SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Gabagabadii Seminaarka Hagaajinta Masaajidda

Xafiiska Dacwada & Tarbiyada ee Soomaaliya.
dacwah@hotmail.com

Waxaa lagu soo gabagabeeyay 2/11/1424 – 25/12/2003 Xarunta Ibnu Baaz ee Dacwada iyo Hanuuninta ee magaalada Muqdisho Seminaar lagu baranayay Islaaxinta & horumarinta Masaajidda oo muddo toddobaad ah uga socday xaruntaas Imaamyada, Khadiibyada, Mu'adiniinta, Agaasimayaasha Masaajidda iyo culimo kale.

Ujeeddooyinka loo qabtay Seminaarkaan waxaa ugu waawaynaa: 1-Soo noolaynta kaalinta Masaajiddu ku leedahay bulshada muslimka ah. 2- In laga hufo masaajidda waxyaabaha aan u cuntamin sida: shirkiga, bidcada iwm. 3- Sare u qaadista heerka aqooneed ee hawlwadeennada masaajidda iyo in la dareensiiyo xilka wayn ee ay ummadda u hayaan, laguna boorriyo habsami u fulintiisa. 4- Isbarashada hawlwadeennada masaajidda, si ay u wada tashadaan isuna kaashadaan.

Duruusta Seminaarkaas ka baxday waxaa ka mid ahaa: - Ahmiyadda masjidka, fadligiisa iyo xariirka ka dhexeeya muslimka & masjidka -Kaalinta Masjidku ku leeyahay bulshada Muslimka ah -Waxyaabaha ay habboontahay in aan masaajidda lagu samayn -Axkaamta masaajidda iyo Aadaabteeda -Afkaar iyo Wadiiqooyin ku saabsan Dacwada masaajidda -Gafafka ka dhaca masaajidda Soomaaliya.

Waxaa ka soo qayb galay Xafladdii xiritaanka: Raabidada Culimada soomaaliyeed, Maamulka Xarunta Ibnu Baaz, Xafiiska Dacwada & Tarbiyada oo asagu soo qabanqaabiyay Seminaarkaan, qalabka warbaahinta gaar ahaan Idaacadda Qur'aanka Kariimka oo ayadu dadaal dheeraad ah ku bixisa baahinta wararka & dhacdooyinka bulshada u danta ah iyo marti sharaf kale.

Waxaa halkaa ka hadlay maamulka xafiiska Dacwada iyo tarbiyada oo u mahad celiyay marti sharafta, macallimiinta, ardayda iyo Maamulka xarunta Ibnu Baaz, wuxuu kaloo ka hadlay ujeeddooyinka loo qabtay seminaarkaan iyo sida loogu baahan yahay in dadku isku tashadaan oo ay qabsadaan danahooda adduunyo & kuwa aakhiraba, wuxuuna ka digay khatarta ay leedahay in ummaddu wax ka sugto cid dibadda uga timaadda. Waxaa kaloo halkaa hadallo isugu jira tusaalayn & guubaabo ka soo jeediyay Sh. C/risaaq Aadam oo ka mid ahaa macallimiintii duruusta ka bixisay Seminaarka, wuxuuna si gaar ah u tilmaamay khatarta ay leedahay in masaajidda loo gacan galiyo dad aan xilkeeda qaadi karin. Waxaa kaloo ayana halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xariirka Culimada Soomaaliyeed Sh. Maxamuud Sh. C/baari iyo Ugaas Axmad Bile oo asna xubin ka ah Xariirka Culimada waxayna labaduba aad carrabka ugu adkeeyeen ahmiyadda Seminaarrada iyo kulamada noocaan ahi u leeyihiin bulshada gaar ahaan culimada, waxayna dadka ugu yeereen inay isu kaashadaan khayrka oo qof walba uu u qabto bulshada waxa uu awoodo, waxayna kula dardaarmeen walaalihii ka soo qayb galay Seminaarkaas inay ku dadaalaan gudashada xilkooda iyo inay iskaashadaan.

Ka dibna Guddoomiyaha Xarunta Ibnu Baaz Sh. C/lahi Khaliif ayaa guddoonsiiyay Culimadii ka faa'iidaysatay Seminaarka Shahaadooyin & qoraallo ku lug leh masaajidda.

Waxaa xusid mudan in Xafiiska Dacwada & Tarbiyada uu diyaariyay diraasado iyo banraamijyo kala duwan oo lagu hormarinayo dacwada & tarbiyada, maamulka xafiiskuna wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dadwaynaha Soomaaliyeed inay kaga qayb qaataan horumarinta dacwada cilmigooda, caqligooda, khibraddooda, wajigooda iyo maalkooda.

Xafiiska Dacwada & Tarbiyada ee Soomaaliya.
dacwah@hotmail.com

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey: Abuu xassaan

Faafin: SomaliTalk.com | December 28, 2003

 

<><><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]