xoreeyey gumeystihii dhulkiina qabsaday, caruurtiina iyo
haweenkiina adeegsan jirey. waxaan jeclaa inaad dib u dhugataan taariikhdii
Daraawiishta iyo xukuumadihii hore Daarood meeshuu kaga jirey, maantana
waxay balan ku qaadeen inay xafiis walba idiinka hor maraan, aduunkana u
sheegaan in Soomaliya laba tun oo la kala qalo laheyn.
Waxaan ku soo gaba gabeynayaa maqaalkeyga maanta, Daahir Riyaale iyo UDUB
way ogaayeen wixii kaga dhacay saaxada Laas caanoode, KULMIYE iyo UCUDOW
soo uruursada hadhaagii qudhmista oo kaalaya jiida hore ee dagaalka, waayo
soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ninaan shantaadu kaa reebin sharci kaama
reebo.
Waxaa diyaariyey
Gudoomiyaha Golaha Difaac Deegaankaaga
Mohamed Jama madaxgaal@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri