SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
24-Decembar,Mbagathi,Nairobi.
Dr. Cali Khaliif Galeyr oo Nairobi Soo Gaarey ....
galeyr
Cali Khaliif Galeyr

Raisul Wasaarihii Koowaad ee dawlada KMG ee Madaxweyne Cabdi qasim ayaa shaley Soo gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Muddane Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa ku yimid casuumaada Urur Goboleedka IGAD oo gogosha Nabdeed u fidisay Dalka Kenya hogaaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida oo isku maandhaafsan xalinta khilaafka Siyaasadeed oo jiray tan iyo lixdameeyadii.

Dr. Galeyr ayaa Siyaasada Soomaaliya ku soo biiray 80-yadii in kastoo kolkii danbe Dib joog ku ahaa dalka mareykanka oo uu macalin jaamicadeed ka noqdey.

Muddane Galeyr ayaa Diidey in uu war siiyo wariyayaasha isagoo cudur daar ka dhigtey in yimid oo uusan la socon meesha uu marayo shirka Nabada Soomaalida.

Ragga lagu casuumay kulanka Gooni u baxa ayaa kaloo la had hayaa Maxamed Cali samater, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo qaar kale oo aan soo gaarin Magalaada Nairobi oo lagu wado in uu ka dhaco Kulanka Gooni u baxa 9-bisha Janaayo ,2004.

IGAD ayaa siyaasiyiintan ku tilmaamtey in aan looga maarmin wada tashiga Nabada Soomaalida.

<><><>

Ragii ku dagaalamay Intercontinential Hotel oo shaley la soo............

Ergadii ku dagaalantay Intercoinential Hotel Malinta 20-bishan ayaa laga soo daayey xarunta Boliiska ee Cental oo ku dhaw Hotal uu ka dhacay dagaalka.

Sii deynta ragaasi ayaa waxa ka danbeeyey hogaamiyaasha Soomaalida Iyo IGAD oo Damaanad qaadey in ay Bixinayaan haddii hotelka uu Dhaawac gaarsiiey Dagaalka Maalintaasi. Maamulka hotelka ayaa ku doodey in ay ku xadgudbeen sharciga iyo Amaanka Hotelka maadaama uu ka mid yahay Hotelada 5-Starka ee wadanka Kenya.


dhamaad.


Abdikarim Aden Hussein
Nairobi, Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2003

Kursigii uu Ka Geeriyoodey Gabiyow oo La isku Feeray
. Loxos iyo Jawle oo isku feeray InterContinential Hotel
. Hogaamiyayaasha Shirka :-dawlad waa in aan dhisnaa ama ka tag..
Ka akhri warbixintii C/Karim Aadan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]