SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
NAIROBI: WARARKA SHIRKA SOOMAALIDA

waxaa soo diyaariyey
 Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.

risaalaHa moogaan Maktabada Risaala oo ku taal magaalada Minneapolis oo aad ka heli kartid kutub Islaami ah oo kala duwan..... GUJI

 

War-1-29-December,Mbagathi,Nairobi.
IGAD iyo Beesha Caalamka oo Hogaamiyayaasha Soomaalida u soo.....................
kullanka saakey ka dhacay xarunta shirka ayaa beesha Caalamka iyo Urur Gobooleedka IGAD hogaamiyayaasha Soomaalida u soo bandhigay Magacyo cusub oo ku jira Ragga lagu casuumay kulanka gooni u baxa ee 9-bisha Janaayo,2004,Ka dhici Doona Magaalada Nairobi.
Hogaamiyayaasha Soomaalida ee ka qayb galaya shirka Nabada Soomaalida ayaa horey u diiday in dad lagu kordhiyo tirada hogaamiyayaasha ka qayb galaya kulanada gaarka ah,iyagoo ku adkeystey in aan 24-hogaamiye ee saxiixay lagu darro Cabdiqasim tirada noqoto 25-hogaamiye, halka IGAD iyo Beesha Caalamka iyaga ku adkeysanayaan 42-qof .
Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni ayaa soo jeediyey in la qabto shir ka hor kulanka gaar u baxa,ta soo ujeedkiisu ahaa in uu la kulmo ragg u yeeray raga hubka iyo dhulka haysta oo 10-hogaamiye ah si uu ugu sharxo sababta keentay gaar ubaxa iyo fikirka laga damacsan yahay oo ka dambeeya madaama kulanka gaar u baxa aanu ku jirin qorshaha iyo habka socoka shirka loogu talagaley kolkii hore.
saakey ayaa mar kale la soo hor dhigay magacyada kala Ah:-
1-Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
2-Prof.Cabdi Ismaaciil Samatar
3-Nuura diin Faarax
4-Maxamed Cali Samater
4-siyaasiyiin Soomaalida ka mid ayaa Igad iyo Beesha Caalamku ku darey liiska Magacyada Ragga ka Qayb Galaya kulanka gaar u baxa ee 9-bisha Janaayo ka dhici doona Nairobi ,Kenya.
hogaamiyayaasha Soomaalida ayaa drbadiiba diidey iyagoo aan laga kicin goobtii ,qaar ka mid hogaamiyayaasha ayaa moodaa in ay xoogaa ka soo dabceen mawqifkii hore ee ahaa 25-hogaamiye in aan laga badin tirada ka qayb galeysa kulanada gaar u baxa ee shirka Nabada Soomaalida oo haatan ka socda Kenya,Nairobi.
Dhamaad.

Wasiirka Caddaalada iyo diinta ee Puntland, Awad Ahmed Ashara, ayaa sheegay in shirka gooni u baxa uu dhibaato u keeni doono wadahadalada Soomaalida; Ka dhegeyso Radio Voice of America

War-2-29-December,Mbagathi ,Nairobi.
Dr.Black :-Soomaaliya Cid Rabta Maleh in ay Dawlad ............................

Dr.Cabdi Maxamed Culusoow PH.D. Carrol University ,New-York,Mattahan ayaa saakey shir jaraaid ku sheegay ion Soomaalida iyda uun wax qabsan oo cid dawlad u dhisaysaa jirin .
Dr. Culusow oo ka mid ah Ergada Soomaaliyeed ee ka qayb galeysa shirka kana mid ah Musharixiinta Madaxweyne Soomaaliyeed ee Dawlada shirka Nabada Soomaalida ka dhalan doonta.
Dr.Culusoow ayaa ka mid ahaa Guddiga Hub dhigista ee waioga Labaad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.
mar uu k hadlayey caqabada shirka iyo habaca soo galey waxa uu sheegay in ay tahay dadka Soomaaliyeed ee u adeegaya danaha Yurub ama Mareykan,sababtoo ah waxa uu yiri marki aad dib u fiirsatid dadka is haystaa waa dad walaalo ah tusaale beesha cali cismaan oon ka dhashey ayuu yiri waxa ay shirka uga qayb galayaan 4-hogaamiye iyo Ergadooda,hadana wax dhexyaal oo isku haystaan ma jiraan oo aan ka aheyn is riix riix siyaasadeed oo qof walbaa uu rabo in uu beesha isaga hogaamiyo.
Dr.Balck ayaa yiri Kulanaka gaar u baxa looma baahna sababtoo ah shirka waxa uu ku noqday caqabad ,oo ergadana ma ogola waayo kuma jirin qorshaha shirka iyo hab u socodkiisa.
waxaa kaloo uu sheegay in ay jirto Hay`ada SACB Somali Aid Coordinatore Body oo ah NGO-yada halkan jooga oo Magaca dadka Soomaaliyeed in ay wax u qabtaan lacagaha uga qaata Dawladaha ay matalayaan.
ugu danbeytii waxa uu yiri Soomalida waxaa looga baahan yahay in ka tashadaan arrimahooda ,kana firkiraan raggii 14-sanno dagaalka ku hayey Soomaliya in ay maanta keenaan maslaxad waa wax caqliga ka weyn ayuu ku soo gabagabeeyey hadakiisa Dr.Back.
dhamaad.


