SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA
Haddii aan Soomaliya si dhaqso ah dawlad looga samayn dagaal qabiil oo lagu hoobto ayaa ka dhici kara qolo ka badbaadi kartaana ma jirto.

wardheere Maxamuud Nuur Wardheere 

 mnwardere@yahoo.com 

Minneapolis, Minnesota, USA

Dec 19, 2003 

 
Dahabo Shire oo ah hooyo Soomaaliyeed oo 35 jir ah oo dhabta ku haysa gabadheeda yar ee aadka u gaajaysan ayagoo markaas joogey cisbitaal kuyaal xerada qaxootiga ee Dhadhaab (Sawirka AP Sep 28, 2000)

Maanta (Dec 18, 2003) ayaa radio VOI warbixin dheer ka bixiyey sida ay ilaa hadda Soomaalida Qaxootiga ku ah Dhadhaab ay rajadoodu u liidato, rajada ay ka qabaan nabadda. halkan dhegeyso.... Guji

Soomaliya oo mar loo aqoon jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa dadka adduunka hadda ku gartaan Soomaaliya toddobadaan astaan oo kala ah: Warlord, Starvation, Rival functions, kidnap, Chaos, Refugees, Clan warfare. Astaamahan haddii aan af Soomaali ku sheegno waa sidan dagaal ooge, macluul, kooxo iska soo horjeeda, Afduub, fawdo,Qaxooti, iyo dagaal qabiil. Dadka Soomaalida meel kasta ha joogaan dhiilo maahane ma maqlaan dhawaaq farxad leh. Inta la ogyahay Soomaaliya 13kaan sano mar ay ka liidato taariikhda laguma hayo. Waxaa lumay dadkii, hantidii, dhaqankii, garaadkii, diintii, walaaltinimadii, isjacaylkii, iyo wadanimadii.

Dadka adduunka markii ay weydiiyaan Soomaalida waxa ay ku dagaalayaan ama dawlad u dhisan la’ yihiin Somalida waa bixin waayeen jawaab kaafi ah. Xataa kuwii dagaalamay ayaanan garanayn waxa ay ku dagaalamayaan. In badan oo ka mid ah dadka Addunka ku nool ugu danbayntii waxa ay isku qanciyaan in dadka Soomaalida ay macluuli hayso haba ugu horeeyaan hogaamiyaasha kooxaha oo sababta jabhadahii riday dawladda iyo iyo dagaalka qabiilooyinka iyo isku qabsashada daaqa iyo magaalooyinka keentay ay tahay gaajo ka cabsi iyo doolshada yaan dhinacaaga lagaa qadin!.

Hadii uu iimaan jiro waxaan ma dhici lahaayeen?.

Kuwo kalena waxa ay isku qanciyeen in meesha jaahilnimo ku jirto oo Soomaalida aanay garanayn si dawlad loo noqdo ama loo samaysto!.

Hooyo Soomaaliyeed oo carruurteeda aadka u gaajaysan ku haysa xerada xaqootiga ee Dhadhaab (Sawirka AP Sept 28, 2000), ilaa hadda qaxootiga Soomaalida ee halkaas ku dhaqan rajadadooda nabada soomaaliya waa mid aad u hoosaysa.. Dhegeyso warbixintii maanta (Dec 18, 2003) ee VOA Dhegeyso Halkani

Soomaalidii hore oo uu dagaalkoodu u badnaa xoolo la kala qaaday ama gabar la fara xumeeyay ama daaq gaajada ugama baqi jirin sida hadda kuwa dagaalka wada ama abaabula. Keligood ayaa geed hoostiis ku shiri jiray oo heshiin jiray waayo iimaan bay lahaayeen. Inkastoo ay weli jiraan dad soomaali ah oo iimaan leh wixii ilaah siiyayna ku qanacsan haddana waxaa batay kuwa addun raadis keliya u smaynayo wax kasta oo uu ku heli karo.

Beryahan waxaa sii batay dagaalada lagu hoobto ee dhexmara qabaa’ilka Soomaaliyeed oo ah dad walaalo ah oo wada dhashay abti, adeer, eedo, ayeeyo, habar yar, seedi ama dumaashi isu wada ah. Waxa keliya oo joojin kara waa in la helo dawlad sharci ka soo saarta dagaalka qabiilooyonka oo xoog ku dhexgasha oo qoladii nabadda diida talaabo ka qaada.

Xaaladda ay hadda Soomaalidu ku sugan tahay iyo sida uu udhumay kala danbaytii iyo ismaqalkii iyo tirada hubka culus ee gacantooda ku jira marna ma suurtoobayso in ay wax xallin karaan madaxda qabiillada oo awooddii lagala wareegay lana mariyay wadadii dawladdii jamhuuriyadda Soomaaliya la oran jiray Ilaa dawlad dhaqso ah la dhisona dhiigga waa qubanayaa, macluusha waa jiraysaa lacagta been abuurka ah waa jiraysaa, dekedaha iyo garoonada caalamiga ah ee dayaaradaha waa weyn waa xirnaanayaan, shaqo la,aanta dugsi la,aanta ammaan la,aanta daryeel la,aanta, dhac, qaxa, iyo badaha oo lagu dhinto waa soconaysaa.

Anigu cilmul qaybka ma ogi oo ilaah keliya uun baa og.waxaanse ka digayaa dawlad la;aanta Soomaalida iyo qarnigan kow iyo labaatanaad. Hogaamiyeyaasha Soomaalida, wax garadka, aqoonyahannada, iyo dhallintaba waxaan ku boorinayaa in cabsida gaajada iyo sad bursiga, iyo xukun u dagaalankaba la iska dhaafo oo ilaahay dartii iyo ka naxidda dadkaaga uu qof walba nabadda uga shaqeeyo lana dhiso dawlad Soomaaliyeed taasoo u roon qofkasta oo Soomaali ah ama ha yaraado ama ha weynaado. Ka shaqee danta guud tan carrurta Soomaaliyeed ogwna in la noolaan karo adigoo aan madax ahayn inta yare e ilaahay kuugu talo galay inaad noolaato kana tag addunka adigoo aan dulminin qofna.

Maxamuud Nuur Wardheere
mnwardere@yahoo.com    

Minneapolis, Minnesota USA.

 

US Senate: Ninkii Seexdaa Sacii Dibi Dhalay
Soddon saacadood oo soo jeed iyo dhafar ayay ku baaqeen republicans si ay ugu xadaan codka caawa markii ay demoqraadiga hurdoodaan Guji

Dad siyaasad isaga Soo Horjeda ayaa Dejinaya Manhajka Ardada Minnesota
Marka siyaasad iyo waxbarashada caruurta la isku qaldo maxaa ka iman kara?.... Wardheere  Nov 3

Caruurta Soomaaliyeed ee Minneapolis Qaarkood ma Gangs bay ku biireen?
Waa Daraasaad uu sameeyey Maxamuud Nuur Wardheere.. Guji..

QORAALADII HORE EE WARDHEERE

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]