SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
NAIROBI: WARARKA SOOMAALIDA

waxaa soo diyaariyey
 Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

risaalaHa moogaan Maktabada Risaala oo ku taal magaalada Minneapolis oo aad ka heli kartid kutub Islaami ah oo kala duwan..... GUJI

War-1-30-December,Nairobi,Kenya.
Somalida xaafada East-Light oo Burcad hubeysan dhac iyo boob joo…………………………

Xaafada Eastlaigt ee magaalada Nairobi ayaa habeenadan waxaa ku soo batey dhac iyo boob loo geysto somaalida degan xaafada Easlight ee magaalo Nairobi ,Kenya
7-da Fiidnimo ilaa 10-fiidnimo ,laga soo bilaabo 21-Decembar ayaa dhac iyo boob joogto ah lagu sameeyaa goobaha ganacsi ee Soomaalida ee Internet-yada laga dirsado , meelaha laga diro telrfoonada Guddaha iyo Dibada ,goobaha lagu fiirsado Ciyaaraha kubada Cagta ee baararka Waaweyn oo leh Diishaska Super Sport,Maqaayadaha waaweyn iyo gawaarida yar oo la dhaco ayaa 10-berri falalkan si joog ah uga dhaca habeenkii kaliya dhowr meel oo ka mid ah xaafada Eastlight.
Goorta ay galaan tuugada Goobaha ganacsi ayaa dadka ku jira u sheega in ayan dhaqdhaqaaq sameyn oo iska soo bixiyaan lacagaha iyo telefoonada gacanta ee Mobilka oo badanaa ay sitaan 3-dii qof oo soomali ah qof,
Dhaca iyo boobkan ku soo cusboonaadey ayaa tuugada waxa ay u adeegsataa pastoolada iyo qoryaha mararka qaar waxaa dhac in ay xabad kaga fakato ruux iyagoo baxsad oo qofkaasi halkaasi ku geeriyooda sida hada ka hor dhacdey oo tuugo baxsad ah wiil soomaali ah ka hor yimid ka dibna xabad isaga reebay.
Boobkan iyo dhaca ayaa waxba aysan ka qaban Booliiska Magaalada, dadka qaar ayaa tuhunsan in falkan ay geystaan Booliiska qudhooda oo soo xirta dhar cad ee shacabka lagu yaqaan.
Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa cafis u fidiyey Tuugo gaareysa 5-kun oo xabsiyada kenya laga sii daayey munaasibada Ciida diinta Masiixiga awgeed oo ku beeganeyd 25-Disembar,2003.
dhcitaankan ayaa sababey ka dib markii laga waayey wadooyinka Boliiska lugta ee xaafada EastLight iyo tuugada oo iyana rabta in ay helaan lacag ay kaga gudbaan maalmaha ciidaha diinta Masiixiga iyo sannadka cusub oo ruux walbaaba oo haysta diinta masiixiga aado halka uu degenaa.
dhan kale ayaa waxa la tuhmayaa in Boliiska Kenya oo waayadan Dawlada Kenya kala dagaalantay qabqabada Soomaalida oo loogu soo gabanayo sharci keen ama lacag keen,haddii uu sharciga keenana waxaa lagu eedeynayaa waa saacad danbe ee ama lacag keen ama waa lagu xirayaa.
Dawlada Kenya ayaa maalmahn danbe ka warheyn Amaan magaalada Madaam dhawr maalmood fasaxa shaqada laga yahay oo ciidanka Boliis aan shaqo badn qaban.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi Kenya.


Madasha Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi ayaa maanta iyo shaley waxaa la hadal hayaa magacyada dadka ka qayb gali doona Kulanka lagu balansan yahay in uu ka dhaco State House-ka dawlada Kenya ee Nairobi 9-bisha janaayo ee 2004.
Tirada saxda iyo magacyada dadka ka qaybgalaya Kulanka Gooni u baxa 9-Janaayo In kastoo wali la helin ayaa Ergada Shirka Soomaalida iyo aqoonyahanada Soomaalida ee dibada iyto Guddahaba la is weydiinayaa in magacyada la soo gudbiyey ,tirada la isla magacyada ayaa la sheegaya in ay kor u dhaaftey 70-qof magacyadooda oo ruux walibaa aaminsan yahay in uu ku jirro.
Hogaamiyayaasha Soomaalida ee shirka ka qaybgalaya ayaa wali tagan Mowqifkoodii 25-qof oo saxiixayaasga lagu daro Muddane Cabdiqasim Salaad Xasan.
Kulankn gooni u baxa ayaa markii la goaamiyey ayaa shirka wadahadala Nabada soo galey Hakad Muddo haatan laga joogo ilaa 2-bil qiyaastii.
shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa horey u hakadey ka dib markii la ansixiyey Buuga Axdiga iyo Dastuur oo Hogaamiyaal ku sugan Soomaaliay ay ka maqnaayeen.
shirka ayaa wali ku jira wajiga labaad ee qorista buugaagta Guddiyada oo 5-ka mid la isla ogolaadey halka Buugga Axdiga iyo Dastuurka Doodiisu qaadatey 2-bil.
hogaamiyayaasha ku sugan Madasha Shirka ayaa wali ku doodaya shirka waxa uu marayaa wajiga 3-aad ee qaybsiga Xubnaha Baarlamaanka iyo awood qaybsida Dawlada federaalka oo doonayo in lagu dhaqo 4-sanno ee soo socota Soomaaliya.
dhamaad .
Abdikarim aden Hussein
Nairobi,Kenya.

Faafin SomaliTalk.com | December 29,  2003 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]