SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK -

MADAXWEYNE MUSHARAF OO KU BAAQAY INUU FURINTA KA SAARAYO CIIDAMADA PAKISTAN


Sawirka: www.defenselink.mil

ISLAMABAD: Madaxweynaha Dalka Pakistan Janeral Pervaz Musharaf ayaa isaga oo qudbad ka jeedinaya televisionka qaranka ee waddanka Pakistan wuxuu xaqiijiyey inuu ciidamada Pakistan ka soo saari doono furrinta xuduudka india ee loo yaqaano (Line of Control "LOC"), Madaxweyne Musharaf wuxuu shuruud uga dhigay ciidamada Pakistan ee jooga xuduudka ama furrinta Jammu iyo Kashmir inay ka baxayaan halkaasi ciidamada Hindiya inay ka baxaan dhulka ay haystaan ee Kashmir, Madaxweyne Musharaf oo arrinta ka hadlaya wuxuu yidhi "xaaladda Jammu iyo Kashmir waa hawl siyaasadeed oo u taalla Pakistan iyo India inay miis dushii ku xaliyaan xaggii ciidamo iyo hub labada dhinac la soo dhoobi lahaa" Madaxweyne Musharaf oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi "waxaa jira dedaal labadayada dhinacba ah "Pakistan iyo Inida" oo aanu ku doonayno inaanu wax meel isla dhigno, balse waxaa loo baahanyahay samir iyo deganaan dheerad ah in aanu wax weliba ku dhamayno", Madaxweyne Musharaf wuxuu u soo jeediyey Xukuumadda India inay qaadato go,aan wax ku ool ah oo ayuu yidhi horumar iyo xidhiidh wanaagsan labada dal u horseeda.

Sida laga warqabo waxaa ku sugan xuduudka dheraran ee Jammu iyo Kashmir 500,000 oo ciidamada Pakistan ah iyo weliba ciidamo hal milyan oo askari ah oo hindi ah oo isku hor fadhiya, labada dal xaaladoodu waxay ka dartay muddo hadda hal sanno laga joogo markaasi oo dablay hubsaysani ay weerartay Baarlamaanka waddanka India ka dibna xukuumadda Atal Behari Vajpayee ee New Delhi ay qarka u saarantay inay dagaal ku dhawaaqan dhex mara labada dal ee quwadda Nuclearka ah, dhawaan ayaa la filaya in Ra'sal Wasaare Atal Behari uu booqasho taariikhi ah ku yimaado Islamabad halkaasi oo uu kula kulmi doono Madaxweyne Musharaf iyo Ra'isal Wasaaraha Pakistan Mir Zafarulahi Khan Jamali, waxaana la filaya inuu kala xaajoon doono sidii loo sii ambaqaadi lahaa dedaalka nabadda ee ay maraykanku dabada ka riixayaan laguna doonayo in lagu soo afjaro colaadda qarni jirsatay ee labda dal.

Waxaa Soo Uruuriyey

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

 

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA

Bush oo Difaacay Weerarka uu Dalkiisu ku Qaaday Ciraaq
Warbixintii Maxamed "Diridhaba"... Guji.. Nov 19

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD