SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
Aabe Soomaaliyeed oo dacwad loogu soo oogaay afduub uu u geystay carruurtiisa.

Aabe soomaaliyeed oo degan magaalada Gothenburg ee dalkan Sweden ayaa waxaa dacwad ku soo oogtay xaaskii hore kadib markii ninkaasi uu carruurtii ay isku dhaleen afduub uga kaxeystay xilli ay carruurtaasi booqasho ku joogeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wado bey furatay Basaasadii Soomaaliyeed ee Norway... GUJI...

VISA-HA DJABUUTI OO LOO DIIDAY GABDHA SOOMAALIYEED EE KA 18 JIRKA EE KU NOOL DALKA NORWAY

Ninkan ayaa lugu eedeynayaa in carruurtiisa iyo xaaskiisii uu iminka laga joogo sadex sanno ay fasax u aadeen dalka Kenya halkaasoo muddo gaaban kadib ninkii uu sadexdiisi carruur ahaa ula dhuuntay dalka Soomaaliya, islamarkaasina ay ilaalo ka hayaan dad lagu sheegey ehelada ninkaas si aaney carruurtaasi uga soo baxsan.

Haweeneydii carruurtaasi dhashay ayaa iyadu sheegtay iney taleefan kula hadli jirtay carruurta mudaddii sadexda sanno aheyd, waxaana ay hadalkeeda ku dartay intaasi in carruurteeda oo 17 jir iyo 14 jir ay aad u liitado xaaladooda caafimaad iyadoo ay u dheer tahay cabsi iyo wel wel ay ka qabaan dadka ilaalada ah ee iyagu xabsi ahaanta meel uga haya.

Qareenka u doodaya haweeneydan soomaaliyeed ee dacwada ninkeedii hore ku soo oogtay ayaa sheegay iney haweeneydaasi ku jirto xaalad adag oo cabsi badan, hase ahaatee aaney marna ka rajo dhigin iney markale aragto carruurteedii oo aabahood ka kaxeystay.

Qareenka ayaa intaas hadalkiisa ku daray iney adag tahay in carruurtii dalka Soomaaliya laga soo kaxeeyo xilligan iyadoo dowlada la'aanta dalka ka jirta ay u sabab tahay, balse haddii ninka caadaadis badan la saaro luguna xukumo in carruurta dalka dib ugu soo celiyo ay markaasi dhici karto in la keeno carruurtaasi.

Ninkan soomaaliga ee lagu eedeyey inuu afduubtay carruurtiisi ayaa isagu gebi ahaanba iska fogeeyey eedeymaha loo heysto. Waxaana uu qarka u saaran yahay in la xirro xarig sanado badan ah iyadoo lugu eedeynayo inuu sameeyey falal ka dhan ah xaquuqada carruurta iyo qawaaniinta dalkan Sweden.

Dhacdooyinka noocan ah ayaan aheyn markii ugu horeysay ee ay waalidiin badan oo soomaaliyeed ay carruurtooddii kala cararaan dalalka shisheeyaha ah iyagoo ka cabsi qaba in carruurtoodu dhaqan doorsoonto. Muddo aan sidaasi u dheereyn ayaa wiil soomaaliyeed oo magaciisa lugu soo koobay Axmed dacwad ku soo oogay hooyadii dhashay kadib markii uu wiilkaasi sheegay iney geysay magaalada Muqdisho halkaasina uga soo dhuumatay waxa uu ku sheegay bahalo iyo dal aan ka jirin nidaam oo ay ka taliyaan burcad hubeysan iyo dagaal oogeyaal laga amar qaato. Wiilkan soomaaliga ah ayaa muddo labo sano kadib dalkan Sweden dib ugu soo laabtay markii uu juhdi badan u maray sidii uu markale cagaha u soo dhigi lahaa meeshii laga kaxeeyey markii hore ee dalkan Sweden.

Ikraam Cali-kaar

Gothenburg, Sweden

ikraam@journalist.com

 

Faafin: SomaliTalk.com Dec 3, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD