SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

MICHAEL JACKSON OO LA FILAYO IN UU KUSOO BIIRAY DIINTA ISLAAMKA

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Dec 23, 2003

 


Michael Jackson waxa uu ku biiray "Nation of Islam" December 18, 2003 GUJI

LOS ANGELES: Heesaaga caanka ah ee Michael Jackson, ayaa sida warar xogogaal ah oo ka soo baxaya qasriga uu ka degenyahay magaalada Los angeles ee loo yaqaano (NEVERLAND RANCH) waxay sheegayaan inuu ku biiray diinta islaamka, Michael Jackson oo dhawaan Maxkamad ku taalla Gobolka California magaalada Santa Barbara ku eedaysay inuu faraxumeeyey wiil yar ayaa la soo qabtay dabadeedna wuxuu bixiyey 3 Milyan oo dollarka maraykanka ah oo damaanad ah,

sida warar aan la xaqiijin balse xogogaal ahi tibaaxayaan wuxuu Michael Jackson ku biiray Bulshada Islaamka ee Madow ee dalka maraykanka (The American Muslim Community), iyada oo uu ka danbeeyey walaalkii Jermaine Jackson oo la sheegay inuu diinta Islaamka qaatay sannadkii 1989-kii, Jermaine Jackson oo ah walaalka Mickeal Jackson oo ka weyn lana sheego inay iskaga dhawyahiin cayladda reer Jackson ayaa la sheegaya inuu ku dhaliyey walaalkii inuu qaato diinta Islaamka kuna soo biiro ururka Muslimiinta maraykanka,

Mickeal Jackson oo ka caan ah waddanka maraykanka iyo daafaha dunida oo dhan wuxuu soo shaac baxay sannadahii 1980-meeyadii wakhtigaasi oo uu aad uga soo dhex baxay heesaha loo yaqaano (Pop Musics), lix sanno laga joogo ayaa Michael Jackson wuxuu wiil yari ku soo eedeyey inuu faraxumaayey balse Sharciga gobolka California oo uu degenyahay Mickeal Jackson ayaa sii daayey ka dib markii laga waayey qodob lagu oogo, balse wixii intaa ka danbeeyey waxaa loo jeediyey Michael Jackson digniin waxaana waxka bedel lagu sameeyey sharciyada gobolka California, isla sannadkani 2003 ayaa wiil yari wuxuu ku soo eedeyey Mickeal Jackson inuu Faraxumeeyey waxaana Booliska magaalada Santa Barbara u yeedhay Mickeal Jackson inuu isku soo dhiibo isaga oo wakhtigaasi ku sugna Magaalada Las Vages ee gobolka Nevada halkaasi oo uu ku duubayey album cusub oo uu doonaayey inuu soo bandhigo.

Muddo ka dib wuxuu Mickeal Jackson isku soo dhiibay Booliska Magaalada Santa Barbara iyada oo faro laga dhigay xarunta booliska lagana qaaday lacag dhan 3 milyan oo dollar oo damaanad ah, Michael Jackson wuxuu ku tilmaamay eedayntaasi mid aan sal iyo raad toona lahayn balse keliya la doonayo in sumcadiisa wax lagu yeelo, wuxuuna si weyn u daafeeyey inuu arrintaasi ku lug leeyahay, sannadka soo socda bisha january badhtamaheeda ayaa waxaa loo diyaariyey in Mickeal Jackson la hor keeno Maxkamad ku taalla magaalada Santa barbara, isla markiiba qoyska reer Jackson waxay ku dhawaaqeen sida weyn ee ay u barbar taaganyahiin wiilkooga Mickeal todobaadkii hore ayuu Mickeal wuxuu iskugu yeedhay dad gaadhaya 600 oo qof guriga uu ka degenyahay Los angeles ee loo yaqaano (Neverland Ranch) wuxuuna ku qabtay xaflad uu ugu yeedhay (Friends and supporters) isaga oo ku soo jiidanaya dadka isaga taageersan, labadii todobaad ee ugu danbeeyey ayaa waxaa saxaafadda waddanka maraykanka sida FOX NEWS, CNN, ABC, waxay hadal hayeen inuu Mickeal Jackson ku biiray diinta Islaamka iyada oo warar laga helaayo dadka ku dhawdhaw ay xaqiijiyeen inuu ku biiray Michael Jackson ururkaasi (The America Muslim community).

Jackson Top Site List
Walaalkii Jermaine Jackson oo si weyn loo filaayo inuu ka danbeeyey musliminta Mickeal

Shawga weyn ee caanka ka ah dalka maraykanka ee ay leedahay gabadha la yidhaahdo OPRAH (THE OPRAH SHOW) ayaa waxaa weraysi lagula yeeshay maalintii sabtidii 14 bisha December walaalkii Jermaine waxaana lagu weydiiyey siduu u arko eedaynta walaalkii loo soo jeediyey Jermaine wuxuu ku tilmaamay arrintaasi mid aan sal iyo raad toona lahayn wuxuuna ku macneeyey fursad ay doonayaan qoyska dhallay wiilka yari inay kaga helaan Michael Jackson dhaqaale, wuxuuna sheegay inaanay ka madhnayn meesha dad ka danbeeya oo doonaya in ay ceebayaan sumcadda walaalkii, si kasta ha ahaatee Muslimiinta waddanka Maraykanka ayaa siyaabo kala duwan u fasilaya Arrintan la isla dhexmaraayo ee ah Mickeal Jackson ma wuxuu ku soo biiraya diinta islaamka? iyada oo qaar daka ka mid ahi ku macneeyey inuu Mickeal jackson fullinaayo qorshe wal oo uu kaga badbaadayo 25 sanno oo xabsi ah, dadka qaarkoodna waxaabay leeyahiin ilaahay ayaa ku soo hadeeyey.

waxaa soo uruuriyey MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

     KARACHI, PAKISTAN


diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk dec 23, 2003

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

 FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD