WARCELINADII
IYO MIRIHII KA DHASHAY QORMADAYDII “CARUURTA QAAWAN IYO INTERNETKA”
Jabarti M. Aw-Osman
Jabarti2020@hotmail.com

Waa marka koowaada waxaa mahad aan la koobi
Karin oo markasta joogta mudan Allah, marka xigana waxaan u mahadinayaa dhamaan
maamulayaasha qolalkii internetka ee Soomaaliyeeed gaar ahaana intii soo
bandhigtay oraahdaydii, sida :Puntlandpost, Mudugonline, iyo Somalitalk. Waxaan
kaloo mahad iyo taageeraba halkaan ugu soo gudbinayaa laba qol ee aan
maqaalkayga gudihiisa ku magacaabay eek ala ah Dayniile.com iyo
Somaliatalk.com
oo muujiyay in lala talinkaro, figrad loo soo jeedin karo iyo weliba inay
talaabo dakhso leh ka qaadayaan wixii talo suuban oo walaalahooda Soomaaliyeed u
soo jeediyaan.
Waxay muujiyeen geesinimo, waxaanse leeyahay
caruurta oo cowradooda la asturo ma hor istaagi doonto in Jaaliyaddaha
Soomaaliyeed ee dibaduhu joogiyaan taageeradoodii Islaanimo, Insaanimo iyo
Soomaalinimo ee ay u fidin jireen caruuraha u baahan taageerada dhaqaale iyo
dawaynta dibadeedba intaba. Anigoo ka kow ah waxaan diyaar u ahay qofkasta yar
iyo wayn oo duruufi hayso inaan taageero gaar ahaan maatada Soomaaliyeed sida
caruurta, hooyooyinka iyo waayeelka intaba.
Hadaan dib u yare jaleeco maqaalkaygii iyo
warcelinada aan ka helay dad aad u fara badan oo ka mid ah walaalaha
Soomaaliyeed waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin warcelintiina iyo
talooyinkiinaba.
Talooyinka aan helay waxaa ka mid ahaa:
1-Inaan joojiyo hanjabaada aan u soo jeediyay
laba qol ee magacooda aan kor ku xusan, waan qaatay umase jeedin handadaad ee
waxaan u jeeday qofku hadii uu walaalow walaalow iyo waano fiican wax ku qaato
khayr oo taasi waan sidaan rabay, hadiise taasi dhici waydo waxaan istusay mida
lagama fursaanta noqon karta oo ahay in sharciga la maro , maxaa yeelay caruur
qaawan in lagu soo bandhigo internetka waa xaaraam sida sharciga uu dhigayo,
walow niyadu haba fiicnaato oo taageero iyo gargaar haba loola jeedee. (si aan
hagrasho lahayn ayaanan u qaatay taladiina, waanad ku mahadsantihiin).
2- Dad ka qaar ayaa ii soo diray fariimo ay
leeyihiin intaad ka hadlaysid caruurta tabaalaysan maad ka hadashid kuwa
dibaatada dowlad la’aanta , dagaalada , dilmada maatada, dawo iyo cisbitaal
la’aanta dhigay dalkeenii.
Taasi waa figrad fiican hadii aad arki jirteena
waan ka hadli jiray oo maaqaalo badan ayaan ku soo bandhigay qolalka kala duwan
ee internet-ka, waxaanse ku dari lahaa, carabtu inay tiraahdo (kuli majaal lahaa
maqaal) gaabkastaa waxay leedahay hadal mudan marka qormadaydu waxay ku
wajahnayd aragtidaydii ku saabsanayd caruurta iyo cawradooda oo internetka lagu
soo bandhigo.
Si kastaba ha ahaatee, dhaaman cidii akhriday,
fulisay ama talo ka soo dhiibatay maqaalkaygii waan ugu mahadin soomaaliduna
waxay tiraahdaa (dadkuna afkay isku gartaan xooluhuna urta) marka inaynu war
fiican iswaydaarsano waa lama huraan oo wanaaga iyo wadajirkeena ayaaba ku jira.
Nabadgelyo iyo Nooli kulante dhamaan
Jabarti M. Aw-Osman
Jabarti2020@hotmail.com
CARRUURTA QAAWAN IYO
INTERNETKA... GUJI
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com