SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MADAXWEYNE MUSHARAF OO KA BADBAADAY MU'AAMARAAD

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com

Islamabad: Madaxweynaha Dalka Pakistan Janeral Pervaz Musharaf oo ka soo kicitimay Socdaal hawleed oo ku tegay Magaalada Koonfureed ee Waddanka Pakistan Karachi ayaa waxaa maanta uu inyar u jirsaday in lagu dilo Mu,aamaraad Magaalada Rawalpindi oo wax yar u jirta caasimadda Islamabad,

Pakistan President Pervez Musharraf, November 2003

 ka dib markii Madaxweyne Musharaf iyo Gawaadhi badan oo la socotay kana soo kicitintay Madaarka Militeryga ah ee Magaalada Rawalpindi kuna soo socota Guri uu Madaxweynahu ka degenyahay Magaalada Rawalpindi uu Biriij (bridge) Madaxweynaha iyo Ilaaladiisa oo la socotay laba miridh ka dib markay dhaafeen uu qarax ka dhacay halkaasna dhamaan biriijkaasi ku burburay,

Afhayeen u hadlay Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in aanay qaraxaasi cidi waxba ku noqon Madaxweynahuna uu aad u wanaagsanyahay hadana ku suganyahay Gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Rawalpindi, waa Mu’maraadkii seddexaad ee la isku dayey in Madaxweynaha lagu dilo ka dib markii sannadkii 2002 magaalada Karachi inyar uu madaxweyne Musharaf u jirsaday in lagu toogto, waxaana Maxkamad ku taalla Magaalada Karachi xukuntay laba nin min 10 sanno iyaga oo lagu eedeyey mu’maraadkasi, wax warar ah oo dheeraad ahi kama soo bixin xukuumadda Pakistan.

 QABASHADA SADDAM XUSEEN: SADDAM XUSEEN OO TIKRIT LAGA QABTAY

BAQDAD: Waxaa maalintii shallaytoole ahayd saacadda magaalada Baqdad markay tilmaamaysay 6:00 makhribnimo Guri ku yaalla duleedka magaalada Tikrit laga qabtay Madaxweynahii hore ee dalka Ciraaq Saddam Xuseen, wakhigaasi oo uu ku sugna God ka sii dhex qodan gurigaasi, halkaasi oo la sheegay in ciidamada Xulafada ee ku sugan waddanka Ciraaq iyaga oo ku socda xog sir ah oo ay heleen ay abaareen goobtaasi, inyar ka dib ayaa laba nin iyo Saddam Xuseen laftigiisa oo ku sugan gurigu waxay isku dhiibeen Ciidamadii xulafada oo markaasi guriga isku wareejiyey iyaga oo wata taangiyo,

diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo weliba gawaadhida qufulan, iyada oo aan wax rasaas ahi dhacin ayaa Saddam Xuseen iyo labada nin oo la sheegay inay ka mid ahaayeen taageerayaashisa iyo weliba lacag lagu qiyaasay 750,000 $ dollar waxay isku dhiibeen ciidamadii xulafada ahaa ee aaga ku sugna, saacado ka dib ayaa waxaa warar ka soo baxeen Wakaalada wararka ee  laga leeyahay waddanka Iran, iyo weliba wakaalad ay leeyahiin mujtamaca kurdiyiintu iyaga oo labada wakaaladoodba xaqiiyey in Saddam Xuseen uu ku jiro gacanta Ciidamada Maraykanka,

 inyar ka dib ayaa waxaa laga soo xigtay ninka isagu maamula waddanka ciraaq ee Madaxweyne Bush u magacaabay Mr. Paul Bremer in Saddam Xuseen uu ku jiro gacanta ciidamada Xulafada, Maanta saacadda Baqdad markay ku beegnayd 4:00 Galabnimo ayaa waxaa shir Jaraa,id ku qabtay Hoolka Shirarka saxaafadda ee Ciidamada Maraykanka ee Magaalada Baqdad Janeralka haysta ciidamada Maraykanka ee Ciraaq ku sugan Janeral Ricardo Sanchez, waxaa halkaa ka soo qayb gallay dhamaan suxufiyiinta ku sugan waddanka Ciraaq iyaga oo goobtaasi ula diyaar ahaa inay ka qaadan sawiro la sheegay in laga soo qaaday Saddam Xuseen,

waxaa uu guda gallay Janeral Sanchez shirkiisi jaraa,id wuxuuna sheegay in ay gacanta ku dhigeen Saddam Xuseen uuna hadda ku suganyahay goob amaankeedu aad u suganyahay (Un disclosed secret location) waxaa dabadeedna halkaa laga soo daayey sawiro ah muuqaalka Saddam Xuseen oo gadhku aad ugu baxay, timahu aad ugu baxeen, muuqaalka wejigiisuna aad isku bedelay una ekaa nin aad u daalan, waxaa markaasi baadhayey askari ka tirsan askarta ciidamada maraykanka qaybta caafimaadka, inyar ka dib ayaa magaalada Baqdad waxaa iskugu soo baxay boqolaal qof oo wata gawaadhi qaarna ay lugaynayeen iyaga oo u dabaal degaya qabashada la qabtay Saddam Xuseen, dadka qaarkoodna rasaas ayaabay korka u ridayeen, Madaxweyne George W. Bush oo qudbad ka jeediyey televisionka ayaa wuxuu sheegay inay u tahay maalin farxad leh,

wuxuu usoo jeediyey shacabka reer ciraaq "In aanay dib danbe naftooda baqdin u gelin waxaa dhamaaday maamulkii gacanta adkaa ee 20-neeyada sanno  waddankiina sida sharci darrada ah ku xukumaayey" Madaxweyne Bush waxaa uu ka digay inaan tan lagu tilmaami karin inay dhamaatay hawshii ay ciidamada maraykanku ka wadeen waddanka ciraaq, sidoo kale Ra,isal Wasaaraha Britain Tony Blair ayaa qudbad uu jeediyey ku macneeyey Guul weyn oo usoo hoyatay dadka reer Ciraaq, dhinaca kale Adduunka Carabta ayaa iyaguna ka bixiyey qabashada Saddam Xuseen jawaabo kala duwan, Xogahaya guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muuse ayaa ku tilmaamay qabashada Saddam Xuseen waa cusub oo u beryey Waddanka ciraaq, Waddanka Syria ayaa iyagu ka gaabsaday inay wax faahfaahina ka bixiyaan qabashadan Saddam Xuseen,

Shacabka Waddanka Masar ayaa ku tilmaamay qabashadan Saddam Xuseen iyo weliba sawirada laga soo daayey ee laga daawaday dacalada dunida oo dhan Ceebayn ay maraykanku ula danleeyahiin hogaamiyayaasha carabta, Waddanka Urdun ayaa si weyn usoo dhaweeyey qabashada Saddam Xuseen, Waddankan Pakistan wax jawaab ah kama bixinin qabashada Saddam Xuseen iyada oo maanta uu Madaxweyne Musharaf ka bad baaday mu,aamaraad in lagu dilo la doonayey magaalada Rawal pindi, isku soo duubo tani waxaa lagu tilmaami kara Guul usoo hoyatay ciidamada Xulafada ee ku sugan waddanka Ciraaq, balse ma la odhan karaa amaan darradii ciraaq ka taagnayd sidaasi ayay ku joogsanaysa?

WAXAA SOO URUURIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
       KARACHI, PAKISTAN
MOBILE: 00-92-300-2600907
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 14, 2003

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]