SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

December 18, 2003

war-1-18-December,Mbagathi,Nairobi.
Beesha Caalamka iyo IGA oo lagu gacan seeray qaa..................

kulan ay saakey ku yeeshen qolka shirarka ee madasha shirka wadahalada Nabada ee Mbagathi,ayaa looga hadlayey habkii iyo wajgii loo siin lahaa waraaqaha Casuumaada ee shirka la tashiga 22-23/12/03 maanlinta ah ee dawlada Uganda Ugu yeertey hogaamiyayaasha Soomaalida ee kala jooga Soomaaliya iyo Kenya, ka dib markii labo jeer loogu yeeray Kulanka Gooni u baxa (Retreat) ee magaalada Mombaasa 9-kii iyo 18-kii Bishan December,03.

Shirkan ayaa Dawlada Uganda ugu talagalay in ay isugu keento hogaamiyaasha siyaasada Soomaaliya Joogay oo dhawr jeer lagu xumeyey dalka kenya iyo kuwa jooga madasha si ay labadaba isu yimadaan meel ka duwan meeshii is afgaran waagu ka dhacay ka hore .

Hogaamiyayaasha Soomaalida ee Soomaaliya ku sugan ayaa hadda ka hor dhawr jeer laga raali galiyey in ay shirka ku soo laabtaan iyagoo ka rali noqonaya, qaladyadii dhaceyna dhib loo sixi doono,ugu yaraan 3-jeer ayey ogoladaan codsigaasi kenya hogaamiyaasha Soomaalida hadana markii ay yimaadaan sidii oo kale qalad looga galey,sidoo kale hagaamiyayaasha Soomaalida ee madasha ku sugan ayaa iyana mar lagu soo xumeeyey Uganda shirka madaxweynayaasha IGAD iyo wasiirada Arrimaha Dibada ee IGAD.

Diidmada casuumada ayaa waxa ay ka timid iyadoo hogaamiyaasha Soomaalida ay diiden kordhin hogaamiyayaasha cusub ee loogu talagaley in ay ka qayb galaan kulanada Gaar u baxa ee hogaamiyayaasha Soomaalida waji waji in ay isu horfariistaan loogu tala galey.

Magacyada iyo waraaqaha casuumadaha ayaa loo wada keenay hogaamiyayashii iyo kuwa cusub ee labada dhinacba,halka ay hogaamiyayaasha Soomaalida ee ku sugan madasha horey ugu sheegeen in ay ka qayb gali doonin haddii hal magac lagu soo darro cabdi qasim mahee.

Dhinaca kale hogaamiyayasha Soomaalida ee ku sugan Soomaaliya ayaa diiday in yimaadaan kenya ,iyagoo sababo uga dhigaya aman kooda iyo tixgalin la`aan awaded.

Guddoomiyaha guddiga fududeynta IGAD ee shirka Nabada Soomalida Amb.Kipligat ayaa igu yeeray hogaamiyayasha Soomaalida in ay la kulmaan waxa ay ka diideen 3-jeer.

kipligat ayaa la kulmay beesha caalamka isagaana fariinta iyo warqadaha casuumaada shirka kambala loogu dhaafey si uu uga dhaadiciyo in ay ogolaadan warqadaha casuumaada shirka kambala.

la arki doone natiijada ka soo baxda ilaa berito ,maadama ay horey u shegeen in ay tagi doonin haddii dadka la casuumay ka bataan 25-hogaamiye e la og yahay.
dhamaad.
war-2-18-december,Mbagathi,Kenya.
SPM/SRRC oo u dooratey Gudoomiyaha Ururka ..................


ka dib markii uu geeriyoodey allaha u naxariiste Guddoomiyii hore Marxuum Aden Cabdullahi Nuur Gabyow bartamihii sanadkan ayaa Ururka SPM/SRRC la isku qabsadey ninkii bedeli lahaa guddoomiyii hore.
shirar badan iyo afka dagaalan badan ka dib ayaa kolkii danbe loo dooretey Ururka SPM/SRRC in uu Guddoomiye ka noqdo muddane Axmed Sheekh Mohamed Lohos oo ka id ahaa ku xigeenada guddoomiyaha iyo ergada shirka.

Guddiga fulinta SPM/SRRC iyo odoyaasha beesha Absame ayaa waxa ay soo saareen qoraalo ay ku saxiixan yihiin magacyadooda. guddiga fulinta ayaa qoraalkii ku cadeyey in uu hogaamiyo Ergada Ururka Muddane Axmed Sheekh Looxoos oo ay IGAD si sharciga waafaqsan ugu casuumtay shirka una ogolaatey in uu ku sii fariisto kursiga Gudoomiyenimada SPM/SRRC.
magacyada Gudiga Fulinta ee SPM/SRRC e ku saxiixnaa ayaa ka ah:-
1-Col.cabdi Mahadi Abdisalam
2-Mr.Gelemohamed Aden
3-Dr.cabdirashiid Mohamed Xiddig
4-Hsan Abdi Guure
5-Aden Cabdulahi Diiriye
6.Mrs.Amina Dahir Ali.
magacyadda Beesha Absame oo qoraalka ku saxiixnaa ayaa kala ah.
1-Sul.abdi suldanali sokor ---------- Mohamed subeyr
2-Sul.Ibrahim Aden Geedi ---------- Bartire
3-Ugas Bare Ugas Gedi ---------- Cawlyahan
4-Ugas Cabdulaahi Axmed shide ---------- Abasgul
5-Suldan Mohamed Suldan Nageye --------- Muqabul
6-Ugaas Cabduqadir Bowd jiif --------- Jidwaq
7-Suldan Ismaciil Hirsi Mohamed --------- Tolmoge
8-Ugaas Abdi Xamid Sheekh Ali -------- Bahgari
dhamad.
fiiro gaar ah qoraalka Rasmiga oo saxiixan :-
kala soo xiriir tel.254-721-215-705 ama E-mail Address. abdikarimhussein@hotmail.com 
Akariim@hotmail.com , Abdikariimhussein@lycos.com.  
Dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Mbagathi,Nairobi.

Faafin: SomaliTalk.com Dec 18, 2003

 

JARAA'IDKKA & SOOMAALIDA
Waxyaabahii ay Jaraa'idka Caalamku ka qareen Soomaalida:  English.Version...Click

 
 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]