w w w . s o m a l i t a l k . c o m
|
SOMALITALK
-
MAQAAL
|
Dec 15, 2003
Midnimo Soomaaliweyn: “Halka helintaankeedu ka dhowyahay”
Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh!
Salaantaa kadib, waxaan salaan gaar ah u dirayaa bahda Somaliweyn oo suurta
gelisay inay soo bandhigto wax aan soomaalida ka suurta gelin, balse
loobaahanyahay oo ah in qofkasta fikraddiisa loo ogolaado inuu golahan soo
geliyo. Mid caytamaya, mid ducaynaya, mid wax tilmaamaya, mid wax
hagaajinaya, iyo aragti kasta oo ka soo maaxata dadka soomaaliyeed gaar
ahaan qurba joogga ama qaxaatiga dal-laawaha ah oo dan-laawe ku darsaday.
Waxaan halkan mahad ballaadhan uga soo jeedinayaa Cabdillaahi oo golaha soo
dhigay maqaal aad u qoto dheer oo qofkii garasho dheer lihi uu garan karo
meelaha uu ka hadlay iyo qardoofooyinka horyaalla midnimada Soomaaliyeed,
waxaase hubaal ah in walaalahayga soomaaliyeed aanay sidaa u wada arag,
taasina la yaab malaha oo aragtida waa lagu kala duwanaan karaa, ceebna
maaha ee cayda ayuunbaan meesha qaban, sida dad badani soo geliyaan golahan
Somaliweyn.
Aan u soo daadego qoraalkayga, marabo inaan dib ugu noqdo qoraalkii
cabdilaahi Cawad, balse aan waxyar ka soo qaato, gaar ahaan midnimada
soomaaliyeed. Erayga midnimo, waa eray tilmaamaya, wada jir iyo iskaashi, in
la iska dugsado wixii dhibaato ah, in la wadaago dhib iyo dheef, isku soo
wada duuboo waa eray qaali ah, balse haddii la waayo waxa loo maraa wejiyo
badan oo kolba mid lagu dayo, iyadoo lagu darayo dulqaad, is-fahan,
garawshiiyo iwm, waayo eraygu maaha mid fudud ee waa mid ballaadhan oo la
rabo inuu qanciyo dhammaan inta midoobaysa, maaha eray af-ka baarkiisa ah,
mana aha wax laysku qasbi karo.
Midnimada Somaliweyn waxay ahayd mid loo soo maray halgan dheer oo wejiyo
badan lahaa, waxa laga hayaa ilaahay ha u naxariisto'e "Faarax Oomaar" "Dalkayagu
ma qaybsami karo, mana ogalaan karno taako naga mid ahi inay naga go'do" waa
xilligii halganka soomaalidu soo ifbaxay, waa sannadihii soddonaadkii, gaar
ahaan Farax Oomaar waxa uu ahaa halyeygii bilaabay qalin-kudirirka, kuna
mutaystay in la xidho oo markii danbena laga mustaafiriyay dalkaba.
Madaxweynihii ugu horreeyey ee Jamhuuriyaddii Somaliya, mudane Adan Cabdulle
Cismaan isagaoo ka hadlaya, midnimada soomaaliyeed, markii uu ahaa
madaxweynaha waxa uu yidhi " dastuurka soomaalida, waxa ku yaalla in aanu
isu keeno qaybaha soomaalida ka maqan ee ah Jabuuti, Soomali galbeed iyo NFD,
wuxuuna hadalkiisa ku daray, in xukuumadda soomaalidu ku raadin doonto,
wadahadal, balse haddii ay ka fursanweydo lagu raadin doono xoog"
Maxaa ka danbeeyey? Akhristoow, waxaad iiga markhaati furaysaa in ay
soomaalidu soo martay xaalado farabadan oo markastaba ay ka sii dhacaysay,
soomaalinimadii, iyo midnimadii lagu riyoonayay, waxaana la soo gaadhay
xilli lakala dhaqaaqay. Hadaba siyaasiyiinta maanta soomaalida horboodaysaa,
ma yihiin kuwii midnimada ka shaqayn lahaa? ma yihiin kuwo awood u leh inay
soo celiyaan wanaagii soomaaliyeed? waa maya, oo waxaanaad uguba daalin mid
kastaba waxaad eegtaa, deegaanka uu ka soo jeedo, tusaale ahaan Cabdiqasim
oo ilaa maanta laga furfuri la'ayahay anigaa madaxweyne ah, miyaanay
habboonayn inuu midnimada ka soo bilaabo hoosta, inta uu u hanqal taagayo
inuu madaxweyne u yahay Hargeysa iyo Burco. Tusaale ayuunbaan u soo qaatay
ee Cabdiqasim kama duwana siyaasiyiinta maanta oo mid kastaba deegaankiisii
uu u baahanyahay midnimo.
Aan ku soo noqdo midnimada soomaaliyeed, waxaa hubaal ah in ay jiraan
waxyaabo aan u baahnayn in loo ololeeyo, balse lagu midoobo. Soomaalidu
waxay ku midaysantahay afka soomaaliga, diinta is-laamka, wixii intaa dheer
waa in loo maraa jidka toosan, ee maaha in la is xagxagto, maaha in la isku
dayo muquunin, taasoo keenta kala daadasho iyo in cadaw badan ka
faa'iidaysto. Midnimadii uu Adan Cabdulle cismaan ka hadlayay, waxaa ka mid
ahayd Jabuuti, "ila jiid jabuuti" meeday Jabuuti? horta haba joogaan kuwa
kale ee NFD iyo Somaligalbeed, ee midnimo doonoow, walaakayga midnimada
jeceloow ma ka hadhay jabuuti? uma jeedo xoog halagu keeno, oo taa horaan
uga afeef dhigtay oo midnimo xoog kuma timaado, ee waa rabitaan sida Yurub
oo aan is-ku af ahayn isku diin ahayn ay isu doonayaan, iyaga ayay ka timi,
sida Norway u diidayna waa loo ogolyahay oo iyadaa xaq u leh, balse waxaan u
jeedaa ma la isku deyey in Jabuuti la yidhaahdo Somaliweyn ayaad ka mid
tahay ee midnimada horseed ka noqo oo maanta isu keen dadka soomaaliyeed?
jawaabtu waa maya.
Halkaa markaan marayo waxaan xasuustay qaaciidadii walaalkeen badka soo
dhigay ee ahayd:
MS -I =SW waxaa ii muuqata taniyo lixdankii in midnimadu ay ku soo
noqnoqonayso ku xumee, baabi'i, dil, xadhig, xoog, muquuni, iwm. Waxay
taariikhdu qoraysaa midnimada marka dadku doonayo inay fududahay, marka
dadku aanay doonayna inaan laheli karin ilaa loo maro jidkeeda wanaagsan.
Lixdankii waxa midoobay Somaliland iyo somaliya, yaa isku khasbay? dadka
ayaa is-doonayay, waxaadse ogaataa, wixii ka soo baxay midnimadaasi inay
keentay burbur iyo caddaalad darro, waana ta maanta keentay kalayaaca. Ugu
danbayn aan soo gunaanado, qoraalkayga, midnimadu waxay ka timaadaa gunta,
tusaale ayaan ku siinayaa ee indhaha ku ballaadhi.
Somaliland waxay ka mid tahay shanta qaybood ee Somaliweyn, ee riyadeennu
ahayd, waxaa ka amar kutaaglayn jiray Saancaddaale, wuxuuna ka guuray
somaliland 26-06-1960-kii dhawr maalmood kadibna waxa lagu dhowaaqay "Jamhuuriyadda
Somaliya" oo ka koobnayd Somaliland iyo Somaliya, dhibaatooyin aan la soo
koobi karin kadib, waxaa la soo gaadhay xilli aan la is-aaminin, waxaa la
soo gaadhay xilli laba beelood oo wada deggani aanay is-bixin, gaar ahaan
beelihii ay xukuumaddii M S Barre xoogga saartay ee ka soo jeeday
Somaliland, waxa la isugu dhiibay hub waxa lakala dhex dhigay kala shaki iyo
dagaal aan garawshiiyo lahayn.
Kugu dhimay oo kaa dhimay, waa huq
Rati heeryadiisa ku foofay
Hungo waa sidaan ahay maanta
Dhanna heedhe iima fayooba.
