SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Warbixin ku Saabsan Ganacsiga Soomaalida ee Nairobi

Waxaa Diyaarisay:
Mohamed Hassan Ikraam
E-mail: maxamedbashi@yahoo.com
Nairobi, Kenya

Ganacsiga Soomaalida ku nool Kenya waxaa la aasaasay markii ay dagaallada sokeeye ka dheceen dalka Soomaaliya. Inkastoo markii hore uu ku billowday xaddi aad u yar, xilligan la joogo aad ayuu u ballaartay ganacsiga Soomaalida, iyadoo xaafadda Eastleigh oo ka tirsan xaafadaha Nairobi ay maanta caan ku tahay ganacsiga Soomaalida oo meel kasta looga yimaaddo.   (warbixinta oo dhanHoos Akhri

KAAH
Choose kaah for confidence, convenience & competitive, rapid, reliable & responsive

  

Baayac-mushtariga Soomaalida wuxuu la tartamayaa ascaarta badeecadaha suuqyadii horey u jiray. Waxaa aad u caawiyey ganacsiga Soomaalida iyagoo ka madax bannaan suuqyada dalka Kenya oo si toos ah uga keensada badeecadahooda wadammada Asia, gaar ahaan magaalada Dubai iyo Soomaalida oo aan meel kale ka adeegan.

Horumarka ganacsiga Soomaalida waxaa sahlay alaabtooda oo bakhaarada waaweyn ee jumlada iibiya ay iyagu leeyihiin, taas oo u fududeysay kharashkii dibadaha looga keeni lahaa alaabta.

Goobaha ganacsiga Soomaalida ugu waaweyn waxaa ka mid ah; Gaarisa Lodge, Al-Amiin, Amko, Mandheera iyo kuwa kale oo laga helo noocyo badan oo ka mid ah dharka, dahabka, cadarka, saacadaha iyo qalabka electronics-ka ah.

Dhibaatooyinka ganacsiga Soomaalida ay la kulmeen sannooyinkii dambe waxaa ka mid ah dabkii qabsaday dhammaadkii sannadkii 2000 suuqa weyn ee Garisa Lodge. Sidoo kale, guud ahaan suuqyadoo dhan ayaa mararka qaar kala kulma dhibaatooyinkan oo kale, taasoo keenta in lacag badan lagu bixiyo ilaalinta hantida suuqyada.

Sida uu sheegayo Cabdiraxmaan Cumar oo ka mid ah dukaanleyda suuqyada Eastleigh, ganacsatada Soomaalidu mararka qaar waxay la kulmaan qasaare dhinaca ganacsiga ah. "Waxaan iibinnaa alaabta jumlada ah, sida bariiska, burka, sokorta, caanaha iyo alaabta bagaashka ee kala duwan" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cumar.

Heerka goobaha ganacsiga Soomaalida maanta aad ayuu uga duwan yahay kii horraantii 1990-meeyadii ka billowday waddanka Kenya, sababtoo ah waxaa ku soo kordhay goobo ka duwan kuwii hore, sida Beauty Saloons, Stereo-yada lagu duubo cajaladaha, adeegga goobaha Internet-ka oo ku soo badanaya xaafadaha Soomaalidu deggan tahay iyo maqaayadaha laga cunteeyo.

Xasan Xaaji Kiish (Xasan Kiara) oo ah maamulaha rugta Internet-ka ee Kiara ayaa sheegay in howlaha ay qabtaan ay ugu weyn tahay inay dadka baraan isticmaalka Internet-ka, sida loo furto ee wax looga raadsado bogagga Internet-ka iyo adeegsiga boostada degdegga ah.

"Waxaan dadka barnaa computer-ka program-yadiisa, sida Microsoft Office, Internet Explorer, Microsoft Excel, Microsoft Power Point, Microsoft Access, Microsoft Outlook, Quick Book Accounting iyo maadooyin kale" ayuu yiri Xasan Kiara.

Waxaa kaloo uu sheegay inay qabtaan adeeg ay teleefoonnada uga dhex diraan computer-ka meel kastoo ay dadku doonayaan, ha noqoto Mareykanka ama Yurubta. Mar aan weydiiyey dhibaatooyinka ay la kulmaan waxa uu xusay inay mararka qaar dhacdo in askar ay u timaddo dadka Internet-ka isticmaalaya, ayna weydiiyaamn sharciyada ay ku joogaan dalka Kenya.

Sidoo kale, Rugaha qurxinta haweenka (Beauty Saloons) ayaa ka mid ah laf-dhabarka ganacsiga Soomaalida. Nadiiro Cali Cusmaan oo maamule ka ah mid ka mid ah rugahaas oo ku yaalla xaafadda Soomaalida ee Nairobi ayaa sheegtay inay shaqadan ka soo billowday Soomaaliya sannadkii 1992-kii.

"Shaqada aan qabanno waa cilaan-saarka iyo madax-sameynta" ayay tiri Nadiiro oo sheegtay in mushkiladda ugu weyn ee ay la kulmaan ay tahay booliska Kenya oo dadka rukunka u ah qabqabta, kaddibna ay ku qasabto inay lacago badan ku soo furtaan dadkii.

Nadiiro Cali Cusmaan waxa ay ku guubaabisay dadka Soomaalida ah ee ka ganacsada Kenya inay sharciyo sameystaan iyaga iyo ganacsigooda. "Markaad sharci sameysanayso lacagta kaaga baxaysa waxaa ka badan tan markaad sharci la’aan tahay kaaga baxayso laaluushka" ayay tiri.

Waxaa la dhihi karaa ganacsiga Soomaalida ku nool Nairobi horumar weyn oo muuqda ayuu ku tallaabsaday, kaasoo mustaqbalka ka dhigi kara Soomaalida dad ka dhex muuqda mujtamacyada kale ee ku nool waddanka Kenya.  .

 Waxaa Diyaarisay:
Mohamed Hassan Ikraam
E-mail: maxamedbashi@yahoo.com
Nairobi, Kenya

I  I  D  H  E  H

January 9, 2003 

Kulan Kusaabsan Taaro Sidii Loogu Fidin lahaa Jaamacada Boosaso oo Caawa Lagu Qabtay Minneapolis
Kulankaan waxaa ka hadlay C/Weli C. Geyre oo ah hormuudka kuliyada ganacsiga ee Jamacada Bosaso oo maalmahan booqashada ku jooga USA... GUJI...  

ISKU DIYAARINTA “XAJKA”
Hawlaha Xajku waxay bilaabmayaan Maalinta Tarwiyada ee siddeedda bisha Dil Xijjah...... GUJI...

MADAXDA HAYADAHA UN OO ELDORET BOOQASHO KU YIMID
Waxayna Soomaalida u sheegeen in haddii ay dhab ka tahay nabad raadinta Soomaaliya ay shirka Eldoret taageero iyo shaqo ka wanaagsan kaalintii ay hore ugu lahaayeen ku yeeshaan.Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq.. 17/1/3

Musyoka oo la kulamay Ergadda Eldoret
wasiirka arimaha dibadda kenya ayaa shalay la kulmay ergooyinka soomaalida ee ka qaybgalaya shirka eldoret... GUJI... 17/1

Urur Wardheere Kayahay  Xubin Golaha Sare oo Billad La Gudoon Siiyey
Xafladda billada lagu bixiyey waxaa ka hadlay Martin Luther King III oo uu dhalay halgamaaga caanka ee lasoo dagaalamay addoonsiga dadka madow ee maraykanka.... GUJI... 17/1com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD