SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - INDIA
 Police-ka  Hindiya oo Qabtay Lacag Falsa ah oo balaayin  Shillin oo  Somalia

War uu Soo saaray Police-Ka  Gobolka Ap Ee Koonfurta Hindiya ayaa Sheegay in Police-ka oo Hawl-gal ka Fulinayey Goobo lagu Tuhunsanaa in lagu Sameeyo Foojariga  ay  Police ku  halkaasi ka heleen  balaayin Shillin Oo Lacagta Somaliga ah, Police-ku waxa ay intaasi ku Dareen in lacagtaasi ay ku kaydsanayd Ilaa Laba Makhsin.  Afhayeen u hadlay Police-ka Magaaladda Caasimada u ah Gobolkaas  Ee Hyderabad ayaa u  Sheegay Wargays la yidhaa Electronic Journal in ay lacagtan ku qabteen Ragg Hindiya oo Gobol-kaasi u Dhashay, Afhayeenku waxa uu xusay in lacag  Brazil leedahayna oo fojariyana halkaasi lagu qabtay,  Warar ay isla  Dhex Marayaan   Ardayda  Somaliyeed Ee  Gobolkaasi Jooga Ayaa Sheegaya in Xitaa Lacagtaa Falsadda ahi ay ku jirto balaayin  Shillin-ka Somaliland ah.

Haddaba Si Aan Arrintan wax uga Ogaado waxaan la xidhiidhay Safiir-ka somalida u Fadhiya Caasimadda  New-delhi Ee Dalka India Mudane Mohamed Osman Omer OO Aan waydiiyay   bal in ay wax ka Ogyihiin Arrintan, Mudane Mohamed Osman Omer waxa uu ii Sheegay inaanu Arrintan aanu wali maqal  Laakiin ay hada uun ugu horeyso oo uu isku Diyaarinayeyba Safar uu ku Tagi lahaa Magaaladda Mogdishu laakiin waxa uu Sheegay in uu la Hadli Doono Maanta Wasaraadda Arrimaha Dibada Ee Dalka Hindiya iyo Police-ka Gobolkaasi.

Lacagtan ayaa ah Mid lagu Adhax Jabinayo Dhaqaalaha Dad-ka Tabaalaysan Ee Uu Haligay Dagaalaka Ka Soconya Somaliya 13-ka Sano, Aqoonyahanadda Somalida ah Ee halkan ku Sugan ayaa ii Sheegay in Cadad-ka Lacagtani ay qabteen Police-ka Dalka India  Haddii ay gali lahayd Somaliya ay dadka Maatidda ah lacagtooda ka Dhigi Lahayd Mid aanay waxba u Goyseen  oo ay halkaasi ilaa laba malyan oo qofi ay Soo wajihi lahayd Macluul. Taas oo ay Aqoonyahanadu ku Macneeyen "''''Gargaar Uga Yimid Umadda Somaliyeed Xagga Ilaahay:

 
wixii war ah ee ku Saabsan Lacagta waanu idinla Soo Socodsiin Doonaa
Freelance Reporter
abdiaziz Ahmed Mousa
pune India
abdiaziz2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Dec 28, 2003

 

<><><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD