SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

December 30, 2003

Qabyaaladda iyo Biyaha

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Madaxweynhii ugu danbeeyey ee Soomaaliya waxaa lagu naynaasi jirey Afweyne, wuxuuna ahaa nin caqli badan, laakiin waxaa lagu xaman jirey in uu fuley ahaa.

Ama feley ha ahaado ama geesi ha ahaado ee waxaa 1990 afkiisa laga maqlay asaga oo leh: ”Saddex arrimood baanan waagaayadii hore ka fiirsan, waana in ay ragga iyo dumarku siman yihiin, in ay qabiilooyinku isku mid yihiin iyo in aan dalka Jibuuti canfar u diidey oo soomaali u dhiibey”.

In ay ragga iyo dumarku siman yihiin khalad ma aha, oo ma ay jirto cid sheegi karta wax ay ku kala duwan yihiin oo aan ahayn sida ay ku kaadiyaan, laakiin markii dhaxal laga hadlayo waxay diinta islaamku sheegtay in ragga loo sadburiyo, taasina malaha ma aha in ay dumarku ragga ka liitaan. Xagga garashada markii la baaray mid kastaa siyaalo ayuu kan kale kaga sarreeya, oo ma jiro qof xishoonaya oo ku dhiirran kara in uu labadooda mid caqli badan yahay isku celcelis ahaan, laakiin waa ay jiri karaan dhaqamo dumarka liida sida dhaqanka soomaalida oo sida badan odayaal caaqyo ah madax laga dhigto.

Ragga iyo dumarka labaduba waa ay fiican yihiin, isla markaas qabiilooyinka iyo ummaduhu dhammaantood waa ay fiican yihiin, hase yeesho ee waxaa mudane Afweyne la weydiiyey sababta uu uga shallaayey in uu Jibuuti ugu kala hiilliyey canfar iyo soomaali.

Hadalkii uu ku jawaabey wuxuu la macne ahaa maahmaah soomaaliyeed ee caan ah, taas oo ah: ”Qabyaaladda iyo biyuhuba waxay ka soo rogmadaan woqooyi, waxay u qolqolaan koofur”.

Wuxuu sheegay in ay Jibuuti soomaalida kale ku soo kordhin karaan qabyaalad keli ah, sidaas darteedna ay fiicnayd in ay qolada canfarta ahi siyaasadda dalkaas hantiyaan si ay soomaalida uga dabbaalaan qabyaaladda ka soo burqanaysa xagga woqooyi.

Xassan Guuleed Abtiddoon nin la oran oo dalkaas yar ee Jibuuti cabbaar keligitaliye ka ahaa baa wuxuu ka hadlay arrin yaab leh oo soomaalida iyo caalamkii maqlayba argagax ku riddey. Waxaa la weydiiyey arrimo ku saabsanaa madaxbannaanikusheeggii Jibuuti iyo dagaalkii Ogadeen.

Su’aashii la weydiiyey inta aynaan sheegin waa in la ogaado in qaranimokusheegga Jibuuti uu ku dadaaley mudane Afweyne, oo uu xoolo iyo xoog badan u huray. Markii uu dagaalku dhexmaray Mingisto iyo Afweyne waxay Jibuuti u dhwaayeen dhanka Mingisto, oo abaalkii kacaanku wuxuu la mid noqday kacsigii murwo Arraweelo iyo jacaylkii mudane Cilmi-Boodhari laga sheegi jirey. Diyaaradaha Afweyne waxaa loo diidey in ay duulaan hawada Jibuuti.

Xassan Guuleed wuxuu sheegay in degaanka Ogaadeen ay ku xoog badan yihiin beesha Afweyne, oo sidaas awgeed haddii ay awood siyaasadeed helaan ay ka sarraynayaan beelaha la dega aagga Ogaadeen oo ay malaha beeshiisu ka mid tahay! Wuxuu sheegay in ay beelahaas soomaalida ah u fiican tahay in uu Mingisto wada haysto si aysan midina xoog siyaasadeed wegilgeed u yeelan.

