SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
 

War-1-2,December,Mbagathi,Nairobi.
Kolonzo Misoyoka:-TNG waxaan u Aqoosan nahay…………………………..

Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Kenya Muddane Kolonzo Misoyoka ayaa Hogaamiayaasha Soomalida u sheegay in 10-berri Mombasa lagu maqnaan Doono.
Wasiirka oo ka hadley talefinada iyo Idaacaha dalka kenya waxa kaloo uu sheegay in 40- Hogaamiye la casuumay oo uu ku jiro Madaxweynaha Dawlada KMG, TNG-na Cadiqasim Salaad Xasan Loo Aqoosan yahay.
Wasiirka oo sheegay in Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow iyagna ay ka mid yihiin Hogaamiyayaasha Siyasada Soomaalida oo ka qayb galaya Kulanka 9-desember oo lagu qaban doono Mombaasa.

Hogaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida waa in ay xal kama danbeys arrinta soomaaliya ku soo gaaraan 10-maalmood oo Magaalada Mombaasi lagu maqnaan doono ayuu yiri wasiirka oo hadalkaasi u dhigayey si digniin ah.

Waxaa kaloo uu raali galin ka bixiyey xiridii hogaamiye Morgan oo wasiirka ku sheegay in ay qaladka ay leeyihiin Ergada Soomaalida oo halkii qof 3-hotel ama 4-hotel qolal ka degayo, waxaan ka loo u sheegeynaa arrintan xirida waxa keenay in hal hotel dhamaan ergada la isu geeyo si loo ogaado amaanka Ergada Somaaliyeed oo ilaa iyo 5-Ruux oo ka mid ah Ergada lagu dilay meelo ka baxasan goobta lagu shirayo.

Dawlada Kenya ma Ilaalin karto ama masuul kama noqon karto qof maalinba qol ka degaya hotelada magaalada waayo qololkii hore isaga ayey u xiran yihiin ,sidaa darteed IGAD hal qof dhawr qol kama bixin karto ,waayo magaalada qofka dan ka yeesha gaari ayaa lagu qaadayaa waana la soo celinayaa nagama foga magaalada Nairobi 25-km ayey noo jirta ayuu yiri Mudane kolonzo oo raali galin dheer ka bixinayey xarigii Gen.Maxamed Saciid Xirsi Morgan oo dhawaan lagu xiray saldhiga Dhexe ee Boliiska Magaalada Kenya.

Ugu danbeytii wasiirka waxa uu ka codsadey in ay hogaamiyayaasha Soomaalida ay xal kama danbays ah soo gaaraan iyagoo eegaya dhibka heysta shacabka Soomaaliyeed oo ay Masuulka ka yihiin ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey.
Dhamaad.


War-2-2,Desmber,Mbagathi,Nairobi.
Mowliid Macaani :-waxaan sacuudi u aadney……………………………..

Hogaamiyaha siyaasada ee Beesha Jareer weyne Muddane Mowliid Mane Mohamud ayaa ku soo laabtey Madasha uu ka socdo wadahadalada Nabada Soomalida oo haatan ka Socda Mbagathi,Kenya. 
Muddane Mowlid Macaane ayaa ii sheegay in safarka sacuudiga ujeedadiisu aheyd oo kaliya in ay ka qayb galaan tukashada salaada habeenka laylatul qadriga oo ku aadan 27-bisha barakeysan ee Ramadaan. (qiyaastii).

Gudoomiyaha mar aan waydiiyey in dawlada sacuudi ay kawa hadleen arrimo ku saabsan siyaasada Soomaalida iyo dawlada Sacuudida waxa uu igu jawaabey anaga ayaa waxaan weydiisaney Dawlada Sacuudiga in ay nasiiyaan fiisada Cimrada anagoo 3-qof ah, waana ay noo ogolaadeen .

Mar aan weydiiyey suaal ku saabsaneyd idin iskiin maad u soo duceysaneyseen mise waxaad masuul ka aheyn hogaamiyayaasha siyaasada iyo dhaman ummada Soomaaliyeed,
Waxaa uu igu jawaabey cibaadeysiga masuul laiskama noqdo oo nin walba isaga ayaa iska masuul yahay mar haddii uu qofku gaangaaro.

Safarka Mowliid macaani ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Raisul wasaarihii DKMG Xasan Abshir Faarax iyo wasiirkii Hore ee Xanaanada Xoolaha mudane Cabiwahaab oo ahaa wasiiradii Ra'iisulwasaarihii Xasan Abshir ka horeeyey.
Dhamaad.


War-3-2,December,Mbagathi.Nairobi.
SRRC OO KA HADASHAY ARAGTIDA RETREAT-KA

Qoraal ay soo saareen Isbaheysiga siyaasada Soomaalida ee SRRC ayaa ay maanta ku cadeeyeen artagtida iyo qorshaha Retreatka oo 10-maalmod Mombassa loogu maqnaan doono.

Qoraalka ayaa waxa ku bilaawdey sidan isagoo aan soo koobey:-

1- Marxalada uu soo marey shirka iyo mudada sanadka iyo dheeraad ah,waxaa kaloo qoraalka qoray heshiisyadii kala duwanaa shirku soo marey iyo 24-hogaamiye oo saxiixay heshiisyadaasi, oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirada Arrimaha Dibada Dalka Jabuuti iyo xubno kale oo mihiim ah oo ka kala socday Beesha caalamka.
2- Isbedelkii Madaxaweyne Mwai Kibaki uu ku sameeyey shirka oo bedelay wakiilkii dawladada kenya ee shirka Soomaalida Elijah Muwangala iyo Bathweul Kipligat oo shirka dib u heshiisiinta soo garsiiyey wajiga Seddexaad ee qaybsiga Xubnahaha Baarlamaanka isagoo wakiilka adeegsadey khibrada iyo waayo aragnimada uu uleeyahaya shacabka soomaaliyeed iyo xalin khilaafaadka dawlda qaarada Afrika.
3- xakameyntii Ergda shirka ka qaybqaadaneysa oo saldhig looga dhigay 4.5 habka qabiil qaybsiga Soomaalida iyo tirada ergada oo laga dhigay 361-Ergo.
4- hawlihii kala duwanaa ee 6-guddi oo ka soo shaqeeyey qorista iyo habeynta barnaamijyada siyaasadeed, dhaqaaladeed, bulshadeed iyo midka nabadeed iyo maamul u dajinta dawlada larabo mustaqbalka in loo dhiso ummada Soomaaliyed.
5- heshiiskii 5-luuliyo ee hogaamiyaasha soomalida iyaga gaareen ,iyadoo aysan ku dhex jirin IGAD iyo Beesha caalamka.
6- 15-Luuliyo ansixntii Qoraalka Buuga Axdiga iyo Dastuurka KMG oo Soomaaliya lagu dhaqi lahaa iyagoo ay goobjoog ka ahaayeen IGAD iyo Beesha Caalamka.
7- wajiga 3aad ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee qaybsiga Awood oo hadda meel fiican marayo iyo xulida xubnaha baarlamaanka oo meelfiican marayo.

Sidaa darteed anagoo u dhabar adeegnay Geedi Socodka Shirka Nabadeyn Soomaalida waxaan soo dhaweyneynaa dhamaan talaabo kasto badbaaniyo shirka ,waxaan si cad ugu soo horjeednaa xeelad iyo tabo kasta oo lagu burburinayo shirka, waxaan Mowqifkooda ku aadan arrinta Retreatku yahay sida soo socota:-

1-in Golaha SRRC uusan waxba ka qabin Barnaamijka Rereatka balse aysan aqbali doonin in hal xubin lagu kordhiyo 24-hogaamiye siyasadeed ee horey loogu aqoonsadey saxiixdeyna heshiiskii xabad joojin iyo wadahadalada Nabada ee Soomaalida,iyadoo ladhawrayo sharciga iyo nidaamkau degsan shirka.
2-in Golaha SRRC soo dhaweynayo 4-afartii hogamiye siyaasadeed ee walaalahooda ahaa ,Ergadoodana si joogto ah ee shiraraka uga qayb galayey in ay si sharuud la`aan ah madasha wadahadala dib ugu soo laabtaan, iyadoo sidoo kale diyaar u ah wada xaajoodka Muddane Cabduqasim Salad Xasan hadii uu shirka yimaado si loo badbaadiyo qarannimada iyo jiritaanka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.
3-in si qeexan barnaamijka Retreat-ka iyo liisaska ka qayb galayasha loo soo gudbiyo hogaamiyayaasha siyaasada Soomaalida si ay ugu baaraan degaan ,ka hor inta aan la tegin Retreatka,haddii taasi la waayo wixii cawaaqib xumo ah ee ka yimaada arrintaasi eedeeda xil nagama saarna.
4-in muddada Retreat-ku soconayo ka badnaan 10-cisho,sidii horey loogu heshiiyey oo loo shaaciyey, isla markaana aan loo adeegsan dano gaar ah iyo ujeedooyin gurracan oo kala fogaasho iyo xasaraddo cusub ka dhex abuuri karta guud ahaan Ergada Soomaalida ee shirka ka qaybgalaeysa,gaar ahaan Hogaamiyayaasha siyaasada Soomaaliyeed intaba.
5-in la dedejiyo dhameystirka wajiga 3-aad ee shirka loona sameyo waqti kama danbeys ah “DEAD LINE”si aan dib dhac danbe ugu iman yoolka ay higsanayaan Ummada Soomaaliyeed oo ah dhismo Dawlad Qaran Dimoqoraadi ah oo loo dhan yahay .

Ugu dambeyn Golaha SRRC waxa uu mahad celinayaa dhamaan Beesha caalamka , Dadaalka hagar la`aan ah iyo taageerada siyaasadeed iyo mida dhaqaale ay u fidinayaan shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda Kenya.

Waxay Golaha SRRC sidoo kale soo dhaweynaya go`aanada dhaxalgalka ahaa ee Wasiirada Arrimo dibadeedyada iyo Madaxweynayaasha Dalalka IGAD ay gaareen 24-25-28 Oktoober,2003 ka soo wada saareen shirarkii ay ku kala yeesheen Kambala Uganda iyo Nairobi Dalka Kenya, kuwaasoo yididiilo cusub ku soo kordhiyey shirka dib u heshiisiinta iyo Nabad ka dhalinta dalka Soomaaliya.

Qoraalka waxaa ku saxiixna :-
Guddoomiyaha Meertada ee Golaha SRRC
Dr.Xasn Moxamed Nuur “Shaati Gaduud”


dhamaad.


Abdikarim aden Hussein
Mbagathi,Kenya
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 2, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD