SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

December 18, 2003

Daan-Daansiga Maamulka Hargaysa Ma ka Siidarayaa?

Qoraaga: Max’med Qamaan – USA

12/18/2003 7:20 AM

Waxaa wali xabsiga dhexe ee magaalda Harar ku jira Cabdullaahi Xaliye iyo rag badan oo lamida oo lagu qafaashay Hargaysa iyaga oon cidna wax dambi ah ka galin. Sida la xasuusanyahay, dadkaa waxaa qafaashay Mr. Cigaal oo Itoobiya kaga dalbaday kalsooni iyo kaalo dhaqaale. Hada waxaa magaalada Hargaysa ku xasuuqan boqolaal qof oo rayad ah oo sugaya in Itoobiya lagaga macaasho iyagoo laga been-abuurayo oo lagu masabidayo waxayna shaqo ama lug ku lahayn. Hadaba nasiib daro, taariikhdan “qafaalashada” habka cusub ee qab-qablayaasha gobolada Waqooyi (Cigaal iyo Riyaale) ka hirgaliyeen magaalada Hargaysa bilowgii 90-shanaadkii walina sii socda, waa mid ka fajicisay wax garadka iyo waayo aragga Umadda Somaliyeed. Waxay dad badani ka wal-walsanyihiin cawaaqib xumada falalka waxashnimada ah ee Qab-qablayaasha Hargaysa caadaysteen.

Marka intaa laga gudbo, waxaa mudan in layswaydiiyo, ujeedooyinka ama hadafka ay Hargaysa ka leedahay dhaqankan foosha xun ay wali ku sii-socoto tan iyo intii ay samaysatay maamulka sida dilaalka u dhaqma. Hadaan, su’aalo toos ah is-waydiino maamulka Hargaysa ama hadaan carabkaba ku dhufano dadka Isaaqa oo ka gaabsaday inay cambaareeyaan Qab-qablayaasha hormoodka u ah, ma ka maarmi karaan dariskooda? Mise in lala xisaabtami doono ayaan qorsha ugu jirin?

Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaan maqaalkan ku eegi doonaa xidhiidk ka dhaxeeya dadka Daaroodka, gaar ahaan dadka Absamaha iyo dadka Isaaqa kuwaa soo muda qarniyaala isa soo garab deganaa. Malahayga, qarniyaal kalena isa-sii garab deganaan doona. Waxaa kale oon isku deyi doonaa inaan soo bandhigo danta ama danaha ka dhexeeya (jiray) labada dhinac.

Taariikhdu iyadaa isa-soo cel-celisa

Waxaa, badanaa caado ama la arki jiray inay soo noqdaan wixii taariikhda mar horay u soo maray ama soo dhacay (xumaan/samaan). Laakiin, nasiib daro, Aadamiga ayaa iska hal-maama oo xusuustiisa ka daysta inuu isku mashquuliyo ama wax ku qabsado wixii tagay ama la soo maray. Hadaba, hadaan, wax yar oo gaaban, dib ugu noqono taariikhda, shalay ayey ahayd markii dadka Isaaqu, dadka Absamaha ku cambaaraynayeen qaxootinimo, af-lagaado iyo sumcad dil faro badan oo aan dadka Absamuhu marnaba ka sugaynin ama ka malaysanaynin –1977.

Waxaa taa xigay in dadkii Isaaqu soo qaxeen oo dhul iyo degaan Absame magan u soo noqdeen -1988. Xilligaa, dadkii Absame gacmo furan iyo walaaltinimo wayn ayaa qaxootigii dadka Isaaqa lagu soo dhaweeyey.Waxaa meesha laga saaray in dad soo baro kacay oo Somaliya oo dhaqan, diin iyo luuqadba la wadaago lagu wiirsado ama lagu jees-jeeso. Arrintu si kastaba haw dhacdee, waxaan ognahay in qaxootinimadu ayna ahayn shay dookha balse ay tahay musiibo Rabaani ah oo Eebe adoomihiisa cida uu isagu u garto ku salido,cidna lagu ceebayn karin. Hadaynu tusaale yar soo qaadano, Abwaan Dubad Hiirad, isagoo tilmaamayo waayo aragnimada Adamiga iyo sida marxaladuhu isu bedeli karaan,
waa kii lahaa:

“Adoo xalay dib jirey caawa, waa lagu durduuraaye

Dayr iyo xagaa laydhu, ways daba maraysaaye

Hadduu doobke buuxsamo inuu, daato waw halise

Durbana wuu kibraa sedo, ninkay dacasha saartaaye”

Runtii, muuqaalkan aan sida kooban u guud maray, sawir buuxa oo waafiya kama bixin karo, xidhiidhka soo taxnaa qarniyaal ee darisnimado, dhaqan-dhaqaale iyo supposedly dhalasho ee ka dhexeeya beelaha aan kor ku susay. Maadaama, Isaaqu hada uun ay is-moodsanyihiin inay salka dhulka dhigeen, wuxuu caqliga habooni ‘conventional wisdom’ ku talin lahaa nabad iyo is-xaqdhawr inay ka shaqeeyaan oo “daan-daansiga” iyo “danaystenimada” ay ka guuraan. Waxaynu la wada soconaa, in maanta aduunku isu wada baahanyahay oo lagu jiro xili lagu tilmaamo “global village age” oo lagu macaamiltamo: qaado ana isii –quid pro quo. Xaqiiqada se markaan u leexano, siyaasiyiinta gobolada Waqooyi Galbeed, waxay dan moodsanyihiin inay dariskooda kula dhaqmaan siyaasad faashil oo dhiig-miirtenimo iyo danaysi asaaskeedu ahaa. Hadana, is-qafaalasho iyo is-iibsi lagu sii qurxiyey.

Maxaa Absame la gudboon?

Waa hagaag, si loo soo af-jaro siyaasad damaca iyo danaysiga ku salaysan ee maamulka Hargaysa caadaysatay, waxaa lagama maar-maana in Absame qaado talaabooyin dhawr ah oo is-daba joog ah oo isugu dhafan siyaasad, dhaqaale iyo degaan. Dabcan, taallaabooyinkan, waxaa loo kala horaysiinayaa amaba loo kala qorshaynayaa sida ay u kala mudanyihii oo ah: a) kuwo deg-dega oo la xidhiidha dhacdooyinkan maanta taagan iyo b) kuwo ku abaaran wakhtiga fog ee soo socda –strategic’ ah.

Mar hadii, ay cadaatay in Hargaysa ayna abaal iyo darisnimo-toona tix-galinaynin, waxaa Absame la gudboon inuu ku talaabsado sidii uu ku tiirsanaanta Berbera/Hargaysa uga maarmi lahaa gabi ahaabana loona go’doomin lahaa Hargaysa si deg-deg econo-politically. Si ay arrimahaasi u hirgalaan, waxaa lagama maarmaana in la qaado talaabooyinkan soo socda:

1) Waxaan ku talinayaa in marka ugu horaysa la joojiyaa cadaawada Absame iyo Itoobiya ka dhex oogan Isaaqana u noqotay fursad dahabi ah iyo lacag adag oo marba intay doonaan laga soo sarifo Itoobiya. Waxaan, aaminsanahay, in labada umadoodna (Absame/Tigrey) ay dan wayni ugu jirto inay heshiis iyo is-af-garad deg-dega yeeshaan, islamarkaa baal cusub oo wax wada qabsi ah uu u bilaabmo –it’s overdue. Marka taa la helo, waxaa meesha ka baxaysa, danta koowaad ee Qab-qablayaasha Hargaysa ka leeyihiin soo qab-qabashada iyo qafaalashada dadka shacabka ah oo sidaan horayba u soo tilmaanay ku dhisan siyaasad “danaysi iyo dilaalnimo”.

2) Waxaa Absame la gudboon inuu u dhaqaaqo sidii uu Daarood wayne wax ula qabsan lahaa. Marhadii siyaasada Hargaysa ka dhamaan la’dahay Soomalinimo nacayb ama cunsurinimo, waxaa Absame ku qasbanyahay inuu cida maanta ay isku danta iyo dareenka yihiin ay wax la qabsado. Waxaan dadka Daaroodka ku baraarujinayaa in ay arrintan si xasaasi u qaataan, ugana qaataan tallaabooyinka ku haboon. Tusaale ahaan mar’uu gabyaagii caankaha ee Xarbi Ismaaciil ka hadlayey, amuur tan-faraaruqa oo soo food-saartay tolkii, kadibna niman ay markaa loolan siyaasadeed lahaane ay ka faa’iidaysteen oo xaalada maanta Daaroodku taaganyahay oo kale ah, ayaa waxa gabaygiisii ka mida ahaa: “Dheeliga tolkeed baa cilaan loogu soo dhacaye, hadaynaan ku waa soo dhawayn dhimanay Boosowe” .Waxaan qabaa, dekadaha Laas-qoray iyo Boosaaso, ayaa ka mudan in waxna laga keeno, waxna laga dhoofiyo meesha Berebera ganacsi lala yeelan lahaa. Arrintani, waxaan aaminsanahay waxay ahayd in mar horeba loo hawl galo oo Harti iyo Absame, igoo xeerinaya isbedelka geyiga iyo meeqaanka maanta Daarood taaganyahay, isku soo durkaan waxna wada qabsadaan. Anigu, shaqsiyan, kalsooni wayn ayaan ku qabaa in Daarood guud ahaan, gaar ahaan Kabla-lax inuu maanta arrinta u heelanyahay.

3) Dhanka, degaanka, dadka Isaaqu wuxuu tubanyahay suuqyada Jig-jiga, magaalo madaxda Absame. Waxay uga ganacsadaan siday doonaan. Inta badan, dadka qaadka soo mariya Jig-ga ama gaadiidka u kala goosha Jig-jiga iyo Hargaysa, waa dadka Isaaqa. Waxay deganyihiin Xarshin iyo Gaashaamo Bari oo si sharci-daro ah ay ku deganyihiin. Waxaa xusid mudan, in xoolalayda Isaaq qiyaastii 90% ay ka talowsanyihiin xuduuda oo ay deganyihiin hawdka gobolada Absamaha sida Jig-jiga, Dh/Buur iyo W/Dheer. Waxaan aaminsanahay, in Absame xaq u leeyahay in uu Isaaqa ka soo saaro xuduuda oo lagu soo cidhiidyo Hargaysa, buura aan biyaha layn iyo Berbera. Markii taasi meel marto, ayaa, waxaan hubaala in Isaaq yaqiinsan doono wax malaha maanta intooda badani wakhti ay kaga fikiraan u haynin.

Gabagabadii, waxaan jeclaan lahaa inaan runtii qoraalkan loo qaadanin kicin iyo abaabul dagaal. Balse loo qaato wacyi galin iyo xisaabtan dhab ah oo lagu muujinayo muhiimada xidhiidhka dhaqan/dhaqaale ee Absame iyo Isaaqa ka dhexeeya. Waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo in is-xaq-dhawrka, derisnimo wanaagga iyo wax is-dhaafsiga laba dhinacba ay dantu gugu jirta sidaa darteed ay laba dhinacba iska xilsaaraan hagaajintiisa. Yase yeeshee, waxaan aad uga xumahay inay u muuqato in dadka maamulka Hargaysa oo dadka Isaaqu hormoodka yihiin arrimahaas ay wali ka caga jiidayaan inay gar-waaqsadaan gafafka joogtada ah ee shacabka Absamaha loo gaysanayo. Waxay u muuqataa inay ka raali yihiin (maamul iyo shacaba) in is-qafaalashada, dhiig-miirashka iyo danaystenimada ku sii wadaan dadka Absame. Mark hadii arrintu sidaa tahay, waxaan aaminsanah inay haboonaatay in lagu taliyo in umadda Absame iyo Daaroodba guud ahaan inay xaq u leeyihiin inay is-difaacaan oy danahooda u soo noqdaan.

Max’med Qamaan –USA

Qaman73@hotmail.com ama la xiriiri: Dheman@mowd.org

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Dec 17, 2003

 

JARAA'IDKKA & SOOMAALIDA
Waxyaabahii ay Jaraa'idka Caalamku ka qareen Soomaalida:  English.Version...Click

 
 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD