SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

War-15-December,03,Mbagathi,Kenya.

Hoggaamiyayaasha Soomaalida oo Looga Yeeray Uganda

war deg-deg ah: shirka Soomalida oo marka kale din u dhacay

War inaga soo gaarey xafiiska Xoghayaha guud ee IGAD Dr.Attalla Bashiir ayaa sheegaya in kulanka Mombaaso ka hor Magaalada Kampala Uganda maalin lagu shiriyo hogaamiyaasha Soomaalida ee ka qayb gali doona kulanka Mombaasa.

22-23,bishan ayaa hogaamiyaasha Soomaalida loogu yeeray in ka soo qayb galaan shirkaasi ka dhici doona Uganda Kampala oo looga dhaadhicin doono habka wada xaajoodka ee kulanka Mombaasa iyo wadada lagu badbaadin lahaa shirka Nabada Soomaalida oo socda 14-bilood.

Qoraalka oo fax ahaaan ku soo gaarey xafiiska warfaafinta iyo dhaqanka shirka ayaa waxaa ku saxiixnaa wasiirka arrimaha Dibada ee Uganda Muddane Augtine Nshimiye.

Dawlada Uganda oo sannadkan iska leh Hogaaminta Urur Goboleedka IGAD ayaa go'aamisay in ay shiriso homaamiyayasha Soomaalida maalinta 23/12/03,maadaam isqab-qabsi iyo if afgaranwaa ka taagan yahay kulanka 18-bishan oo aan wali ogolaasho laga wada helin hogaamiyayaasha soomaalida ee lagu casuumay kullanka mombaasa.

Kulankan mombaasi waa markii 2-aad oo dhibu dhac ku yimaada in kastoo aan wali la cadeyn maalin kale taasoo la filayo in maalintaasi noqon doonta horaanta sannadka cusub 2004-ka.

Dhamaad.

War-2-15-December,03,Mbagathi.Kenya.

Kolonzo iyo Kipligat oo u kicitimay dalka Sacuudi-Arabiya.
KAAH

Wasiirka wasaarada Arrimaha Dubada dalka Kenya Muddane Kolonzo Misayoka iyo Guddoomiyaha Guddiga Fududeynta IGAD,U qeybsaha dawlada Kenya ee shirka wadahalada Nabada ee Soomaalida Muddane Bathuel A.Kipligat oo sabtidii u kicitimay dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya.

Safarka Masuuliyiinta ayaa ku saabsan in ay dhaqaaale u raadiyeen shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo haatan ka socda Mbagathi,Nairobi. Muddanayaasha ayaa waxay la kulmi doonaan Masuuliyiinta Haya`ada Mu`tamar al Islaami oo ka mid hay`adaha samafalka fadhigoodu yahay dalka sacuudi Arabiya,waxayna ka wada hadli doonaa in ay kaalmo hay`ada u fidiso shirka Nabada Soomaalida sida la filayo.

Hay`ada Mu`tamar al Islaamiya waa markii ugu horeysay ay siiso kaalmo dhaqaale shirka dib u eshiiosiinta Soomaalida,in kastoo aan la shaacin kaalmadaasi inta ay la eg tahay.

Safarka Masuuliyiinta IGAD ayaa la garaneynta waqtiga ay soo noqon doonaan,in kastoo lagu ballansan yahay in 18-bishan kulan gaar ah loo qabto hogaamiyayasha siyaasada magaalda Mombaasi, walow aan wali la isku afgaran tirada Hogaamiyayaasha Soomaalida ee ka qayb gali doona (Retreat) gaar u kulanka. In kasta oo warkan hore ee Kampala uu arintaas haddo soo dhex galay, oo shirku waji cusub yeeshay.

Dhamaad.

Abdikarim Aden Hussein
 Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD