War: 22-December,Mbagathi,Nairobi.
Hogaamiyayaasha SRRC Qaar ka mid oo Hawada Kenya
shaley Dib Loogu Soo Celiyey.
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) Maamulka gobolka
Shabeele Dhexe ,Maxamuud Sayid Aden
SNF/SRRC, Cabdicasiis Sheekh yuusuf SSNM/SRRC oo intuba
ka tirsan ragga ugu waaweyn ee Kooxda SRRC iyo wafdi
kale ayaa maanta gaarey magaalada Jowhar.
Ujeedada safarka wafdigaasi ayaa ah booqasho dhawr
maalmood ah oo ay ku soo kala bixinayaan tuulooyinka
iyo magaalooyinka ka tirsan Gobolaka Shabeelada Dhexe
sida uu yiri ku xigeenka Maamulka Degmada Shgabeele
dhexe Salad Cismaan Jeele. Dhanka kale war isa soo taraya
ayaa sheegaya in Hogaamiyayaashaasi ay ka caroodey
go'aanada IGAD ee ku wajahan shirka Dib u heshiisiinta
Soomaalida oo haatan ka socda Kenya.
Hogaamiyayaasha ayaa go'aansadey in ay ku laabtaan
Soomaaliya oo ayan shirka Nabada Soomaalida dib ugu
soo Noqon ,iyagoo qiil uga dhigaya in ay dawladda
Kenya u xaglineyso Koox gaar ah, inkastoo kooxdaasi
farta ku fiiqin, Dawlada Kenya ayaa marba u janjeerta
dhan beesha caalamka farta ugu fiiqdo waa sida ay ku
doodeen. warar ayaa sheegaya Hogaamiyayaasha oo shaley
diyaarad ay saarnayeen marka ay cagaha dhulka ka
qaadey laga daba diray mid milateri si ay u soo
celiso, sababtani waxa ay ku dhacay iyagoo rabey in ay
si qarsoodi ay garoonka uga duulaan ,nasiibdarrose
waa la ogaadey oo dib ayaa loogu soo celiyey hotalidii
ay degenaayee ka dib markii ay sheegeen in ay booqasho
maalmo ah ku maaqnaan doonaan magaalada Jawhar ayaa
saakey diyaarad lagu qaadey oo la geeyey Gobolka
Shabeelada Dhexe waa sida uu yiri taliyaha amaanaka
Garoonka Diyaaradaha Wilson Airport.
Go`anada IGAD oo isa soo taraya maalinba maalinta ka
danbeysa ayaa jahwareer galiyey caalamka oo il gaar ah
ku eegaya arrimaha shirka Soomaalida .
Shirka Soomaalida ayaa soo marey mar xaladdo kala
duwan laakiin tan maanta uu ku jiro ayaa waxay u
muuqataa in uu lumay habsami u socodka shirka ee horey
loo qoondeeyey bilawgii shirka.
La arki doonee sanadka cusub 2004 oo la filayo bisha
Janaayo horaanteeda.
Dhamaad.
<><>
Retraetka ama Gooni u baxa oo ka dhici doona 9ka Janaayo
Nairobi
Balanadda iyo dib u dhaca kulanka gaarka u baxa ee
hogaamiyayasha Soomaalida ayaa shirka Wadahalada
Soomaalida ku noqdey caqbad hortaagan shirka dib u
heshiisiinta Soomaalida.
Hogaamiyayasha Soomaalida oo lagu wada casuumay ayaa
koox waliba keentay mar marsiiyo ay ugu baaqdaan
kulankaasi gooni u baxa oo qorshaha shirka horey ugu
jirin,IGAD ayaa iyana caqad ku noqotey habkii iyo
wadadii ay meel gaar ha isygu geen lahaayeen
hogaamiyaasha Soomaalida oo iyagu si gaar ah isu
fiirsanaya.
