SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY

December 17, 2003

GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/039/03 London, 17/12/2003

Ujeedo:- Baaq xabad joojin

Waxaa weli sii soconaya ku xadgudubyada heshiisyada la gaaro, sida heshiiskii xabad joojinta ee ay madaxda Soomaaliyeed ee ka qeybgaleysa shirka dib u heshiisiinta gaareen welina soconaya, heshiiskaas oo ay saxiixeen madaxda Soomaaliyeed 27 Oktobar ee sanadkii hore.

Hadaba Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa mar kale beelaha soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan kuwa ay dagaaladu ku dhexmarayaan Gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya in ay joojiyaan shuruud la'aan, isla markaana khilaafyada u dhexeeya lagu xalliyo wadahal iyo is faham ay ku dheehan tahay walaalnimo.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqayaa qeybaha kale ee bulshada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan joojinta dhiiga walaalahood Soomaaliyeed ee daadanaya, kuna dadaalaan dhameynta gacan ka hadalka soconaya.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa cid kasta oo ka mas'uul ah soo noqnoqoshada dagaalada sii soconaya ee weli ka taagan magaalada Xeeraale oo ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya, ahna goob ay horay ugu dagaalameen dhinacyada uu khilaafku ka dhaxeeyo.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibedda ahna

Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

JARAA'IDKKA & SOOMAALIDA
Waxyaabahii ay Jaraa'idka Caalamku ka qareen Soomaalida:  English.Version...Click

 
 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD