SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - LAASCAANOOD
Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo maanta si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood

 

Asad Cadaani Ibraahim
e-mail: asadlaska@hotmail.com  

Laascaanood, Soomaaliya

 

 

GURIGII LAGA CAYRIYEY RIYAALE

Waxaa maanta magaalada Laascaanood si weyn looga xusay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Hogaanka Maamulka la magac baxay Somaliland Riyaale Kaahin Xooga lagaga saaray maagalada Laascaanood ka dib markii uu ku yimi booqasho aanay dadweynaha deegaanku raali ka ahayn.

Dhacdadan oo ku beegnayd 7-12 ayaa waxa maanta magaalada laascaanood ka dhacday xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayey mujaahidiintii ku geeriyootay dagaalkii lagu qaaday Riyaale iyo ciidankiisa kuwaas oo ahaa afar mujaahid oo iyagu ku geeriyooday goobtii, waxa kale oo iyaguna halkaasi ku dhaawacmay sadex kale.

Dadweyne aad u tiro badan iyo gawaadhi gaadhaysa tobonaan ayaa saaka aroornnimadii isugu soo baxay wadada weyn ee dhexmarta badhtamaha magaalada Laascaanood, kuwaas oo ay ka muuqatay astaanta qaranka soomaaliyeed , waxayna lulayeen calamada iyo caleemo qoyan.

Dadweynaha halkaasi isugu soo baxay waxay muujiyeen sida ay uga go'an tahay ilaalinta midnnimada Soomaaliyeed, waxayna halkaa uga duceeeyeen mujaahidiintii ku geeriyooday hawlgalkii Riyaale lagaga saaray magaalada Laascaanood.

Iyaga oo gawaadhidii saaran ayey waxa ay dadweynahaasi soo booqdeen gurigii laga saaray Riyaale iyo waftigii uu watay ee sida lama filaanka ah ku yimi magaalada Laascaanood 7-12-2002, waxaana halkaa haddalo qiiro leh ka jeediyey indheergaradka gobolka iyo odayaal, waxayna halkaa ka cadeeyeen sida ay ugu dadaalayaan in ay iyagu noqdaan hormoodka midnnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Waxayna intaa ku dareen in maanta dareenkoodu aad u fiican yahay maadaama ay bulshadani ku guulaysatay in ay ka hortagaan aragtida qaldan ee uu Riyaale iyo kuwa la afkaarta ahi doonayeen in ay bulshadan ku soo jiitaan, waxayna intaasi raaciyeen in ay Riyaale la socdeen wufuud Reer galbeed ah oo doonayey in ay ogaadaan dareenka dadka deegaakani halka uu la jiro, ogaadayna in ay dadkani yihiin bulsho ay ka go'antahay midnnimada Ummadda Soomaaliyeed una heelan in ay naf iyo maalba u huraan.

Oday isagu fagaaraha gurigii Riyaale laga Caydhsay ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in maanta wadadii uu Riyaale maray maalintii uu cararyey loo yaqaane(Riyaale ka carar)oo ay maanta caan ku tahay magacaasi,kuna taalo koonfurta magaalada Laascaanood, wuxuuna intaasi ku daray in ay nimankii caddaanka ahaa ee al socday ogaadeen dareenka dadka deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn.

Xafladii halkaasi ka dhacday waxaa lagu soo gabagabeeyey duco loo ducaynaayo mujaahidiintii ku geeriyootay dagaalkii Riyaale lagaga saaray magaalada Laascaanood, waxayna dadweynuhu balan qaadeen in aanay marnnaba ilaawi doonin mujaahidiintaas, ubadkii ay ka tageena loo baahan yahay in la daryeelo.

7-12-2002 ayaa Daahir Riyaale Kaahin madaxweynaha maamulka iskii isu magacaabay iyo wafti uu hogaaminayo ayaa waxa ay soo gaadheen magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood,waftiga Riyaale oo aan magaalada ku sugnayn laba Saacadood ayaa waxa gurigii uu ku jiray weerar lama filaan ah ku soo qaaday cutubyo ka tirsan xooga qaranka ee maamul Goboleedka Puntland , halkaas oo ay ku kala tuureen qorshayaashii uu watay Maamulka iskii isu magacaabay ee Somaliland.

Wuxuuna Riyaale Kaahin u cararay dhinac koofureed ee magaalada Laascaanood, isaga uu sii jibaaxay Dhulka Hawdka ah ,waxaana la waayey Riyaale meel uu jaan iyo cidhib dhigay muddo gaadhaysa shan saacadood.

Arrinta ayaa waxa ay dhibaato balaadhan u soo jiiday maamulka lamagacbaxay Soomaaliland oo aan ilaa iyo maalintaa lagu arag iyaga oo wax dhaqdhaqaaq ah ka fulinaya gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, ilaa iyo xilligana aan wax muuqda ka joogin.

 Assad Cadaani Ibraahim
Laascaanood Soomaaliya
asadlaska@hotmail.com 
assadlaska@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 7, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE ASAD CADAANI

Sarara-weyne iyo Hargeysa Maxay ku kala Duwan yihiin Asad

sideed iyo tobanka gobol ee ay Soomaaliya ay Ka kooban tahay,

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Zenawi oo Qirtay Weeraro uu Ku Qaado Gudaha Dhulka Soomaaliya GUJI...



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]