SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GALKACYO
 Dec 23, 2003

 Shir looga hadlayay dhismaha Jaamacad laga dhisayo Gobolka Mudug oo lagu qabtay hoolka shirarka ee dugsiga Sare ee Cumar Samatar.


Dhinaca Bidix: Maxamed Cumar Saalax, Prof. C/rishiid, Prof. Maxamed J Salad. Prof. Yuusf Xirsi iyo Dr. Taabilo

Galkacyo: Maalin nimadii Jimcaha (19 Dec 2003) waxaa hoolka shirarka ee Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ka furmay Shir looga hadlayey Dhismaha Jaamacad uu yeesho Gobolka Mudug iyo sidii loo horumarin lahaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo, Shirkaan oo ay soo abaabuleen Aqoon yahannada Gobolka Mudug ayaa Daba socday sir 12 Dec 2003 ay ku qabteen isla Qolka shirarka ee Dugsiga Sare ee Cumar Samatar.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay in badan oo kamid ah Aqoon yahannada, Odayaasha, Maamulka Gobolka iyo Culimada Diinta ee Gobolka, shirkaas ayaa waxaa si wayn la iskula qaadaa dhigay sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada iyo caafimaadka Gobolkan.

Waxaa ugu horrayn shirka ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Dr. C/llaahi Nuur Salaad oo halkaas ka soo jeediyey Hadallo isugu jiray soo dhawayn iyo halka ay marayso waxbarashada Gobolka iyo sida loogu baahan yahay waxbarasho sare (Jaamacad) loo helo ardada Gobolka sidoo kale wuxuu sheegay in ay Sannadkii hore Dugsiga sare ee Cumar Samatar kaliya ay ka soo bexeen Arday Ka badan 50 arday haddana ay ka soo baxayaan in ku labo jibaaranta wuxuuna soo jeediyey in arrintan aan la fududaysan. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Prof. Yuusuf Xirsi Axmed, Prof. Maxamed Jaamac Salaad oo iyagu ahaa hormoodka hawshan iyo aqoon yahanno fara badan oo si wayn uga hadlay baahida Jaamacad uu Yeesho Gobolka Mudug iyo sidii kor loogu qaadi lahaa Caafimaadka Gobolka waxayna ka soo qayb galayasha ku booriyeen in ay u guntadaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen. Waxaa xusid mudan Hadalkii qiirada lahaa oo uu halkaas ka soo jeediyey Xasan Xuseen Waloore oo hadalkii kaddib halkaas ka ballan qaaday dhulkii laga dhisi lahaa Jaamacadda. waxaa sidoo kale halkaas ka ballan qaaday C/raxmaan Cali Taar lacag dhan 1000$ iyo Jamaalidiin Xaaji Cali oo ballan qaaday 500$.

Gabagabadii Waxaa halkaas hadalkii xiritaanka ka soo jeediyey Prof. Maxamed J Salaad oo sheegay in shirkaani uu Joogto noqon doono, waxaana dib loo ballamay 01 Jan 2004, inta ka horraysana ay hawsha sii wadi doonaan labo Guddi oo halkaas laga magacaabay loona xilsaaray in ay wax ka qabtaan Aasaaska Jaamacadda iyo Horumarinta Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo.

Mohamed I Osman
Galkayo, Puntland
mciise@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Dec 23, 2003

-dhammaad-

Sam Voron iyo Cabdikariin Nuur Maxamuud “Cirfe”: Laba nin oo abaal weyn gashaday reer Puntland.

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso
Suxufiyiin katirsan BBCda, Arday ka socda Jaaliyada dibadda iyo shacab faro badan oo booqday guriga SOFIHA, Bosaso Guji

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]