Anigaa colaada ku hoobtay
Hilbahaygii-baa iscunaaya
gacalkaygii-baa is-wada heeray
Qoriyahaw hawaawi dhacaagu
Jugtu waa waxaan la hagaasay
Qoriyahay Hargaysiyo Juba
Qoriyahaw halkaad cuskataaba
Waa haar jidhkayga ku taalla.......................Mohamed Xaashi Dhammac "Gaarriye"
1984kii
Waxa la soo gaadhay markii Xukuumaddii S Barre kala carartay, ee la isugu
soo baxay banaan aan lahayn xeer iyo xakamayn iyo maamultoonna. Waxa isu
yimi beelaha isu-oodda dhow ee dega deegaankii Somaliland, waxayna isla
afgarteen walaalnimadoodii inay boodhka ka tumaan, midnimo inay halkaa ka
unkaan, gaar ahaan qaybtii la odhan jiray somaliland ee xorriyaddeeda
qaadatay 26-06-1960, sidaas ayaa gacmaha la isku saaray. dad badan ayaa ka
biyo diiday go'aankaa gaar ahaan intii midnimada Somaliweyn jeclayd, balse
aan qiimayn karayn xaaladda lagu jiro iyo halka ay sii socoto midnimadii,
waxaase marag madoonto ah, inay somaliland noqoto, meesha keliya ee ugu
nabdoon deegaankii la siku odhan jiray "Jamhuuriyadda Somaliya" halkii loo
ducayn lahaa ee lagu ammaani lahaa dedaalka ay sameeyeen beelaha ka soo
jeeda Somaliland ayaa loogu abaal guday cay, af-lagaaddo, taasoo dadka loogu
macneeyay in Beesha la yidhaa Isaaq ay doonayso xukunka inay isu dhiidhiibto.
Waxa kaloo laga dhigay wax aan jirin dhibaatadii soo gaadhay bulshaweynta
reer Hargeysa, Burco iyo Berbera , siddeetamaadkii oo marmarka qaar
Somaliweyn jacaylku ku tilmaamaan, inay Isaaqu sheegaan waxaan jirin iyo
dhib aan loo gaysan sida Yuhuudda "qaaq" waar hadalku qadhaadhaa, sidaasan
weliba midnimo ku raadinayaa, waayaab. waxa beenawday aragtidii ahayd beel
keliya ayaa xukun u bukta, waxa dharaar cad la doortay oo Ceerigaabo,
Berbera, Burco, Hargeysa ilaa Boorama laga soo doortay Dahir Rayale oo aan
ka soo jeedin beeshii la lahaa midnimada waxay uga cararysaa xukun doon, waa
yaab. Jawaabkale ayaa ka timi midnimo jacaylkii oo waxay leedahay Isaaqu
iyagoo isku xumaynaya ayay u doorteen Dahir Rayaale, waa yaab waar miyaan
garawshiiyoba jirin, sidaasaad midnimo ku doonaysaa!. Waxaase marag madoonto
ah in maanta aanay soomaalida kale ka suurtoobaynin ta ka dhacday Somaliland
"maaha faan" ee waxaa habboon in lagu daydo, si loo gaadho maamul xalaal ah
oo aan loo eegin beel.
Jabuuti waxa madaxweyne ka noqday Xasan Guuleed abtidoon, wuxuu ka soo
jeedaa beesha ciisaha, waana Mamaasan, waxa bedelay inankii uu adeerka u
ahaa oo ah Cumar Geelle, oo Mamaasan sii dhaaf weliba, oo Xasan Guuleed ayaa
u adeer ah, doorashadii ugu danbaysayna waxa la yidhi 100% ayuu helay waa
yaab. Ilaa la helo jidka loo mari lahaa Midnimo soomaliyeed ubadkeennu ma
helayaan wax looga tago iyo wanaagtoona. Haddii xaalku yahay sida
Cabdillaahi Cawad Sheegayna oo qaaciidadaa lagu gaadhi karo midnimo MS-I=
SW, dee! taa hala fuliyo, waa haddii xalku sidaa yahay oo yaan loo daahin ee
innoo diyaariya hubkii, iyo xilligii, iyo xoolihii aynu ku fulin lahayn.
Wasalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuh!
Ahmed M Yusuf "Dhegey"
Kala xiriir:
bulhan2010@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|
>>
Usheeg Asxaabtaada
|
|
Allah Is Great
|
May 28, 125
|

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana
dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri
Denmark:
Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah
weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan
muslimka ahayn”...
Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala
Diinta Islaamka..
Guji
USA:
Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro
ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa...
Guji
London,
UK:
Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano
kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV
si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay...
Guji
XAAFID QUR'AAN
Cabdul
Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo
wacdaro
muujiyey GUJI
|
|