war-3-29-decembar,Mbagathi.
amb. Bathuel Abdul Kipligat oo dhexdhexadin ka wada USC/Peace Action iyo Jubba Valey Alliance.
USC/Peace Action :-lama kulmin ururka Jubbada Valley Alliance lama heshiineyno intii Jubb...............

Guddoomiyaha Ururka USC/PA ,ahna Guddoomiyaha Siyaasada Beesha Shiikhaal kana mid Ah xubnaha Ergada Baarlamaanka DMG Muddane Cabduqaadir Lugga-dheere ayaa saakey shaaca ka qaadey in ay wali colaad ka jirto Degmooyinka Jamaame iyo dhamaan Gobolka Jubbada Hoose iyo Tan dhexe.
Gudoomiyaha ayaa baaqan oo qoraal ugu gudbiyey IGAD iyo Beesha Caalamka oo haatan ku masquulsan arrimaha Nabada Soomaalida.
Muddane Kipligata ayaa kulanka uu la sheegay ka dib saxaafada u sheegay in lawadao wadahadalo u dhaxeeya dhamaan beelaha wada degga Goboladda Jubbooyinka HOOSE iyo Tan dhexe.
Muddne Cabdulqadir Lugga-dheere ayaa ku doodey in Beesha Shiikhaal degan yhiin dhamaan gobolada Soomaliya gaar ahaan degmaga Jilib iyo Jamaame oo 75-% iyagu degan yihiin.
dagaalka ayaa ka bilwdey Maleeshooyin ku soo duulay Degmooyinka Jamaame iyo Jilib iyagoo ka yimid Galgaduud,muudo haatan laga joogo 5-sanno,iyagoo dadka degaanka ku haya dhac dil iyo boob,xaalufin beeraha IWM.
Guddoomiyaha ayaa gaashan ku dhuftay in ay la kulmeen qaar kamid ah ururkiisa ama beesha shiikaal oo dega Jamaame iyo Jilb Ururka Jubba Valley Alliance oo xaaraan hadda ku haysta Gobolka Jubbada Hoose ,lama hishiineyno ilaa ay ka baxaan Degmooyinkeena ee Jamaame,Jilib iyo Kismaayo.
dham,aan beesha caalamka iyo Ururka IGAD waxaan u sheegayaa haddii laga saari waayo JVA in aan anaga xoog isaga saari doona oo dagaal lagu faragubtaa halkaasi ka dhici doono ayuu hadakiisa ku soo gaabiey guddoomiyaha USC/Peace Action Muddane Cabdulqadir Luga-dheere.
dhamaad


War-4-29-December,Mbagathi,Nairobi.
G/Xigeenka H.P.A. oo Beeniyey in HUb la marsiiyey G/Hiiraan oo Maxamed Dheere .................
Cumar Aden Dhubad Gudoomiyaha Ururka USO/HPA ayaa shaaca saxaafada u sheegay warkii shaley ku qarnaa wargeyska Qaran oo sal iyo raad toona laheyn.
warkaasi ayaa ahaa Col.Cabdulqadir M.buris oo wargeyda u sheegay in gobolka Hiiraan la dhexmarsiiyey hub Dawlada Itoobiya siisay Maxamed Cumar xabeeb maxamed Dheer Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelada dhexe.
Mudane Cumar Aden dhibid ayaa sheegay in Col.Burus uu ka mid yahay taageerayaasha ururka uusan ka mid ahey masuuliyiinta maamulka Gobolkana shaqo kuma laha .
warkani oo khalkhal galiyey amaanka Gobolada Dhexe ayaa warar ka imaanaya Gobolada dhexe la sheegayaa in laga baqayo dawlada Itoobiya in ay HUb iyto Ciidan Soo siiso dhamaan garab ay gacanka saarka lee yihiin ee kooxda SRRC oo iyadu maamulka gobolada dhexe badanaa gacanta ku haysa.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.

Faafin SomaliTalk.com | December 29,  2003 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD