Khaladkii ka dhacay Carta
yaan midkale lagu darin.
 |
Saciid Siyaad Shirwac. |
Saciid Siyaad Shirwac.
Xoghayahay Xuseen Caydiid.
Sida lawada ogsoonyahay dhowr
jeer ayaa laysku deyey in la damiyo dabkaan holaca wayn leh ee ka holcaya
dalka Somaliya hasa yeeshee waxaa nasiib daro ah in kasta oo ay rajadu soo
dhawaato ay soo If baxayaan debendaabo iyo caqabado looga dan lahaa in la
hor istaago wixii wanaag ah oo u qabsoomi lahaa shacbiga Somaaliyeed.
Shirarkaas tixanaha ah ee dhicisoobay waxaa
inta badan eedeeda la saari karaa dowlado shisheeye walow shaqsiyaad kala
duwan oo Somali ah aanay dani ka gelin dhibka haysta shacbiga Somaaliyeed
kuwaasoo markasta u heelan ka shaqaynta danaha shisheeye.
Suurta gal maaha mana la rumaysan karo in
shaqsiyaad dareen Somaalinimo leh oo ka dhiidhiya dhibaatada haysata
shacbigooda ay goob shir ah isugu yimaadaan isla markaana haleeli waayaan
xal dhab ah oo lagu soo af jaro dagaalka sokeeye ee gaamuray hasa yeeshee
waxaa meesha ka cad in aan weli la tixgelin danta guud ee ummadda
Somaaliyeed balse loo loolamayo dano gaara oo raqiis ah oo laga yaabo in ay
shaqsiga taariikhda danbe ka xumayso.
Waxaa nasiib darro ah in shirkii uu ku
baaqay Ismaaciil Cumar Geele shacbiguna rajada ka qabay, qabanqaabadiisa iyo
maarayntiisa la jaah-wareeriyo loona weeciyo qaab danley khaas ah lagu naas
nuujiyo ujeedo gaar ahna laga lahaa sababtoo ah ka qaybgalayaashii shirka oo
aan lagu soo xulin qaab (criteria) aan u cuntamin shacbiga Somaliyeed,
hogaamiyaasha siyaasada iyo beesha caalamkaba.
Qaabka looga qayb galay Carta wuxuu ahaa
jaantaa- rogan iyo kala dhuumasho ayadoo aan loo eegin ayaa mudan ayaa wax
matala iyo ayaa leh go’aan siyaasadeed iyo mid beeleed midna waayo
hogaamiye dhaqameedyadii shirkaa ka qaygalay inta badan waa la qalday oo mid
kasta waxaa loogu baaqay ticket diyaaradeed oo deg-deg ah lamana siin fursad
ay kula shiraan beelahooda.
Sida la ogsoon yahay meelaha dagaalada
sokeeye ka dhacaan aduunka waxaa dib u hishiisiin loo sameeyaa jabhadaha iyo
siyaasiinta ku dagaalama masuuliyada dalkaas. Waxaase fadeexo ah in aan
diiwaan geliney taariikh cusub oo khaldan taasoo aan laga aqoon aduunweynaha
kale waxaan tani ula jeedaa in shirkii Carta loo diiday in ay ka qaybgalaan
hogaamiyaashii qoryaha isu haystay iyo siyaasiyiin badan oo wax soo kordhin
karay.
Kacdoonkii jabhaduhu hogaaminayeen ee lagu
riday dowladii hore 1991 hadafkiisu waxa uu ahaa in lala dagaalamo oo la
rido kaligi taliye aan u cuntamin shacbiga Somaliyeed waxa lagu guulaystay
ridista waxaase la yaab leh in waxyaabihii lagu soo dhoodhoobay Carta
qorshaha ka danbeeya in uu ahaa in dib loo soo celiyo madaxdii kaligii
taliyihii hore ee xukunka laga riday.
Waxaan idin xasuusin lahaa in
tartamayaashii shirkii Carta ay ahaayeen gedigood wasiiradii kaligi taliyaha
marka laga reebo 2 ama 3 nin. Waxaa is weydiin leh maxaa loola dagaalamay
Maxe’d Siyaad Barre? maxayse dagaalkaas ugu naf waayeen shacbi somaaliyeed
oo fara badan hadiiba dib loo soo celinayey ku xigeenkii wasiirkii koowaad
(prime minister) ee dowladii la riday?
Si loo helo nabad waarta loona soo celiyo
sharaftii iyo karaamadii umadda Somaaliyeed ku lahayd beesha caalamka, loona
dhiso dowlad qaran oo loo dhan yahay waxaan u soo jeedin lahaa
qabanqaabiyaasha shirka Nairobi talooyinkaan wax ku oolka ah si looga
foojignaado khaladaadkii shirkii Carta.
1- In qaabka ka qaybgalayaasha lagu saleeyo
ururada dhabta ah ee la aqoonsan yahay
2- In beeshii qaab beeleed uga soo qayb
galaysa shirka ay soo dirsato dad wata saxiixa . iyo ogolaanshaha waxgaradka
iyo kuwa hubaysan ee beesha uu matalayo.
3- In laga tanaasulo oraahda (Others) oo ah
hadal quureed aan u cuntamin beel Somaaliyeed.
4- In ka qaygalayaasha idman ee matalaya
umadda Somaliyeed marka horaba dhamaan saxiix laga qaado In ay diyaar u
yihiin wixii hashiis ah ee ka soo baxa shirka.
5- In beesha caalamka laga codsado
dabagalka iyo meelmarinta wixii hashiis ah ee ka soo baxa shirka.
6- in beesha caalamku diyaariso ciidan
Somaliya hubka ka dhiga kaas oo ay ka mid yihiin aduunka oo dhan intii suura
gal ah.
7- in gargaarayaasha aduunka laga codsado
in ay gargaar bixiyaan inta Somaliya cagaheeda isku taagayso.
N.B Waxaan ka afeefanayaa in aan qoraalkaan
danta aan ka leeyahay ay tahay samata bixinta umadda Somaaliyeed ee aanan ku
xumaynayn beel,urur, ama shaqsi gaar ah.
Saciid Siyaad Shirwac
Email: ssshirwa@hotmail.com
Nairobi Kenya.
Tel:254722230027
2003-01-01
SIIRADII RASUULKA (scw): DUULLAANKII SUWEYQ
Qaybtii 41aad ee taxanaha
Siiradii rasuulka [Wq. Cusman Bilaad]
Cawaaqib
Xumida uu La Kulmayo Qofkii Caaya Rasuulka (scw)
Waxaa na soo kedinayay
maalmihii ugu danbeeyay dad ku abtirsanaya inay yihiin soomaali oo si dhiiranaan
aan dheelitirsanayn ugu kacaya falal-denbiyeed aad ugu weyn miisaanka culus ee
diinta islaamka..
GUJI...
31/12
Kaah
oo Loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
War SomaliTalk kasoo gaarey Kaah Express ayaa
caddeeyey in shirkada loo cusboonaysiiye shatigii Xawaalada ee Minnesota..
GUJI....
31/12
Siciid
Saalax & Habeenkii
Ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota
Dhulka Soomaaliyeed yaaleh, waxaa leh
NABADDA ayuu ku jawaabey Siciid Saalax oo hadal dheer kasoo jeediyey habeenkii
Ardayda Jaamacada Minnesota.. GUJI
30/12
Baaq
Kasoo Baxay U.H.G.J/Hoose
Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ayaa
soo saaray baaq uu ku bilaabay... GUJI....
30/12
Dahabshiil
oo loo cusboonaysiiyey shatiga Minnesota
Qoraal SomaiTalk kasoo gaarey xawaalada
Dahabshiil Minnesota ayaa caddeeyey in loo cusboonaysiiyey shatigii... GUJI....
30/12
AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid
u gaara isha nasoo gaasiisey.
WARARKA
SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY
| JUNE |
MAY | APRIL
|
MARCH | FEBRAAYO
|
Janaury 2002
| Wararkii
1999-2001
com
|