Intii ay dagaallada caaqnimda ahi Soomaaliya siiba Koofur ka socdeen wuxuu Xassan Guuleed ku foorarey aragti uusan qof diin iyo damiir lihi isku hawleen ee ah ”Yey reer hebel geeska Afrika awood danbe ku yeelan”.

Faasuqnimadaas tillaabooyin ku saabsan ee waaweyn buu qaaday, laakiin waxaa fashilayey in ay arrintaasi ka soo horjeeddey dhabta Soomaaliya ka jirta iyo dadnimada iyo diinta, waayo qabyaaladdu waa iska caaqnimo aysan waxba ku hirgelin, ee qofka rumaysan keli ah ciil ku disha.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu dhawr jeer xariir la sameeyey Maxamed Ibraahim Cigaal oo uu u soo bandhigay sidii ay qabyaalad isugu kaashan lahaayeen. Aragtidaas waxaa salkeeda lahaa Xassan Guuleed, waxaase si xamaasad leh ugu dhaqmay Ismaaciil oo Cigaal u soo bandhigay in aysan siyaasadda soomaalidu qabyaalad iyo qoloqolo ka maarmin.

Ujeeddada ay kala dhaxleen Xassan iyo Ismaaciil oo Cigaal lagu baryayey waxay ahayd in ay beeshooda, beesha Daahir Riyaale iyo beesha Cigaal isku beel noqdaan si uu iskudarkoodu u ahaado beel xooggan ee dhanka woqooyi ka jirta ka dibna ay ula sii midoobaan meesha Cabdiqaasim oo malaha koofurta shishe ku badan.

Cigaal wuxuu qabyaaladda u lahaa 70 sannadood oo waayo’aragnimo ah, wuxuuna ogaa in aan xamaasad iyo degdeg lagu gaari karin nabad iyo horukac siyaasadeed. Waxaa la rumaysan yahay in ay laftiisa iyo rag kale horay u tijaabiyeen magac lagu midaynayey beelo soomaaliyeed ee aad u badan oo kala degaan fog, ka dibna muddo lagu shaqeeyey, laakiin aan sidii la rabey u mirodhalin. Sidaas awgeed buu ka cagajiidey in uu dib ugu laabto aragti horay loo soo tijaabiyey.

Hoggaamiyaha Jibuuti waxay aragtidaas qabyaaladda ahi ugu soo noqonaysey sidii kubbad derbi lagu dhuftay, waayo wuxuu Cigaal ku adkaystay in uu beeshiisa iska imaansanayo oo uu sugayo inta ay beelaha soomaaliyeed hoggaamiyelaal uu kala xaajoodo yeelanayaan. Cigaal wuxuu beesha ku maaweelinayey in ay keligood noqonayaan waddan madaxbannaan, wuxuuna maaweeladaas ku sugayey in ay dadyowga kale colaadaha iska daayaal oo uu mid kastaa soomaalinimo u soo hiloobo.

Cigaal wuxuu isku hawlay in gobolka yar ee uu sheegtaa uu nabad noqdo iyo in aysan beelaha dhinacyada ku haya isku dhicin, isla markaas haddii ay shacab kale ee soomaaliyeed Hargaysa yimaadaan in aan la layn ama la xirin ee ay iska joogaan ama ayaga oo nabdoon la laabtaan, waayo in dadka socotada ah la laayo ama raafo qabyaalad ku riixdaa malaha Cigaal shakhsiyan ma ay gubayn.

Dhanka Jibuuti waxaa weligeed ka jirtey qabyaalad beel gaar ah (beesha Maxamed Siyaad) la xirxiro oo la raafo, waxaana loogu marmarsiinyoon jirey in ay shisheeye yihiin. Degaanka Ogaadeen qaarkiis waxaa dega beesha Xassan Guuleed, waxay markii ay Jibuuti yimaadaan la mid yihiin dadka reer Jibuuti, hase ahaato ee soomaali kale ee degaanka Ogaadeen ka timaadda ayaa waxaa laga buuxiyaa xabsiyada ayaga oo qabyaalad keli ah lagu ximinayo.

Markii uu muddo dheer Cigaal diidey in uu xubin ka noqdo qabiilooyinka la midaynayey si ay kuwo kale isugu gaashaanbuursadaan ayaa waxaa aragtidaas loogu beddeley mid aan dhaamin. Waxaa loo soo bandhigay in shir lagu qabanayo Jibuuti oo beesha Cabdiqaasim nin madaxweyne noqda laga soo baarayo, ka dibna uu Cigaal noqonayo Ra’iiska wasaaradaha, taas oo loo sheegay in ay tahay jagadii uu Afweyne ka boobay, ayna tahay mid uu mar kasta asagu mudan yahay.

Arrintaas wuxuu Cigaal kaga jawaabey in aysan madaxnimadu sidaas u qiimo liidan ee ay ku xiran tahay in waxyaalo badan la isla lafoguro, oo si rasmi ah loo heshiiyo, somaalida oo dhanna wax u cuntama loo dhiso. Dooddaasi waxay keentay in uu hadalkii ka taagtaagmey Cigaal iyo Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay xataa arrintii cay gaartey.

Sidaas Ismaaciil kuma uu harin ee wuxuu Hargaysa u diray Cabdiqaasim oo uu ku yiri: ”Madaxweynaan kaa dhigayaa ee Cigaal u soo ballanqaad in uu ra’iisulwasaare noqonayo, haddii uu diidana u soo ballanqaad in uu asagu madaxweyne noqonayo oo jagadaada uga tanaasul, si uu ra’iisulwasaare adiga kaaga dhigo”!

Cabdiqaasim waa qof u nugul in la dirsado oo xilligii kacaanka sidaas ayuu ahaa, wuxuuna asaga oo xiimaya oo xuurtaysan Hargaysa ugu orday sidii hal takaraysan, wuxuuna Cigaal ula tegey wax uusan moogayn oo ah in shir khafiif ah indhaha dadka la tusayo, uuna nuxurkiisu yahay in Cabdiqaasim Salaad-Boy uu noqdo madaxweyne!

Ma shaki baa ku jira in uu hadalkaas Cigaal ku qoslay? Wuxuu ku yiri: ”Waryaahee madaxweyne dhegta ayaad ka maqashaye hawsha ay soomaalidu u baahan yihiin ma aha wax caynkaas u sahlan. Midda kale qabyaaladdaan aad la xuurtaysan tahay horay baannu ugu daalney, oo wax aan dhibaato ahayn lagama dhaxlo”. Wuxuu Cigaal u sheegay uusan Ismaaciil Cumar Geelle bixin karin jagooyin Somaaliya ku saabsan ee ay maamullada iyo hoggaamiyeyaashu ku heshiin karaan sidii dalka loo nabadayn lahaa oo barlamaan iyo xukuumad macquul ah loogu samayn lahaa.

Qorshaha uu Ismaaciil watey wuxuu ahaa in saxaafadda laga sheego shir uu qof kastaa ka soo qaybgeli karo. Adduunka lama arag shir uu qof kastaa ka soo qaybgeli karo oo siyaasad iyo maamul ku saabsan. Qof waalan, dibjir, tuug, khamarji, aalkolayse, qof jirkiisa gata, maangaab, jaahil iyo heer kasta ee ay nafi ku jirto baa cunto dabka loo saaray, oo lagu yiri: ”Waxaad melelaysaan siyaasadda iyo beelaha soomaalida”!

Markii uu Cigaal waxaas ku qoslay baa waxaa la doondoonay dad kale oo aan xishoonayn, waxna aan ka beddeli karin duruufaha soomaalida ee risaaqad ay leefleefaan u xilanayey, ee sharaf adduun iyo mid aakhiro u jeedin.