Kooxda Cabdiqaasim ayaa diidan in ay yimaadaan kenya
,kooxda kalena iyana waxa ay diidan yihiin tirada lagu
soo kordhiyey hogaamiyayaasha Soomaalida oo ay IGAD ku
sheegtay in aan looga maarmin arrinta Soomaalida ragga
lagu soo kordhiyey hogaamiyayaasha Soomaalida .
Qoraala soo socda ayaa shaley laga soo saarey
wasaaradda Arrimaha Dibada ee Kenya ,qoraalka oo ku
wajahan shirka dib u heshiisiinta iyo talaabada ku
xigta oo la qaadi doono.
Qoraalka ayaa sidan ku bilaw isagoo aan tarjumay:
Shir Jaraa`id.
Ujeeddo:Kulanka Gaar u baxa Hogaamiyayaasha Soomaalida
waxa uu dhici doonaa 9ka Janaayo ,2004,Niarobi,Kenya.
10 Maalmood ka dib ayaa kulan gaar u baxa(Retreat)
Hogaamiyayasha Soomaalida ka furmi doonaa magaalada
Nairobi Kenya 9ka bisha Janaayo,2004 ,ayaa uu yiri
Yuweri Musaveni Madaxweynaha wadanka Uganda oo
sanadkan haya Xilka Urur Goboleedka IGAD.
Goaanka ayaa lagu soo gaarey kulanka qaatey maalin oo
dhex marey Madaxweynaha Uganda Yuwero Museveni iyo
Wasiirka arrimha Dibada Kenya Kolonzo Misoyoka
Magalada Kampala ,Uganda.
Kulankaasi ayaa la sheegay in maalinta 8da Janaayo la dhameyn doono khilaafka dhexyaala hogaamiyayaasha
Soomalida gooni u baxa ku kulmi doona 9ka Janaayo ,2004. Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa Guddoomiyaha
Guud ee IGAD,halka Kolonzo Misoyoko uu yahay
Guddoomiyaha Fududeynta hawlaha shirka IGAD.
Kulanka maalintaasi waxaa kaloo la goaamiyey in ay
IGAD ay kulmaan 5ta Janaayo ,wasiirada arrimaha Dibada
ee adwlada ku jira Urur Goboleedka IGADsi ay u
diyaariyaan Kulanka hor dhaca 8da bsha Janaayo ee
hogaamiyayaasha Soomaalida ee ka qayb gali doona Gooni
U baxa(Retreatka) Nairobi ,9 Janaayo,2004.
Kolonzo Misoyoka wasiirka Arrimaha Dibada Kenya ayaa
warbxin dheer ka bixiyey qaabka uu ku yimid dhib u
dhaca iyo sababta keentay iyo qoddobada la isku hayo.
Waxaa ka loo Masuulka sheegay arrimaha loo bahan yahay
in wax laga qabto oo hogaamiyayaasha siyaasada
soomaalida tabanayaan ,taasoo ka mid ah in goaan la ga
gaaro hogaamiyihii diidaa kulanka soo socda oo inta
badan la tixgaliyo ,oo shirka horay loo socodsiiyo.
Mr.Kolonzo Misayoka ayaa safarkiisa kampala ku
wajahnaa in uu Madaxweyne Musaveni kala xajoodo habkii
iyo wadadii lagu soo celin lahaa shirka Wadahadalada
Soomaliya oo u muuqda mid sii baaba`ya.
Hogaamiyaasha Soomaalida ayaa lagu wada casuumay
kuanka gooni u baxa 9ka Janaayo,2004,Nairobi ,intii ay
uu socdey shirka wasiirada Arrimaha Dibada IGAD waxa
ka soo qayb galey :
1. Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Muddane Kolonzo
Misoyoka ahna Guddoomiyaha Wasiirada Arrimaha Dibada
ee IGAD.
2. Wasiirka Arrimaha Dibada Uganda Muddane Augustine
Nshimye u IGAD qaybsanaha Dawlada Uganda .
3. Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xriirka Caalamiga
D`Jabuti Muddane Ali Abdi Farah.
4. Wasiirka Beeraha Dawlada Ereteria Muddane Arefeaine
Berhe .
5.Safiirka Dawlada Itoobiya ee Kenya Mr.Yamane Abadi.
Waxaa kaloo kulankaasi intii uu socdey lagu gaarey in
shirka wadahalada Soomaaliya in aan loo xayiri doonin
hogaamiyaha ka soo qayb gali waayo wadahalada Gooni u
baxa 9ka Janaayo,2004,waxaa kaloo la goaamiyey in
kulanka gaarka u baxa 9kaJanaayo,Nairobi, ka dib shirka
loo gudbi wajiga sedeexaad ee shirka ka horey loogu
go`aamiyey 8d december.
Shirka wasiirada Arrimaha Dibada ee Dawlada IGAD waxaa
kaloo lagu goaamiyey in maalinta 4taJanaayo,2004
Hogamiyayaasha Soomaalida wada joogaan Magaalada
Nairobi,halka wasiirada Arrimaha Dibada IGAD iyagana
lagu 5taJanaayo ku kulmi doonaan Nairobi.
Wasiirka arrimaha Dibada Dawlada Kenya Muddane Kolonzo
Misoyoka
Safarkiisa Kampala waxaa ku wehliyey Wakiil Dawlada
Kenya ee shirka Soomaalida Amb.Barhuel
Kipligat,safiirka dawlada Kenya U fadhiya Uganda
Amb.Magdalene Wambua , amb.James Kiboi kaaliyaha
Guddoomiya shir gu doonka Soomaalida arrimaha
Siyaasada iyo diblomaasiyada ,safiiro kale oo ka socda
Dawlada Kenya.
Hogaamiyayaasha Soomaalida ee jooga Mbagathi oo
diidey
Safrkii Uganda ee gudoomiyaha hawlaha Fududeynta
shirka ee IGAD muddane Bathuel Abdul Kipligat aya
saakey la kulmay Wakiilda Beesha Caalamka si u ula
socodsiiyo kulankii ka dhacey Magaalada Kampala iyo
qoddobadii looga hadley.
Kulanka sakey ayaa beesha caalamka iyo IGAD ka wada
hadleen qoddobada kala Ah Xal u helida IsKhilaafka
tirada Hogaamiyayasha ka qayb gali doona Kulanka Gooni
u baxa ee 9kaJanaayo,2004,magaalda Nairobi.
In kastoo aan la isla meel dhigin tiro go`an ayaa
hadan shirka saakey lagu kala tegay.p>
Dhinaca khilaaf xoog leh ayaa soo kala dhex galey
hogaamiyayaasha sioyaasada ee ku sugan madasha iyo
guddoomiyaha fududeynta Hawlaha shirka Dib u
heshiisiinta Soomaalida Amb.Bathul A.kipligat.
Hogaamiyayaasha Soomaalida ee ku sugan madasha ayaa
markii labaad diidey in ay la kulmaan gudoomiyaha
shirka .
Sababta keenteay in ay diidaan la kulankiisa ayaa
hogaamiyayaal qaar igu macneeyeen in yahay Kipligat
fariin qaade oo kaliya oo u dhaxeeya Soomalida
Dawlada Kenya ,qaar kamid hogaamiyayaasha ayaa iyagana
ku macneeyey in jawaab ka sugayaan wasiirka oo ay
horey ugu gudbiyeen arrfinka ay ka damacsan yihiin
kulanka Gooni u baxa ee hogamiyayaasha
Soomaalida,waxay kalo ii sheegeen in marka ay iyaga
kulmi doonaan ka dib ay la kulmi doonaan isaga iyo
wasiirka Arrimha Dobada Dawlada Kenya.
Dhamaad
Abdikarim Aden Hussein .
Mbagathi,Nairobi.
December 22, 2003
Faafin: SomaliTalk.com
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|