Iskaashigii qabyaaladda oo uu Cigaal ka dhego’adaygay xoogaa buu wiiqmay, waxaase lagu mintiday sidii ay wax uga hirgeli lahaayeen iyo sidii nacfi loo heli lahaa. Isla markaas waxaa dadkii Jibuuti dhoobtay loo sheegay in ay Cigaal, Riyaale iyo Ismaaciil isku beel yihiin, oo waxaa la dabogabtay qorshihii uu Cigaal ka maagtey.

Isku darka beelahaas waxaa loo daliishadey in ay yihiin beelo laga badan yahay, oo markii ay midoobaan isku noqon kara beel macquul ah, oo u dhiganta beesha Cabdiqaasim! Midaynta heelaha intaas keli ah loogama jeedin ee waxay mustaqbal u ahayn in beesha Ogaadeen iyo Puntland ku dhaqan la iska dugsado. Iskaashigaasi Cigaal uma uu laacin, ee wuxuu iska iimaansaday dekadda Berbera iyo magaalada Hargaysa, wuxuuna aamminey Rabbigii abuurtay ee qabyaalad ma uu aamminin.

Geeridii Cigaal wuxuu qalbiga Ismaaciil Cumar Geelle la dillaacay farxad uu la dhacay sida uu ugu bannaanaaday jid uu qabyaalad ka xurbiyo. Sidii bayna noqotay oo waxaa kursigii marxuumka ku barraaqsaday qof la hubo in Afweyne jaajuus u ahaan jirey, oo ay asaga iyo Ismaaciil shaqooyin isla mid ah oo mareen, haddana ay dookhooda iyo balwaddoodu isku mid yihiin.

Waxaa yaab leh in magaalada Hargaysa dhexdeeda laga taagey taallo ku saabsan diyaaraddii lagu rusheeyey, si dadka loo nebcaysiiyo kacaankii, isla markaasna uu madax ka yahay jaajuuskii ugu weynaa xukuumaddii magaalada duqaysay! Qabyaaladdu waa caaqnimo, waayo haddii maanta Gaanni iyo Barre Hiiraale Hargaysa lagu arko waa la toogan lahaa, waxaana toogan lahaa qof laftiisu magaalada nimankaas la gubey.

Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xassan Guuleed waxay weligood ahaayeen hoggaamiyedhaqameedyo beelo ka fakara, waxaase haatan bilowday colaado qabyaaladeed oo caaqnimo ah. Jibuuti waxaa dhawaan lagu qabqabtay dad soomaali ah oo isku beel ka soo jeeda, waxaana loola dhaqmay si ka baxsan akhlaaqa islaamka iyo midda dadnimada. Waxay dadku u badnaayeen beesha ku dhaqan degaanka Ogaadeen, waxaana lagu silciyey xabsiyada Jibuuti, oo dabadeed intii aan xabsiyada ku dhiman waxaa loo xaaqay si aan naxariis lahayn!

Dirirdhaba aaggeeda soomaalida ku dhaqan qaarkood waxay la beel yihiin Ismaaciil, waxaana loo qabaa in ay reer Jibuuti yihiin, waayo xeer aan qabyaalad ahayni malaha Jibuuti iy aaggaas kama uu jiro.

Tillaabaooyinkaas qabyaaladda ah oo uu Ismaaciil Cumar Geelle had iyo jeer qaado wuxuu ku faafiyey heelihii uu horay uga dhaadhiciyey in ay iska dugsanayaan cadow ku hareeraysan. Waxaa aragtiyahaas cuqdadda cuskan malaha ku farxay Daahir Riyaale Kaahin, oo ay Ismaaciil isugu bogeen sida ay xubnaha laga dhalaa isugu bogaan si ka daran.

Soomaali badan baa waxaa qabyaalad darteed looga raafay Berbera, Burco iyo Hargaysa, oo sida ay warar culusi sheegayaan inta la dhacay qaar loo gacangeliyey xukuumadda Itoobiya, qaarna oo ay Baydhabo iyo meelo ka fog u luudeen, oo ay qaarkood jidka ku geeriyoodeen.

Ma ay jirto caddayn muujinaysa in aysan dadkaasi degaanka xaq u lahayn, ee qabiil baa u ah calaamad lagu garto. Qofku meel kasta oo uu ku dhashay haddii uu beel la rabo yahay waa uu joogi karaa Jibuuti iyo Hargaysa, laakiin boolisku hayb buu u tabobaran yahay, oo qabiilooyin gaar ah buu soocdaa!

Shirka Nayroobi ka socda ayaa sii badiyey qabyaaladda maskaxmartay Geelle iyo Riyaale, oo raafkii waxay ku xijiyeen in colaado qabyaaladeed laga shido beelaha dhexdooda. Beesha Puntland deggan baa ayaamaan aad loogu hanjabayey, oo wuxuu Riyaale sheegay in uu teer iyo Qandala cagta marin karo!

Cigaal wuxuu ahaa ishiqaate soomaalida kala yaqaan oo sidii uu u noolaan lahaa xoogaa ka og, laakiin waxaa ku hoosnabnaa dhawr nin oo ay isku hayb ahaayeen, oo aan weligood meel u dhaafin 150km oo u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa. Kuwaasi waa dadka Riyaale beteriga ku gura, oo ku yiraahda ”Sidaas iyo sidaas yeel!”. Riyaale wuxuu marti u yahay dhawr nin, oo uusan hadal ku soo celin karin, kuwaas oo ku qayila cawino ay dalka Israa’iil iyo meelo kale ka helaan.

Waxaa laga yaabaa in ay denbi tahay in Daahir Riyaale la soo hadalqaado maddaama uu nin marti ah yahay, oo uusan aragti lahayn, ee uu yahay magacuyaal aan qaadi karin eedaha ay soomaalidu ceebaha dhacday la yaabban yihiin. Waxaaba laga yaabaa in uusan heli karin fursad kale ee uu ku noolaado haddii uu ku gacansayro talada ay wiilasha qayilayaa habeenkii ku marqaamaan.

Waxaynu soo sheegnay in ay qabyaaladu tahay xeerka ay guud ahaan soomaalidu ku kala baxaan, gaar ahaanna reer Jibuuti iyo reer Hargaysa. Sidaas awgeed caqliga kuma ay soo dhici karto in uu Riyaale ka amardiido dhallinyarada ay Cigaal dad isu xigaan ee reer Hargaysa.

In uu Riyaale ku guulaystey in uu meesha magac ahaan u fadhiyo waxaa keenay in weli la xurmaynayo Cigaal maaddaama uu kuxigeen ka dhigtay si uu ugu soo jiito Awdal, oo aan dhaqaalaha waxba laga siin jirin, ee laga soo guurey markii wax lagu dhisay oo la iska illaawey, sidii gabar la dalaaqay.

Waxaa la sheegaa in uu habar indhola’ oo waalan rati la duubay oo ay markii uu la ordayey ay ku celcelisey: ”Waa sidaan rabey, waa sidaan rabey”! Waxaa dhici karta in uu Riyaale hoos oo hoos uga ciilqabo ragga qabiilka ugu taliya oo Awdal ka qadiya xoogaaga lacagta, oo uu sidaas darteed u faraxsan yahay in ay agaggaarka ka holcaan dagaallo qabyaaladeed si uu ugu celceliyo ”Waa sidaan rabey”.

Qabyaaladdu waxay dhashaa gaajo, caato, arrad, ciil, tuugo, qaxooti, murugo, oohin, geeri iyo malaayiin xumaanood oo aynu uga jeedno dalkeenna iyo dadkeenna. Sidaas oo ay tahay soomaalidii waa lagu soo kari waayey wax aan qabyaalad ahayn. Waa dad yar oo dega dhul weyn ee fiican, waxaana nolosha u qoonsaday qabqableyaal uu Ismaaciil Cumar Geelle ugu khayr daran yahay.

Shaafici Xassan Maxamed

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

 

QORAALADII HORE EE SHAAFICI

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Dec 30, 2003

»NIN AAN KUU HIILIN DOONIN YAANU KU HODIN! [Daahir] 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]